Somaliland: WASIIR Dhowr Sanno ku Maqnaa Muqdisho oo Dalka ku soo laabtay iyo Arrimo uu ka hadlay

Waxa uu ka hadlay sababta uu muddada dhowrka sanno ah ugu maqnaa magaalada Muqdisho iyo sababta xilligan la dhowrayo dhismaha xukuumadda cusub ku soo beegtay socdaalka uu ku soo guryo-noqday

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Md Maxamuud Siciid Maxamed, ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay dalka, isagoo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya oo uu ku sugnaa dhowrkii sanno ee u dambeeyey.

MaxamuudMaxamuud Siciid Maxamed oo xilka wasaaraddaas hayey xilligii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, ayaa dhowrkii sanno ee u dambeeyey ka maqnaa saaxadda siyaasadda tan markii uu burburay Xisbigiisii uu ka tirsanaa ee UDUB kaddib doorashadii madaxtooyada ee 2010-kii. Ilaa wakhtigaasna lama arag meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Haseyeeshee waxa uu sheegay inuu muddadaas oo dhan ku maqnaa magaalada Muqdisho.

Maxamuud Siciid oo la hadlay Telefishanka HCTV, waxa uu ka hadlay Doorashada Somaliland ka dhacday, qaabkii ay uga dhacday, madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi. Waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu muddada dhowrka sanno ah ugu maqnaa magaalada Muqdisho iyo sababta xilligan la dhowrayo dhismaha xukuumadda cusub ku soo beegtay socdaalka uu ku soo guryo-noqday

HOOS KA DAAWO WARKAN OO DHAMMEYSTIRAN

https://youtu.be/x0KrXSOkcYo