“Talo Waa Mar Aad Garanwaydo Iyo Mar Aad Gaadhi Waydo” Cali Guray

Hargeysa  (SL.Post) Talo waa mar aad garanwaydo iyo mar aad gaadhi waydo. Anigu maanta arinta lixdaa goobood iima banaana wax kale oon ka idhaa oon ahayn HADEER WAXA JOOGA HAMAAN KA AFEEFTAY.

 

 

 

cali-guray

Hadii doorashada madaxtooyada uun waa fursad mar hore soo martay oo hadana ay ka luntay. Lakiin maanta maalintii maaha oo waxay ahayd inay noqoto si ka duwan. Anigu kolay cid kale oon ku canaanto garan maayo oon ahayn kuwii shalay markii aan ku musanaabayay dhegaha iga furaystay iyada oo wax waliba markaa suurtogal ahaa.

 

Dadka goobahaa deggen intii cid abaabusha heshay Saaxil bay iska diiwaangeliyeen hadda inta aan is diiwaangelin ee ku hadhay aad bay u yartahayba hadii ay doorashada madaxtooyada uun tahayna dad loo raro uma baahna waayo dee halka uu joogaba wuu uga codayn karaa cidii uu doono.

 

Anigu isma lihi dadka goobahaa ku hadhsan ee iska diiwaangelin kara maanta dhawr boqol wax ka badan inay noqon karaan.

 

Markaa bal colka maanta is xaydxaydaya shalayna loo taag la’aa tay dhigeena aynu wada ogayn guusha ay ka soo hooyaan waynu u wada joogi. Qoladan reer Boorame ee Tvyada soo fadhidaa waxay diidan yihiin iyo waxay doonayaan anigu midna maan garanin.

 

Doorashada Madaxtooyada qofku halka uu joogo ayuu buu codkiisa ka dhiibanayaa ee ma dhawr boqol ee muwaadin ee xaqoodii la kala dhimay ayay xataa diidan yihiin.

 

Taasi xumaan bay u muuqan kartaa haday ay cidi ka joogto saw kuwa la diiwaangelnayo uun ka mid noqon maayaan

 

 

Somalilandpost.Hargeysa