SOMALILAND: Tirada Rasmiga ah ee Shaqaalaha Dowladda oo markii ugu horeysay la shaaciyey

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda shaqaalaha dowladda ee Somaliland ayaa rasmi aha ugu dhawaaqay tirada guud ee shaqaalaha dowaladda u shaqeeya.

Tirada shaqaalaha dowlada oo lagu ogaaday diiwaangelin soo socotay lix bilood oo hay’adda shaqaalaha uu ka caawiyay baanka adduunka, ayaa hadda lagu ogaaday in tirada shaqaaluhu tahay wax in yar ka badan afar iyo toban kun oo qof , kuwaasoo boqolkiiba 75 rag ah . Shaqaale badan ayaa iska dhimay tiradii hore, kuwaasoo tiradoodu ka badan tahay 2,400 oo qof.

Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha SomalilandGuddomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharma’arke Axmed Muxumad oo BBC ay weydiisay waxa ay diiwaan galintu ka tari karto mushaarka shaqaalaha oo yar wuxuu yidhi “xirfadooda iyo xoolahooda ayaa la kordhinayaa, wax u qalma oo ay qaranka ugu adeegi karaan ayaa loo diyaarinayaa”, laakinse kororsiimadaas xagga mushaarka ah weli si rasmi ah shaaca loogama qaadin inta ay noqonayso.

Tirada ka dhiman shaqaalaha dawladda ee loo yaqaanno “caagleyaasha” ama dadka aan iminka tiradaas ku jirin ayuu sheegay Sharma’arke in dawladdu ay bilaabi doonto hanaankii dib loogu habayn lahaa tiradooda.

“In shaqaale dawladeed la wada noqdo ma aha muhiimadda. Dawladdu waxay samaynaysaa hanaan shaqo abuur oo dhalinyarada maalgelin iyo iskaashatooyin iyo qorshayaal shaqo abuurineed loo sameeyo” ayuu yidhi, Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ay shaqo la’aanta ba’an iyo saboolnimada ka jirto.