Somalilandpost | News and Analysis

Somaliland: Wasiir Ka Badbaaday Shil Baabuur

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md Cabdirashiid Ducaale Qanbi, ayaa maanta ka badbaaday Shil baabuur, kaddib markii gaadhigiisu kula dhacay deegaanka Balli-mataan oo ku yaalla Koonfurta Caasimadda Hargeysa.

 

Wasiir Cabdirashiid Ducaale oo ay weheliyaan saddex qof oo gaadhiga la saarnaa, ayaa dhammaantood ka bad-qaba shilkaas, haseyeeshee waxa burbur soo gaadhay gaadhiga Wasiirka.

 

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa la sheegay inay ka yimaaddeen dhinaca degmada Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh, waxaanay ku sii socdeen dhinaca degmada Balligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN

 

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE