Somalilandpost | News and Analysis

SOMALILAND: Cilmi-baadhis Soo Bandhigtay Dhibaatada Bulshada ku hayso Waxbarashada La-ganacsiyeeyey iyo Hoos u dhaca Tayada Dugsiyada Dowliga ah

Hargeysa (SLpost)- Cilmi-baadhis ay samaysay Xarunta Daraasaadka ee Center for Policy Analysis oo xarunteeda tahay Hargeysa, ayaa natiijada ka soo baxday lagu ogaaday hoos u dhac baahsan oo ku yimi Waxbarashada Dugsiyada dowladda iyo hab-dhaqanka ay bulshada ku soo kordhiyeen Dugsiyada Gaarka loo leeyahay oo sida cilmi-baadhistu sheegay inay noqdeen goobo ganacsi oo si xawli ah ugu sii baahaya dalka.

 

 

Xarunta oo kaashanaysa dhalinyaro u faro-dhuudhuuban qaybaha Waxbarashada oo iyagu si weyn uga qayb-qaatay baadhitaanka ka soo baxay daraasadda, waxa lagu sheegay in xarumaha waxbarashada ee gaarka loo leeyahay oo si hawli ahi ugu soo kordhaya dalka isla markaana maalgelin ka hela ganacsata ay sababi karaan kala-sarreyn xagga nolosha ah iyo hoos u-dhac ku yimaadda tayada waxbarasho ee ay helaan Ardaydu.

 

Warbixin laga diyaariyey natiijada ka soo baxday daraasaddan oo ciwaan looga dhigay, “Kala Sarraynta Nololeed Ee Ay Keenayso Waxbarashada La Ganacsiyeeyey”, waxa lagu sheegay inay hoos u dhacday tayadii waxbarashada dugsiyada dowladda isla markaana qiimaha aadka u sarreeya ee dugsiyada gaarka loo leeyahay ay caqabad ku noqdeen waxbarashada ubadka qoysaskoodu saboolka yihiiin.

 

Xarunta Daraasaadka ee CPA oo soo saartay cilmi-baadhistan oo ka kooban 33-bog, waxa ay waxay warbixinteeda ku bilowday sidan :-

 

“Waa dood caalami ah oo ka socota meelo badan oo dunida ah, in ganacsato badani ay maalgashanayaan waxbarashada, oo ay ka filaan inay ka helaan macaash aad u badan, iyaga oo aan eegayn tayada waxbarashada ama ardayga ay soo saarayaan wuxuu bulshada ku soo kordhinayo. Haatan ayaad mooddaa in isla dooddaasi ay ka bilaabantay Somaliland, waxaana soo badanaya dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay maalgashanayaan macalimiin haysta lacag badan, ama ganacsato kale oo macaash doon ah, waxay qaarkood kiraystaan dhismayaal aan loogu talo gelin goobo waxbarasho, hase ahaatee loo qorsheeyey degsiimo, waxayna qaadaan lacago aad u badan, iyaga oo ka sameeya faa’iido aad u saraysa.

 

 

Somaliland Ardayda dhigata dugsiyada Hoose Dhexe ee Dawladda waxaa lagu qiyaasayey sannadkii 2018 inay gaadhayaan illaa 153,077 arday oo ay waxbaraan macalimiin tiradoodu noqonayso 6057 macalin, halka tiro kale oo intaas ka badan oo arday ahina ay dhigtaan dugsiyada gaarka loo leeyahay. Sannad dugsiyeedkii 2015/2016 waxaa tirada dugsiyadu noqotay 1,145 dugsi “oo 989 dugsi  oo ka mida ay dawladdu gacanta ku haysay iyo 156 dugsi oo gaar loo leeyahay”. Qiyaas ahaan waxa gobolka Maroodi-jeex yeelanayaa iskuulada ilaa 30.5% (350 dugsi oo ka mida 1145 dugsi ee dalka). Sidoo kale magaalada Hargeisa oo ay ku nool yihiin tirada ugu badan bulshada Somaliland ayaa leh 644 malcaamadood oo ay dhigtaan arday ka badan 100,000 oo arday. Celcelis ahaan dugsiyada hoose dhexe ee dawladda, waxaa macalin waliba u dhigaa illaa 25 arday, halka malcaamadaha ku yaalla magaalada Hargeisa ee lagu barto quraanka, uu halkii macalin u dhigo celcelis ahaan 35 arday.

 

Xarunta CPA oo kaashanaysa koox arday ah oo si tabaruca u shaqaynaya ayaa bishii February 2019, waxay samaysay cilmi-baadhis kooban, si ay ugu kuurgasho xaaladda waxbarashada ee Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeisa oo ay ku nool yihiin in ku dhow 33% bulshada Somaliland. Daraasaddan waxaa lagu waraystay illaa 48 qoys oo ku kala nool 8-da xaafadood ee magaalada Hargeisa, iyo 20 dugsi oo isugu jira kuwo dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay.

 

Cilmi-baadhistani waxay eegaysay kharashka ay qoysasku ku bixiyaan waxbarashada; waxaana soo baxday in qoyska ku nool magaalada Hargeisa ee ay waxbarasho u aadaan illaa 3 caruur ahi inuu waxbarashada ku bixiyo lacag celcelis ahaan gaadhaysa $109. Waxaana lacagtani isugu jirtaa celcelis ahaan $65 oo ku baxaysa khidmadda ardayga laga qaado bishii iyo $44 oo ku baxaysa Balcadda (School Dress) ardayga, gaadiidka uu dugsiga u raaco, buugta manhajka ee ardaygu ay tahay inuu iibsado iwm.

