Tartan-ciyaareed lagu xusayo Ruug-caddaayadii ka Baxay Saxaafadda Somaliland oo la shaaciyey iyo Cidda ka Qayb-qaadanaysa

Hargeysa (SLpost)- Tartan Kubadda Cagta ah oo loogu talo-galay in lagu xuso Suxufiyiintii Ruug-caddaaga ee ka geeriyooday Bahda Saxaafadda Somaliland, ayaa la qorsheeyey in bisha Barakaysan ee Ramadaan lagu qabto magaalada Hargeysa.

 

Tartanka oo qaban-qaabadiisu socoto, isla markaana ay taageero iyo taakuloba ka geysteen Dhowr Shirkadood oo shirkadaha Is-gaadhsiinta ah iyo kuwo kale, ayaa shaacintiisa maanta lagu ibo-furay garoonka kubadda Cagta ee Cali Gadhle Stadium ee magaalada Hargeysa.

 

Fekerka lagu abuuray tartanka iyo Qaban-qaabadiisa waxa Isku hawlay Suxufiga da’da yar ee Cumar Maxamed Cabdi (Cumar-Shaafi). 

 

Kooxaha ka qayb-galaya Tartanka, ayaa dhammaantood la qorsheeyey inay ka socdaan isla markaana metelaan Hay’adaha Warbaahinta ee kala Duwan, Sida Telefishannada, Wargeysyada iyo Website-ka.

 

Haddaba Faahfaahinta Warkan kagaga Bogo Muuqaalkan Hoose