“Somaliland waxay u baahan tahay inay dib isu abaabusho oo dadka la mideeyo” Nuxurka Khudbad Faysal Cali Waraabe ka Jeediyey Shirweyne laysku Arkay

“Somaliland waxay u baahan tahay inay dib isu abaabusho oo dadka la mideeyo” Erayadaasi waxay ka mid yihiin Khudbad Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ka Jeediyey Shirweyne lagu lafa-gurayo Horumarka Somaliland ku tallaabsatay iyo Caqabadaha horyaalla 27-kii sanno ee ay jirtay, kaas oo maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in heerka Somaliland maanta marayso ay ka wanaagsanayd Toban sanno ka hor heerkii ay maraysay marka loo eego siyaasadda Arrimaha dibadda iyo sidoo kale midnimada gudaha ee dalka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA GUDDOOMIYE FAYSAL CALI WARAABE