“Somaliland Hadday Diyaar U Yihiin Inay Wax Ka Beddelaan Dastuurka , Waanu La Midoobaynaa ” Cali Khaliif Galaydh

(SL.Post) Hoggaamiyeha Khaatumo Prof:  Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inay Somalilad la midoobayaan haddii wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka dalka Somailand.

galaydh

“Ujeeddada aanu ka leenahay (Wada-hadallada Somaliland) waa in Nabad la gaadho, isfaham la gaadho, Arrimo aad loogu kala gedisan yahayna way jiraan (oo u baahan in isfaham laga gaadho).”

Prof: Galaydh oo Wareysi Magaalada Buuhoodle ku siiyey Telefiishanka Universal, waxa kale oo uu sheegay in aanay u muuqan sabab ay xilligan uga hadlaan Midnimada Soomaaliya, maaddaama buu yidhi aanay Xamar ka jirin Xukuumad uu sheegay in aanay ku qanacsanayn, sidaa darteedna ay Dantooda ka raadsanayaan Somaliland, wallow uu leeyahay Dastuurka Somaliland wax ha laga beddelo, “Siday Hadda wax noogu muuqdaan, Maamulka imika Xamar jooga uma aragno mid aanu Midnimo Soomaaliyeed ugu dhimanno. Markaa waxaanu raadsanaynaa Dantayada, Dantayada ugu horeysa ee aanu ka raadsanayno (Somaliland) waa in Dadkayagu Salka Dhulka dhigaan oo ay Nabad ku noolaadaan.”

Prof: Cali Khaliif Galaydh oo la waydiiyey wuxuu is leeyahay way ku heshiin karaan Somaliland Mustaqbalka, ku jawaabay, “Dastuurkoodu intuu jiro, maaha waxaanu hollinayno inaanu ka mid noqonno (Somaliland), mana noqonayno (Somaliland), Shuqulna kuma yeelanayno. Laakiin hadday diyaar u yihiin inay waxaa beddelaan (Dastuurka) wakhtigay doonto ha qaadatee (waanu la midoobaynaa).”ayuu yidhi Prof: Cali Khaliid Galaydh

Somalilandpost.net