Somaliland: Xukuumada Itoobiya oo Beenisay Hadalkii Xisbiga Waddani, Ayaa Xaqiijisay Taageeradeeda Heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera.

“Xisbiga Waddani been ayuu ka sheegay, hawl dhinacyadii ay khusaysay hore u dhamaysteen.” Md. Berhe Tesfay-

Hargeysa-(SlPost) Xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera & dhamaan iskaashiga u dhexeeya Somaliland, isla markaana beenisay hadal xisbiga Waddani ka soo yeedhay.

DpUnsMxXUAAxCP9

Md Berhe Tesfay, Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inaanu waxba ka jirin hadal xisbiga Waddani shaki kaga muujiyey ka maqnaanshahii Itoobiya ee xafladii heshiiska balaadhinta dekeda Berbera.

Md Tesfay oo weriye Maxamuud Walaaleye wax ka weydiiyey dareenkiisa heshiiskii balaadhinta dekeda Berbera iyo hadal xisbiga Waddani ka yidhi ka maqnaanshahooda, isagoo jooga Hargeysa galabta ayaa  ku jawaabay,

“Itoobiya way taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera & dhamaan iskaashiyada ay la wadaagto Somaliland.” Ayuu yidhi Md Tesfay. Isagoo raaciyey.

“Xisbiga Waddani been ayuu ka sheegay, hawl dhinacyadii ay khusaysay hore u dhamaysteen.” Ayuu yidhi.

09

Hadalka Qunsulka Guud ee Itoobiya Md Berhe Tesfay ayaa mugdiga ka saaray hadal Mr Nuuradiin Ibraahim AwCabdi, oo xisbiga Waddani ah ku sheegay in saamiga dekeda Berbera oo u dhexeeyey Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya, ay  heshiiska balaadhinta dekeda Berbera Itoobiya ka maqnayd, halkaasina su’aal layska weydiinayo, ma saamiga Itoobiya ayaa been ahaa? Oo bulshada qaarkood hadal-hayeen.