Somaliland: Guddiga Qandaraasyada oo Fashiliyey Qorshe lagu Xakamaynayo Qishka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dalka iyo Fadeexado soo if-baxay

“Heegan buuxa ayaa lagu jiraa, ciidamada kala duwan way nagala shaqaynayaan ammaanka hadday tahay booliska iyo Sirdoonkuba. Ardayga moobil laga qaado loo soo celin mayo, Ardaygana imtixaanka waa laga kansal-garaynayaa, markaa waxaanu…” Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa sannadkan u qorshaysay inay gacan bir ah ku qabato khiyaamooyinka iyo Qishka ku yimaadda Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo inta badan la tuhunsan yahay inay telefoonnada gacantu u fududeeyeen, waxaanay wasaaraddu go’aamisay in la hirgeliyo qalab loo lagu rakibayo goobaha imtixaanka, kaas oo khadka ka saaraya Anteennada Telefoonnada Gacanta.

 

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Wasaaraddu hawshan u xil-saartay inay bulshada u soo bandhigto kuna tartamayaan Mashruuca keenista Qalabka, ayaa daba-yaaqada bishii Ramadaan ee aynu soo dhaafnay shaacisay Shirkad ku guulaysatay fulinta mashruucan oo ay ku kacayso adduun Lacageed oo gaadhaya $130,000 (Boqol iyo Soddon Kun oo Dollar), taas oo laga soo dhex-xushay dhowr shirkadood oo u tartamay Qandaraaska.

 

 

Kulan Guddigu isugu yeedheen Shirkadda ku guulaystay, shirkadaha laga guulaystay isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, ayaa lagu shaaciyey inay mashruucan u tartameen dhowr shirkadood oo magacyadoodu kala yihiin: TALL-SOM PRINT CO oo soo gudbisay inay qandaraaska ku fulinayso lacag dhan SLSH935,000,000 (Sagaal Boqol, Soddon iyo Shan Milyan Shilinka Somaliland ah), shirkadda PURE TECH oo soo gudbisay $30,000 (Soddon Kun Dollar), SAN MEDICAL SUPPLY oo soo gudbisay inay mashruuca ku fulinayso lacag dhan SLSH935,000,000 (Sagaal Boqol, Soddon iyo Shan Milyan Shilinka Somaliland ah) iyo HORYAAL BUSSINESS oo aan iyadu soo gudbinin Wax Qiimo ah oo mashruuca ku fulinayaan sida ka muuqatay Shaxda Furaha Qandaraaska oo madasha lagu soo bandhigya.

 

SHAACINTA SHIRKADDA GUULAYSATAY 

 

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa halkaas ka shaaciyey Guddigu waxay halkaas ku shaacisay in shirkadda SAN MEDICAL SUPPLY ku guulaysatay fulinta mashruucan ay sheegeen inay qalabka ku keenayaan muddo Toddoba Maalmood ah oo ka bilaabmaysay maalinta la shaaciyey inay ku guulaysteen oo ku beegnayd 2-dii June 2019-kii isla markaana ay qalabka iyo rakibaaddiisa ka gaadhsiiyaan inta ka horeysa muddada imtixaanku bilaabmayo oo ah 15-ka June. 

 

Haseyeeshee, muddo dhowr cisho kaddib, waxa ay shirkadda SAN MEDICAL SUPPLY u soo gudbiyeen Guddiga Qandaraasyada Warqad ay kaga noqonayaan fulinta Mashruuca sababo farsamo awgeed iyagoo sheegay inaanay awood u lahayn keenis qalabka oo aanay ka soo gaadhsiin Karin wakhtiga oo kooban awgeed. Waxaanay Guddiga Qandaraasyadu isla markiiba Mashruuca ku wareejiyeen Shirkadda Kaalinta labaad gashay ee Qiimo ahaan ugu soo xigtay oo ahayd TALL-SOM PRINT CO oo la wareegtay Keenista Qalabka sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Axaddii Toddobaadkan Xog-warran xafiiskiisa ku siiyey suxufiyiin baadhitaan ku samaynayey qaabka loo kala xushay shirkadaha Mashruuca u taramaya oo tuhunno badan ku xeernaayeen sababo la xidhiidha shirkadaha tartamay oo intooda badan aan wax xog ah laga haynin isla markaana u muuqday inay yihiin qaar aasaaskooda la kowsaday Mashruuca.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan

Shirkadda TALL-SOM ee la siiyey fulinta Mashruuca ayaan illaa wakhtigan dalka Keenin Qalabkii la doonayey in lagu Rakibo goobaha Imtixaanka, iyadoo maalinta Sabtida ahna Imtixaanku ka furmayo Guud ahaan Dalka.

