Somalilandpost | News and Analysis

Somaliland: Xayiraadda Baraha Bulshada – WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

Go’aankii ay guddida doorashooyinka Somaliland shirkadaha isgaadhsiinta kaga dalbadeen inay xayiraan barashada bulshada, waxa uu u muuqdaa go’aan salka ku haya laba daran mid dooro: In la helo nabad iyo degenaansho inta lagu hawlan yahay doorashada iyo natiijadeeda, lagana badbaado wararka been-abuurka ah ee bulshada kicinaya. In la lumiyey xorriyaddii hadalka ee bulshada iyo fikir wadaagistii ba, maadaama oo baraha bulshadu hadda noqdeen meelaha laga la socdo afkaarta bulshadsa.

Waxana tallaaban xayiraadda diidmo kala hor yimi u dhaqdhaqaaqayaasha iyo u doodayaasha xuquuqul insaanka ee Somaliland, oo iyagu cuskanaya qodobka danbe ee ah inay bulshadu xor u ahaato fikir cabbirista, isla markaana la jebiyey dastuurka Somaliland ee muwaadiniinta u damaanad qaadaya inay fikirkooda si xor ah u cabbiraan.

heersareGuuleed Dafac oo ah guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka HRC ee xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa, ayaa xarun ahaan waxay gafanta ku dhufteen go’aanka guddida doorashooyinka, waxana uu yidhi: “In baraha bulshada la xidhaa, waa cay iyo af-lagaaddo loo gaysanayo shacabka. Waxa ay ka dhigan tahay: garaadkooda ayaa hooseeya, oo la aamini kari maayo. Waa tallaabo keeni doonta, in dawladaha soo socdaa markay doonaan dadka ka xidhaan. Waa tacaddi iyo dhaqan keligii-talisnimo. Mana aha shaqada Guddida Doorashada inay arimahaas gasho. Waxaan ka codsanayaa Gudida hawlo badan baa u yaale, inay ka noqdaan amarkaas oo aanay cagaha la gelin wax sumcadooda, ta Somaliland iyo ta doorashada ba waxyeeli doona.”

Mar kale Guuleed waxa uu sheegayaa inay dacwad u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland: “Waxa aanu Maxkamadda sare u gudbinay dacwad aanu kaga cabanayno go’aanka gudida doorashadu ku xayirayo baraha bulshada. Go’aankaas oo aanu u aragno inuu yahay mid ka dhan ah dastuurka iyo shuruucda dalka u taal.”

Sida guud baraha bulshadu sannadihii u danbeeyey waxay noqdeen barkulanno lagu kulmo oo xogo kala duwan lagu wadaago. Waxa ay noqdeen sidii ardaaga goob la isku xog waraysto. Dadka qaar habeenkii marka ay seexanayaan moobilka legga ayey gashadaan si ay xogta ugu danbaysa u la socdaan. Kuwo kale salaaddii marka ay toosaan wax kale iyaga oo aan qaban indhaha ayey ku kala furaan. Kuwo kale waxay soo bandhigaan dhaliilaha u muuqda ee ka dhasha hannaanka hogaaminta dalka iyo sida loo saxayo. Qaar kale oo badani waxa ay dadka kula wadaagaan waxa u qabsoomay, guusha ay gaadheen iyo talooyin kala geddisan. Mar kale, dadka qaar waxay ba baraha bulshada u adeegsadaan niyaamyo gacansi. Kuwo kale eheladooda meelaha fog jooga ayay si joogto ah ugu la socdaan, oo waxay kaga raysteen telfoonkii lacagta badani kaga baxaysay.

Lama soo koobi karo saamaynta togan ee baraha bulshadu ku leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa se wanaagyadaa barbar socda dhincyo taban oo saamayntooda leh. Waxa ugu daran abuurista iyo faafinta wararka been abuurka ah ee loo yaqaanno “Fake news” oo hadda caalamku si weyn uga qaylinayo oo uu Maraykanu ugu danbeeyey. Waxana jira siyaabo loo xaqiijiyo wararka been abuurka ee baraha bulshada lagu baahiyo, waxaana qodobada guud la cuskado ka mid ah: In la xaqiijiyo isha warka, in si xeel dheer loo akhriyo ciwaanka iyo xogtaba, in loo fiiro yeesho qoraha, in la hubiyo xogaha la cuskayo ee la xiganayo, in la eego taariikhda la qoray, in loo dhug yeesho inuu yahay war kaftan ah iyo inuu dhab yahay, inuu yahay war aan dheelitiranayn ama aan dhexdhexaad ahayn, iyo ugu danbayn in wax la waydiiyo qof khabiir ku ah xaqiijinta xogaha iyo ilaha warka.

Bulshada Somaliland siyaabo kala duwan ayey uga falceliyeen go’aanka guddida doorashooyinka, iyagoo qaar badan oo ka mid ahi fikirkooda ku cabbireen facebook. Haddii aan soo qaato laba falcelinood, oo aan ku horreeyo qof ka soo horjeeda xayiraadda baraha bulshada isla markaana taageersan diidmada xuquuqul insaanka, waa Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac oo sidan yidhi: “Waan taageersanahay dacwaddaas guddoomiyahayga iyo bahda xuquuqal insaanku gudbiyeen. Somaliland ma geydo, garawshiiyana looma helaayo, in baraha bulshada loo xidho tirinta codadka. Waxa laga hadlayaa ma aha, jacayl Facebook iyo wax la mid ah, balse waa sawirka foosha xun ee Somaliland laga gudbinayo. Waa tallaabo mustaqbalka saamayn ku leh. Shuruucda dalku sidaas ma qabaan. Ta caalamkuna waa la mid. Waddan keligii teliye haysto uun baa albaabada la isu xidhaa.”

Waxa fikirka sare ka soo horjeeda Cabdi Mire oo isaguna yidhi: “Wax walba waxa nagala weyn badbaada dalka. Micno yeelan mayso todoba cisho oo baraha bulshada la xidho intii propogando la faafin lahaa. Waan ku taageersanahay go’aanka ay gaadheen komishanku.”

Baraha bulshada waxa ugu dhib badan Facebook oo ah meesha loogu faafinta badan yahay wararka been abuurka ah qiimaynta guud ee ii soo baxday. Sidaa darteed, aniga facebook oo aan culays badan ka tirsanayey, isla markaana aan ku tashanayey in aan hakiyo ama yareeyo isticmaalkiisa inta hawlaha doorashadu socdaan, ayaa waxa ila kulmay go’aanka guddida doorashooyinka oo runtii aan moodayey inay i ogaayeen. Waxa se aan u arkaa tallaabo lagu degdegay in guud ahaan ba la xiyiro baraha bulshada.

Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare)

Cabdiheersare01@hotmail.com

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE