Somaliland: Cilmi-Falagga iyo Ged-geddoonka Raad-raaca Taariikhda Dunida

Eebbaa  iska leh xukunka kownkan iyo maamulkiisa,  ged-gedoonka dunida wuxuu ku yimaadaa qadarkiisa, duniduna waxay ku joogtaa  amarka awooda Alle, cidina lama wadaagto.

Haddana aadamuhu ma daayo waxa ka sheega saadaasha mustaqbalka iyo wax iska- weydiinta  raad-raaca taariikheed, taasoo ay ka dhaxlaan duruus iyo waayo-aragnimo ay ugaga faa’iideystaan, iyagoo ku dabbaqaya hadba xaaladda taagan iyo ayaamaha ku soo foodda leh.

uocomingHaddaynu dib-u-halacsano raad-raacii taariikheed ee horaantii qarnigii 17-aad ee aynu soo dhaafnay, sida la aaminsan yahay Somaliland waxay ahayd Dal ku fiican dhinaca Istiraatajiyada ee isku xidha bada-cas iyo badweynta Hindiya.

Sannadkii  1711-kii,   waxa bada-cas ee Somaliland soo gaadhay markab mid ka mid ahaa maraakiibii ciidamada dagaal ee dalka Spain, oo uu  hogaaminayey Mr. Captain Bito.

Muddo yar ka diba,  markabkaasi markii uu ku soo dhawaaday bariga xeebaha dalka Somaliland, isla-wakhtigaasi, waxay shir la yeesheen maamulkii iyo odoy- dhaqameedyadii  deegaamadaasi oo ay ka codsadeen in la siiyo ogolaansho  ay ku degaan bariga xeebaha Somaliland, laakiinse codsigaasi kamay ogolaanin ee ahaa degsiimada bariga xeebaha, balse waxa kaliyaata ee ay u ogolaadeen  joogitaanka bada oo qudha inay ku eekaadaan, oo aanay u soo gudbin barriga xeebaha badda ee Somaliland.

Mudo dheer ka dib hogaamiyihii markabkaasi  wuxuu amar ku siiyey koox ka mid ah saraakiishiisii ka hooseysay , in deg-deg loo gaadhsiiyo  raashin,  lana  soo  qiimeeyo xaaladda nololeed ee ay ku jiraan dadka ku nool deegaamada u dhow-dhow  barriga xeebaha badda .

Qiimeyntaas ka dib, waxay kala kulmeen arrin ku noqotay fajac iyo amakaag,  markii ay maqleen hees ay ku luuqeynayeen caruurtii ku noolayd deegaamadaasi,  taasoo ahayd,  ( Kumbulooy, kumbulaalo cadooy,  xabag geed ka baxda, billo-billo koosaar, ta u dheer ku jaroo ku jiqsii, biitooy laabo).

Marka aynu eegno erayga kalmadda Kumbulo,  waxa la odhan jiray ciidamdii dagaalka ee dalka Spain, taasoo macno ahaan noqonaysay hees caruureedkaasi,  Kumbulooy, Kumbulaalo cadooy, “Ciidankii  cadaanka ahaayow”  xabagta geedka ka baxda, Billo-billo koosaar, “  Billo-billo “ Waa kalmad dhaj ah oo macnaheedu yahay raashin,  Bito “ waa magaca hogaamiyihii ciidankaasi watay ”  guud ahaan, weedha hees caruureedkaasi oo ahayd “Ciidankii  cadaanka ahaayow,  xabagta geedaha ka baxda ayaanu iska cuni doonaa koosaarowe, raashinkoodan ma rabno “ku jaroo ku jiqsii”  biitooy iska laabo” .

Heestan waxay xanbaarsaneyd gudbin-fariimeed  oo  ka turjumaysay fikirka iyo rabitaankooda ay ugu gudbinayeen  ciidamdii dagaalka ee  uu hogaaminayey  Mr. Captain bito, oo  dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Spain.

Markii uu ka dhageysanaayey Saraakiishiisa, war-bixintii lagu qiimeynaayey u kuur-galida xaaladda nololeed ee ka jiray  deegaamadaasi, sidoo kale, waxay war-bixintaasi ku ladheen  Hees caruureedkii ay ka soo maqleen caruurtii ku noolayd deegamadii ay soo arkeen,  heestaasi oo ahayd ( Kumbulooy, kumbulaalo cadooy,  xabag geed ka baxda, billo-billo koosaar, ta u dheer ku jaroo ku jiqsii, biitooy laabo)

Ka dib markii ay dhameystireen war-bixintaasi,  Mr. Captain Bito, wuxuu yidhi”-  Maaha arrintani wax-sahlan oo la dhayalsan karro, maadaamaba ay ku abuureen caruurahoodii, isla-markaana wuxuu   go’aansaday inuu ka baxo  xuduudka bada cas ay ku leedahay Somaliland, taasaana sabab u ahayd in ka baxaan bada-cas ee Somaliland, ciidamadii spanishka ee kumbulo oo wakhtigaasi ku jiray baadi-goobka, helitaanka wadamo ay guumeystaan.

Waxa kale oo ay ahaayeen sababihii ku dhiirigaliyey gumeystayaashii reer yurub inay qabsadaan wadamada Africa, intooda badan furitaankii marinkii kanaal Suweys ee  sanadkii 1869-kii.

Qarnigii  18-aad   inkastoo ay ku kala duwanaayeen dhinaca aragtida, fikir iyo nidaamka qorshahooda siyaasadeed quwadihii tartanka ugu jiray kala qaysashada wadamada aduunka, waxaanay aaminsanaayeen laba hab oo kala ahaa, hab guumaysiga ah “ Colony” ( xukunka iyo maamulka dal oo si toos ah uu u xukumo dal-kale)  iyo nidaamkii siyaasadeed ee maxmiyada ahaa “Protectorate ( ku heshiinta illaalinta dal iyo ka xakameynta  wadamada kale inta ay  soo korayaan ),   British protectorate of Somaliland  waxay ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada u  ahaa boqortooyadii ingriiska,  sannadihii 1841-1960-kii.  waxa kale oo ay ahaayeen  dalalkii boqortooyadii ingiriisku  sida tooska ah u xukumaysay 22-dal.

Qarnigii 19-aad ged-gedoonkii dunida  iyo dabeylihii xornimo doonka ee socday sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay British Protectorate of Somaliland  22-kii  Dal ee xornimadoodii iyo madax-banaanidoodii  ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska , wadamadaas oo kala ahaa:-  Cameroon, Togo,  Somaliland British protectorate,  Madafascara , Mali Federation,  Union Senegal, French Sudan, Congo,  Somalia,  Republic Dahomey, Niger, Upper Volta(Burkina faso) Chad, Central Africa Republic, Congo Brazzavilla, Cyprus, Gabon, Nigeria, Mauritania, Islamabad, Benin, Ivory Coast.

 

Ka dib markii ay ka qaadataya xornimadeeda dowladii Somaliland ee maxmiyada u ahayd boqortooyadii Ingiriiska (British Protectorate of Somaliland) ,  waxay qaadatay magaca Jamhuuriyadda Somaliland ( Republic of Somaliland) balse,  mudo yar ka diba, waxay mar-labaad la’mid noqotay  12-kii  Dal ee isla wakhtigaasi  ku dhawaaqay inay sameysteen  hab-wadaag dowladeed oo mideysan, waxaana  gun-dhig u ahaa  dhinaca, dhaqanka, diinta, iyo luuqada ay wadaagaan, dalalkaasoo ahaa ”-   “Mali federation, French Sudan, Union Senegal, Republic of Somaliland, Somalia,  Republic  Dahomey, benin,  Republic of upper volta,  Upper Volta, Burkina faso, Niger,  Congo brazafil iyo Democracy Republic of Congo.

 

Markii ay dhex-mareen dhibaatooyin hor-lihi  dowladii la odhan jiray Katanga ee dalka Congo, waxa madax-banaanideedii ka qaadatay  dowladii  Democracy  Republic of Congo,  waxa iyaguna Xiisad xoogani  ka bilaabmatay xidhiidhkoodii  iyo  midowgoodi, dowladihii  Mali federation,  Union Senegal iyo French Sudan, isla markaana waxa ka go’day  French Sudan,  taasoo qaadatay madax-banaanideedii, lana baxday  Jamhuuriyadda Sudan “Republic of Sudan”,  haddana waxa  ku kala noqday israacii iyo wada-jirkii, taasoo mid waliba geesteeda u qaadatay  madax-banaanideedii Mali federation iyo Union Senegal,  waxa iyaguna midowgaasi ku kala noqday  Republic  Dahomey iyo benin  oo markii hore la baxay Republic of Upper Volta,  isla wakhtigaasi  waxa iyaguna ku kala noqday midowgoodii, oo qaatay  gooni isku-taag  iyo  madax-banaanidoodii, Burkina faso iyo Niger oo la isku odhan jiray  Upper Volta.

