Somaliland oo markii u horeysay lagu Qabanayo Shirweyne heer Qaran ah oo la xidhiidha Cilmiga ICT-ga

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technology-ada ee Somaliland Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay wasaaradda, ayaa shaaciyey shirweyne heer Qaran ah oo la xidhiidha Cilmiga Casriga ah ee ICT, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaraddda Isgaadhsiinta Somaliland.

 

Shirweynaha oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee dalka lagu qabto muddadii ay Somaliland jirtay, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo gor-fayn lahaa heerka dhinaca horumarka ee Cilmiga IT-gu xilligan ka marayo dalka isla markaana loo dhiirrigelin lahaa horumarintiisa, waxaana ka qayb-gali doona wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiinta ugu sarreysa shirkadaha isgaadhsiinta ee ka jirta dalka iyo marti-shraf kale.

 

Faahfaahinta warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose