SOMALILAND: WASIIR iyo SIYAASI isku haysta Kursi ka bannaanaaday Golaha Wakiillada iyo Diiwaanka Caddeynta

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees iyo Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa isku haysta kursi ka tirsan Golaha Wakiillada oo uu banneeyey xildhibaan dhawaan geeriyooday oo lagAlle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo dhawaan geeriyooday.

Allah ha u naxariistii Marxuum Ibraahim Kacaan ayaa ka mid ahaa Siddeeddii Xildhibaan ee Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Gobolka Maroodijeex doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2005-kii.

MURANKA KURSIGA

Maxamed Muuse Abees iyo Xuseen Axmed Caydiid oo labadooduba xisbiga Kulmiye isaga sharraxay Doorashadaas, ayaa labadoodu ku guul-darraysteen  inay ku soo baxaan tirada tirada codadka ay heleen oo aan gaadhin intii looga baahnaa awgeed, waxaanay sugayaal u noqdeen inay buuxiyaan boosaska ay banneeyaan xildhibaannada ay isku xisbiga ka soo wada-jeedeen ee ku soo baxay Golaha Wakiillada.

HADDABA, waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa warbixin xambaarsan xog-warraysiyo lala yeeshay labada siyaasi oo mid waliba sheeganayo inuu leeyahay booska bannaanaaday. Hoos ka daawo warbixintan oo uu diyaariyey telefishanka ERYAL TV oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

LIISKA XILDHIBAANNADII U SOO BAXAY IYO MURSHAXIINTII KEYDKA XISBIGA KULMIYE GOBOLKA MAROODIJEEX

liiska kulmiye Maroodijeex