 

Dowladii  Jamhuuiryada Somaliland “Republic of Somaliland”  ayaa hormood ka noqotay raadinta midnimada ka dhalata shantii Soomaaliyeed, ee ay ka mid ahaayeen Somalida waqooyi barri ee dalka kenia, Somalida degan gobolka galbeedka Itoobiya, Koonfurta Somaliya, Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo Jamhuuriyadda Somaliland,  si loo hello midnimadii shantii soomaaliyeed,  waxay Jamhuuriyadda Somaliland horseed ka noqtay midowgii koonfurta Somaliya ee Talyaanigu guumaysan jiray, kuwaasoo la baxay Jamhuuriyadda Somaliya “Somali Republic”,   oo wada jiray mudo 9-Sannadood ah, ka dibna,  waxa iqlaab militariy ku qabsaday ciidamadii  taliskii  Maxamed Siyaad Barre,  ka dibna, in ka badan 10-Sannadood oo ahaa halgankii hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xoogagii  jabhadii SNM,  ku xoreeyeen la soo noqoshada xornimada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqeen 18-kii May Sannadkii 1991-kii,  waxaanay haddana isla-sannadkaasi  la dhalatay   23-kii Dal ee  qaatay madax-banaanida,  kuwaasoo kala ahaa:-  Republic of Somaliland, Goargia, Croatians, Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove , Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania,  Azerbaijan, Kazakhstan,

 

In ka badan 10-Sannadood oo ahaa halgankii hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xooggagii  jabhadii SNM,  ku xoreeyeen la soo noqoshada xornimadda madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay ku dhawaaqeen 18-kii May Sannadkii 1991-kii,  waxaanay haddana isla-sannadkaasi  la dhalatay   23-kii Dal ee  qaatay madax-banaanida,  kuwaasoo kala ahaa:-  Republic of Somaliland, Goargia, Croatians, Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove , Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania,  Azerbaijan, Kazakhstan.

Inkastoo 22- dal oo ka mid ahaa 23-kaa dal la aqoonsaday, halka jamhuuriyaddda Somaliland oo hadda u dabaal-degaysa sannad-guuradeedii 25-aad ee ka soo wareegtay la noqoshadii madax-banaanideedii aan la aqoonsan.

Haddii aynu eegno aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee la xidhiidha dhinaca  cilmi falagga, Somaliland uma baahna aqoonsiy ay aqoonsadaan dalal shisheeye ama ay ku dhawaaqaan inay aqoonsan yihiin, sababtoo ah waxa la aqoonsadaa dal ka go’ay dalka, laakiin, jamhuuriyadda Somaliland waa dal aduunkoo dhami uu aqoonsan yahay inuu ahaa dal xornimadiisii iyo madax-banaanidiisii ka qaatay maxmiyadii boqortooyadii Ingiriiska, ka dibna la soo noqday madax-banaanidiisii, markaa umaba baahna aqoonsi uu ka sugu dalalka aduunka, sababtoo ah dal laba jeer lama wada-aqoonsado, ee horaa Somaliland loo aqoonsaday, balse arrinka kaliyaata ee la gudbooni uu yahay in Somaliland saaxiibo badan ku yeelato waddamada caalamka. Runtana Allaa Og.

Somaliland waa dalka kaliyaata ee dadka ku nooli ay yihiin hal-qoys oo isku diin ah, isku-dhaqan ah, isku-luuqad ah, isku-sinji ah, isku-isir wadaaga marka loo eego dunida inteeda kale.

Sababaha dhalliya kala go’ida, ka go’ida, iyo kala noqoshada dal, waxa  lagu  tilmaamaa dhinaca diinta, dhaqanka, luuqada, jinsiga iyo isirka,  kamay fogeyn  sababihii  ku keenay  in dalka Bakistan ka go’o dalka Hindiya.

Dadka Hindida  waxay  intoo badan caabudi jiray Lo’da, halka ay dadka reer Bakistaana ay dhaqan jireen, isla markaana hilibkoodana cuni jiray,  kadibna  waxay arrintaasi  ku keentay isku dhac colaadeed iyo inay dagaalo  dhexmaraan Hindidii  iyo Bakistaaniyiinta wada degenayd  dalka hindiya, waxaanay u arkayeen  Hindidu in maalin kasta mid ka mid ah IIlaahyadoodii la gowraco, isla-markaana ay cunaan hilibkooda  dadka reer Bakistan.

Haddaba marka aynu eegno koonfurta Soomaaliya ee la baxday dowladda Federalka Soomaaliya waxa u sabab ah inay yeeshaan  8-deed  madax-weyne oo ka kala taliya sida, Ximan iyo Xeeb, Galmudug, Xamar, Galbeedka Xamar, Putland, Kismaayo, Ehlusunna-wajamaaca iyo Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo leh 238 wasiir iyo in ka badan 400 oo xildhibaan.

Waxaana lagu qiyaasaa inay ku nool in ka badan 10-qoomiyadood oo ku kala duwan dhinaca dhaqanka, diinta, luuqada, sinjiyadda, isirka ay ka soo kala jeedaan,  waxaana lagu sheegaa in lagaga hadlo in ka badan 10-luuqadood oo kala ah, sida:-

Af-Bajuuni oo ah luuqad u dhow  afka Sawaaxiliga oo ay ku hadlaan dadka bajuuniga ah ee degan Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya iyo Waqooyiga dalka Kenya, dhalasho ahaan ka soo jeeda TUUNI oo ka mid ah qabiilada la yidhaahdo, Digil iyo Midhifle.

Magacyad deegaamada ay degen yihiina waxa lagu tilmaamaa inay yihii Af-baajuuni sida:-   Sanguuni, Kibsuuma, Kumbareera, Af-midow turdhi, Kismaayo oo macno ahaan noqonaysa  (KISIMA “Ceel”  Yoo “ Dheer “).

Af-Banaadiri waa luuqad ay ku hadlaan dadka banaadiriga ee degan koonfurta Soomaaliya iyo woqooyiga dalka Kenya, kana soo jeedaan Afrika iyo beershiya (Iran)  in kastoo ay la baxaan ragoodu magacayada sida: Iikar,Yaamad, Macaloo, Muriidi, Amoo Shee-mat , Sheenyaalo , Baaboo, Siidoo, halka dumarkooduna ay la baxaan sida:-  Maanfaay, Baa’iishe, Daadooy, Biibi, baa’ita, haameey, Abaasti, Daadooy, Roonooy, Baabinti, IWM, dhanka maahmaahyada waxa ka mid ah sida:- Dadayasho doorabo ka uurowti,  Erbet aruurti misaar, Tukulush timir gaaree waayi xaraar dhahyi,  La faltee la beeqtee ka roon.

Af-Baraawe waa luuqad af-sawaaxiliga u dhow oo ay ku hadlaan reer baraawe iyo banaadirugu , oo asal ahaan lagu sheego inay ka soo jeedaan boortaqiiska.

Af-Dabarre ama  Af-Ciroole  oo ah luuqad u dhow Af-maay taasi oo ay ku hadlaan  Dabarlaha iyo Ciroolaha  dega  gobolka bay, Jubada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya

Af-Garre  waxa lagu tilmaamaa inay u dhow-dahay luuqada af-baayga  oo ay ku hadlaan garraha degan shabeelada hoose ee koonfurta Soomaaliya,

Af-jiido waa luuqad ay ku hadlaan jiidaha degan shabeelada hoose , bay iyo jubada dhexe ee koonfurta Soomaaliya

Af-tuuni waa luuqad ay ku hadlaan Tuuniga degan shabeelada hoose iyo shabeelada dhexe ee koo furta soomaaliya.

Af-maay waa luuqad ay ku hadlaan Maay-maayga degan koonfurta Soomaaliya, erayada luuqadaas waxa ka mid ah:-  matha dhuura” madax-xanuun”  qaathasha “ guurka,  Kood “qosol” birooyma “gudniinka “ hangfar”dabeel” owaraad “Xalay” surung “istaag”  nyaanyuur, “ bisada”  maanya “bada”  mid ka mid ah gabayadooda oo dhigan sidan : Aaw Rewinoow ul malaag ing fuully, eleeng liing fiiriya arryng luku sughaaw, eretybyho ky eediyoony ly etheegsythaw, umyty liing eleeyo ilkoo liing edaayaw, Allyma ay kiingly moqyng,  Unugi af gaapyno owaadjkey yeraathy, aathisba ilduufase iyow hang towaane.
Af-Gosha  waa luuqad ay ku hadlaan JareerGosha or Mushunguli degan Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Koonfurta somaliya waxaana la yidhaa Somali bantu, iyo Af-Somaliga oo ay yar yihiin dadka ku hadla  koonfurta soomaaliya.

Dhinaca cilmi falagga waxay xidhiidh la wadaagaan  Yementa iyo koonfurta Soomaaliya , laakiinse, waxay Yamentu  kaga duwan tahay koonfurta Soomaaliya waa dad leh dhaqan qudha oo soo jireen ah, sidaa daraadeed waxay ku suntan dhiig iyo colaad aan dhammaanayn koonfurta Soomaaliya, lagama yaabo inay sii kala qayb-qayb santo doonto abidkeed. Runta Allaa Og

 

Qoraa:  Maxamed Faarax Qoti