SOOL: Xanuun Astaamihiisa La Garan Waayey oo Lagu Arkay Deegaanka God-aalo

Laascaanood(SLpost) – Waxgarad jooga deegaanka God-Aalo ee Gobolka Sool ayaa ka hadlay Xanuunno iyo abaaro ka jira deegaankaas oo 135 KM dhanka bari kaga beegan magaalada Laascaanood.

 

Maxamuud Cabdi Ciise (Biciid Fuul) oo ah guddoomiyaha God-Aalo ayaa VOA u sheegay in xanuunada iyo abaaraha ka jira dartood ay dadka deegaankaas u hayaameen duleedka magaalada Laascaanood.

 

Sheekh Cabdilaahi Faarax oo xanuunkaas uu isaga naftiisa ku dhacay ayaa VOA-da u sharaxay xanuunkaas qaabka uu dadka ugu dhacayo, waxaana uu sheegay in uu saamayn xooggan ku yeeshay guud ahaan dadkii deegaanka God-Aalo deganaa.

 

Koox caafimaad oo ka socota hay’dda Bisha Cas ayaa gaadhay deegaanka, waxaana ay sheegeen in ay gurmad u baahan yihiin dadka xanuunkan uu saameeyay, sida uu sheegay Siciid Kaahin Shire oo ka mid ah saraakiisha hay’adda Bisha Cas.

Mudane Biciid Fuul wuxuu sheegay inaanu waligii arag cudur astaamahan leh “Aad iyo aad ayaa loo bukaa, qoys aan cidi ka bukin ama aan qufacayna ma jiro,” ayuu yidhi isagoo intaasi ku daray in qoyska aan xanuunka u wada jiifinna ay cid uuni ka jiifto, waxa uu sidoo kale yidhi “Hargab iyo kaneeco waa la arki jiray laakiin midna maaha, dadku way soo dhacayaan, markaa qofka xumad madaxa ah ayaa qabanaysa, intaa aan joogay ilaa 1964-kii cudur noocan ah ma arag.”

 

Sheekh Cabdilaahi Faarax, oo xanuunkani ku dhacay ayaa sidoo kale sheegay in madaxu qofka xanuunayo, xumad kalena yeelanayo, isagoo sheegay in qofku noqonayo bilaa awood “ Adhaxda waa lagu kala goynayaa, madaxuna wuu ku kala dhacayaa, itaalkana waa lagaa qaadayaa, haddaad is tidhaahdo kac oo waysayso ama suuliga gal waad dhacaysaa,” ayuu yidhi Sheekh Cabdillaahi.

 

Waxgaradkan ayaa maamulka gobolka Sool, xukuumadda Somaliland iyo hay’addaha caafimaadka ugu baaqay inay gargaar ka gaystaan xanuunkan ku habsaday bulshada degaannada God Aale.