Taranta Daanyeerka oo badatay ayaa hoos u dhac ku keentay Wax-soosaarkii Beeralayda Dalkeena. Talo ku socota Xukumada

Dadka beeralayda ah ee ku tiirsan wax-soosaarka dhinaca beeraha ayaa la daalaa dhacaya sidii ay uga celin lahaayeen waxa ay tabcadeen xayawaanka Daanyeerka oo tarantiisu aad u badatay kaasi oo sababay in dad badan oo beeralaya  ku adkaato inay ka ceshan karaan wixii ay beerteen.  Iyaga oo aan babac dhigi karin tirada Daanyeerka oo badatayawgeed, taasina waxay keentay in dad badan oo wax kala soo bixi lahaa  beeruhu ay doorbidaan inay iskaba daayaan tabacashadii beeraha madaama wixii ay beeraan uu noqonayo wax ay u beereen daanyeer. Waxa dhici karta inaanay warba u haynin maamulada Gobolada dalka iyo Wasaarada beeruhu xalaadaha ay wajahayaan dadka beeralayda ahi.

daanyeerXayawaanka Daayeerku wuxuu gaadhay inuu magaalooyinka soo galo isaga oo raxan raxan u socda oo aan kaba cabsanayn dadka, hadaba maxaad u malaynaysaa isaga oo qof beeralay ah cidla ka hela isaga iyo beertiisa. dad badan oo wax kala soo bixi lahaa beerahooda aya aad uga niyad jabsan xaalada jirta oo aanay Hay’adihii Dawliga ahaa ee ay ahayd inay wax ka qabtaana aanay kaba warhayn, balse waxa qudha ee inta badan ugu yimaadaan waa inay ka soo doontaan cashuurta sanadlaha ah ee beeraha laga qaado. 
Hadaba sidee ayaa wax looga qaban karaa taranta badatay ee Daanyeerka, waxa la samayn karaa in la raadiyo daawada loogu talo galay in lagu yareeyo taranta xawayaanka marka sidan oo kale dhacdo taasi oo loogu talo galay inaanay caafimaad ahaan waxba yeelin balse ay ka joojiso dhasha oo qudha, waxana loogu daraa raashinka uu cuno oo loogu geeyo meelaha uu u hoydo wakhtiyada habeenkii. Daawadaasi waxay maxsuul keeni kartaa mudo toban sano ah gudahooda in tiradiisu aad hoos ugu dhacdo taasina ay keeni karta inuu cuno ka heli karo dhulka buuralayda oo ah oo aanu u baahan doonin inuu soo weeraro dadka beeralayda ah madaama imika tiradiisa oo badan awgeed uu wax uu cuno ka waayay dhulka buuralayda oo ah uu inta badan ku noolyahay.
Xukumada siiba Wasaarada Beeraha ayaa laga rabaa inay qorshe keento lagu yareenayo taranta Daanyeerka si wax soo saarkii beeraha kor loogu qaado, shacabkuna ugu dhiiradaan inay dib u qotaan beerahoodii ay uga haajireen xawayaanka daanyeerka.
Allaa Mahadleh
Yuusuf Wacays.