Soo-dhaweyntii Wasiir Cali ‘Mareexaan’: Qalinkii Abdinasser Ibraahim

Soo-dhaweyntii loo sameeyay Wasiir Cali oo in muddo ah ilmo uu dhalay dhakhtar debeddeed qalliin keli luugu gelinayo kula maqnaa. Rabbi ayaa ammaan idilkeed leh, ilmahii yaraa oo caafimaad qaba iyo wasiirkii soo nabad celiyay.

Waxa aan se iska weydiiyay soo-dhaweyntii Wasiir Cali ‘Mareexaan’ dhawr weydiimood, hasa yeeshee, inta aanan weydiimahayga iyo gun-gaadhka qoraalkaygan tagin arar yar aan ka horreysiiyo.

Wasiirkayga

Wasiir ilmahaaga aad debedda caafimaadka ugu qaadday iyo kumannaan kale oo ubaxa qarankan ah oo xaalad caafimaad oo kakan cisbitaallada dalka u yaal, qaarkood na gurayahooda caal-waa dhigay, oo irbadda xumad-jebinta loo waayo habeennada qaar, dhammaantood waa ubad, xil baa masuuliyiinta aad ka mid ka tahay iyo guud ahaan xukuumadda ba ka saaran; waxbarashadooda,caafimaadkooda iyo mustaqbalkooda ba. Qof ahaan la-yaab igu may noqon in aad ilmahaaga dhakhtar debeddeed u qaaddo, waxa keentay baahi caafimaad oo dalka ka jirta, amba ilmahayga waan geyn lahaa, oo waa beer-waalidnimo.Waxa se fejiciso igu noqotay in aan warka Televisionka ka arko Soo-dhaweyntaadii, shaqo qaranka ugu maad maqnayne, xil waalidnimo ayaad gudanaysay, sida aad war uga dhigtay caafimaadka ilmahaaga yar.

  1. Mudane wasiir ma is-weydiisay, marka aad shaqo kuu gaar ah qabsanayso iyo marka aad qaranka shaqo ugu maqan tahay, waxa ay ku kala duwan yihiin iyo waajibaadka ka dhalanaya?
  2. Mudane wasiir Television-ka in laga siidaayo adigoo wasiir ah in ilmahaaga dhakhtar debeddeed lagu soo daweeyaa imisa waalid oo carruuri ka bukto oo aan awoodin in ay sidaada oo kale dhakhtar debeddeed geystaan ayuu daawashada warka noocan ahi qalbi-jab ku keeni karaa?
  3. Ilmahaaga yar ee sabiga ah in uu xanuunsadaa waxa ay imtaxaan Rabbi adiga oo waalidkii ah ku marinayay, haddii ilmihii oo ladan Ilaahay kuu soo celiyay, in aad Rabbi ku mahadiso, masaakiintana sadaqo siiso iyo in aad war ka dhigto oo TV-ga mariso iyamaa kula qurux badnaatay?
  4. Haddaad ilmahaaga adigu markuu xanuunsado dhakhtar debeddeed geyn karto, yaa u cid ah ama caafimaadkooda iyo dhakhaatiirtooda ka fikiraya carruurta kale ee Reer Somaliland?
  5. Kharashka baabuurta lagaaga hor-yimidday gaaskooda iyo warqadihii la daacay ee suuqa lagu daadiyay ku baxay, ma kharash halkii ku habboonaa ku baxay baa?
  6. Dhakhtar debeddeed daal iyo tacab badan ayaa laga maraa, intii aad cibitaalkaa joogtay mar na ma kugu soo dhacday tolow muxuu ku kacayaa cisbitaalkan oo kale oo Somaliland laga dhiso?