 

Masuul ka tirsan Shirkadda TALL-SOM oo lagu magacaabo Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare oo aanu la xidhiidhnay inaanu wax ka weydiinno inay ku guulaysteen keenista Qalabka ay qandaraaska ku qaateen, ayaa guud ahaanba ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah na siiyo isagoo eedda arrin iyo xogteedaba isaga riixay dhinaca Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed oo Khamiista maanta wax laga weydiiyey Qorshaha Wasaaradda ee Mashruuca loo tartamay, ayaa sheegay inaanay wali gacanta ku haynin qalabkaas isla markaana ka war-sugayaan shirkadda qandaraaska la siiyey, iyadoo guud ahaan gobollada dalka looga diyaar-garoobay imtixaanka oo Maalinta Sabtida ah furmaya.

 

“Shirkad baa heshay qandaraaska, shirkaddii way ku yar adkaatay inay wakhtigii ku keenaan qalabkii, markaa warqad bay soo qoreen. Markaa shirkaddii ku xigtay ayay guddiga qandaraasyadu siiyeen, wakhtigii imtixaankuna aadbuu u soo dhawaaday, qalabkii wali nama soo gaadhin, waxaanu ku rejo-waynnahay inay wakhtigii loogu tala-galay yimaaddaan, sannadkanna lagu ilaalin doono qalabka inuu moobillada hawada ka saaro,” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

 

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Taas waxa barbar socota ilaalintii Wasaaradda iyo ilaalinti xafiiska imtixaanaadka ee la dagaalanka qishka iyo moobilladii. Heegan buuxa ayaa lagu jiraa, ciidamada kala duwan way nagala shaqaynayaan ammaanka hadday tahay booliska iyo Sirdoonkuba.”

 

Agaasimaha oo la hadlayey waalidiinta waxa uu yidhi, “Ardayga moobil laga qaado loo soo celin mayo, imtixaankana waa laga kalsal-garanaynayaa, markaa waxaanu waalidiinta u sheegaynaa inaanay ubadkooda u oggolaanin inay moobillo u soo qaataan imtixaanka inta lagu jiro.”

 

In kasta oo Agaasimaha Guud sheegay in qalabku ku iman doono Xilligii loo qorsheeyey, haddana Hirgelinta Qorshahan waxa uu muuqdaa mid aan suurta-gal ahayn in lagu bilaabo Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan, balse noqon kara mid hirgelintiisu taabbo-gasho sannadaha dambe maadaama iyadoo maalin kali ahi ka hadhsan tahay aanay suurta-gal ahayn in rakibaaddiisa laga gaadhsiiyo guud ahaan dalka.

 

Si kastaba ha ahaatee, eedda ugu weyn ee Fashilka ku yimi Hirgelinta Mashruucan waxa ay fadeexaddeedu dusha ka saaran tahay Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ka gaabiyey waajibkii saarnaa ee kala xulashada iyo Qiimeynta Wax-qabad ee shirkadaha u tartamay Mashruuca, kuwaas oo ay soo if-baxday inaanay wax diiwaan ah ku lahayn fulinta Mashaariic hore iyo qaar noocan oo kale ah. Sidoo kale, Xogo iyo baadhitaanno ay sameeyeen suxufiyiin is-xil-qaamay oo baadhitaan ku sameeyey arrintan, waxa lagu ogaaday in labada shirkadood ee Mashruucan loo xil-saaray aanay lahayn Xafiisyo ay ka hawl-galaan.

 

SOMALILANDPOST.NET

EDITOR@SOMALILANDPOST.NET