Suldaan Axmed Maxamed Colhaye oo lagu Caleemo-saaray Deegaanka Arabsiyo

Hargeysa (SLpost)- Deegaanka Laas-xadhaadhe oo ka tirsan Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, munaasibad kulmisay Madaxdhaqameedyo ka kala yimi Dhulka Soomaalida, Siyaasiyiin, Ganacsato, Culimo-awdiin iyo boqolaal qof oo marti-sharaf ah, waxa lagu caleemosaaray Suldaan Axmed Maxamed Colhaye oo kamid noqday Madaxdhaqameedka Somaliland.

Caleemo-saarka Suldaanka cusub, madaxdhaqameedyada ka qaybgalay, waxa kamida Garaad Kulmiye, Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil oo ka soo jeeda mid kamida Saldanadaha ugu faca iyo magaca weyn ee Soomaalida, Isimo ka kala yimi Gobolada Somaliland Sool ilaa Awdal iyo xubno ka socday raas-dhaqameedyada Deegaamada kale ee Soomaalida.

Suldaan Axmed Maxamed Colhaye oo lagu Caleemo-saaray Deegaanka ArabsiyoMaamulka Gobolka Gabiley iyo masuuliyiin kale oo ka socday Dawladda ayaa iyaguna ka qaybgalay Xaflada oo intii ay socotay laga soo jeediyey hadallo u badan Duco, Kaftan iyo dardaaran.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi, Garaad Kulmiye Garaad Maxamed iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamida isimada madasha ka hadlay ayaa ugu duceeyey Suldaanka cusub inuu alle u fududeeyo mansabka dhaqan ee loo doortay, waxaanay kula dardaarmeen inuu ku shaqeeyo la-tashi, Cadaalad iyo hufnaan hogaamineed.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil, Suldaan Axmed-daahir Muuse iyo Isimo kale oo miisaan leh oo xaflada ka hadlay ayaa iyaguna dhankooda duco iyo dardaaran halkaa uga jeediyey Suldaanka cusub.