 

Macalimiinta dugsiyada, shaqaalaha hoose ee dawladda u shaqeeya iyo ciidamada aan darajooyinka sar-sare haynin oo ah shaqaalaha ugu badan, ayaa mushaharkoodu ka hooseeyaa $200 bishii. Marka aad mushaharkooda, barbar-dhigto khidmadda waxbarasho ee laga doonayo bishii, waxaa kuu soo baxaysa, inay tahay kaaf iyo kala dheeri, in Askariga hawl-galka ku jira, ama shaqaalaha dawladeed, ay waxbarashada ubadkiisu ugu kacayso 53% oo ka mida mushaharka uu qaadanayo, iyada oo dhinaca kale laga doonayo kiradii guryaha, biilkii xaafadda, adeegyadii kala duwanaa iwm. Taasi waxay horseeday in xubnahani ay awoodi waayaan in ubadkooda ay ka bixiyaan dugsiyada gaarka ah, taas bedelkeeda ay geeyaan dugsiyada dawladda oo laga dayrinayo tayadooda waxbarasho, ama qaarkood ay u awoodi waayaanba inay waxbarasho ka bixiyaan.

 

Malcaamadaha quraanka laftooda ayaa ka mida goobaha laga dayrinayo, ee la tilmaamayo in qiimaha ay qaadaan uu aad u sarreeyo, tusaale ahaan, xogaha ay CPA heshay ayaa tilmaamaya in malcaamaduhu ay bishii ka qaadaan calaa arday lacag u dhexeysa $5 illaa $35 Dollar. Waxaana celcelis ahaan ay u badan yihiin malcaamaduhu inay qaadaan $10 ardaygii. Magaalada Hargeisa waxaa ka jira illaa 644 malcaamadood, taas oo ay dhigtaan arday ka badan 100,000 oo arday, hase ahaatee malcaamadaha badankooda ayaa ku yaalla xaafadaha ay ku nool yihiin dadka ladan, halka xaafadaha danyartu u badan tahay ama goobaha ay ku nool yihiin barakacayaashu, ay ku yaryihiin malcaamaduhu.

 

Cilmi-baadhistan waxaa ka soo baxday, in barnaamijkii waxbarashada bilaashka ahaa ee xukuumaddu ay ku dhawaaqday sannadkii 2011, inuu dhaawac weyn u geystay tayadii waxbarashada dugsiyada dawladda, isaga oo keenay in markii ay meesha ka baxday gunnadii ay macalimiintu ka heli jireen, lacagaha laga qaado ardayda dhigata dugsiyada dawladda, inay u wareegeen macalimiintii tayada lahaa, dugsiyada gaarka loo leeyahay. Inkasta oo xukuumaddii Kulmiye ee xilka wareejisay ay qorshaha waxbarashada bilaashka ah ee dugsiyada hoose/dhexe ku dhawaaqday, haddana marna may dhicin in loo qoondeeyo miisaaniyad ku filan oo dabooli karta baahida macalimiinta dugsiyada dawladda. Sidoo kale waxaa cilmi baadhistan ka soo baxday in weli lacago laga qaado ardayda dhigata dugsiyada dawladda, inkasta oo dhinaca wasaaradda Waxbarashada, ay ka qoran tahay, inaan ardayda dhigata dugsiyada dawladda aan wax lacag ah laga qaadin.

 

Masuuliyiinta dugsiyada dawladda ee aan waraysannay ayaa u sheegay CPA inaanu jirin qof ka mida masuuliyiinta sarsare ee dalka oo ubadkiisu ay dhigtaan dugsigiisa, waxayna sheegeen in dugsiyada kale ee dawladdu ay la mid yihiin, iyada oo ardayda ay dhaleen madaxda sare ee dalku ay dhigtaan dugsiyada gaarka loo leeyahay, iyaga oo kala cararaya tayada waxbarashada dugsiyada dawladda ee hoosaysa.

 

Arrimaha kale ee ka soo baxay cilmi-baadhistan waxaa ka mida, in haatan macalimiin lacago badan haysta iyo ganacsato kala duwani inay maalgashanayaan waxbarashadii gaar ahaan ay hirgelinayaan dugsiyo gaar loo leeyahay, iyada oo hadafkooda ugu weyni yahay inay macaash badan ka sameeyaan. Dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxay kaxaystaan oo shaqaaleeyaan macalimiinta tayada leh ee wax ka dhiga dugsiyada dawladda, iyaga oo lacago wanaagsan siinaya, sidoo kalena lacago aad u badan ka qaada ardayda dhigata dugsiyadooda. Arrintani waxay isu bedeshay in dugsiyada gaarka loo leeyahay inay ku tartamaan xagga qiimaha sarreeya ee ay ardayda ka qaadayaan, isla markaana ay noqdeen goob ay wax ka bartaan ardayda ka soo jeedda qoysaska ladan, halka dugsiyadii dawladduna ay u sii xuubsiibanayaan inay noqdaan goob ay wax ka bartaan ardayda ka soo jeedda qoysaska saboolka ah.

 

Kala sarrayntan nololeed ee dhinaca waxbarashada ee ay abuurayaan macalimiinta lacagta haysta iyo ganacsatada maalgashanaya waxbarashadu, waxay ka hor imanaysaa in la gaadho bar-tilmaameedyada ku xusan Yoolka 16aad oo ah in helo bulsho kuwada nool “Nabad iyo Caddaalad”. Maadaama ay imanayso in marka dugsiyada dawladda ay isugu hadhaan arday danyar ah, ay keeni karayso inay cadow ku noqdaan bulshada inteeda kale, taasina ay horseedayso ammaan xumo.

 

Arrimaha kale ee aan ku ogaanay cilmi-baadhistan waxaa ka mida, inay qoysaska aan waraysannay ay 20% ka mid ahi noo sheegeen inay xaafadda u joogaan, arday gaadhay xilligii waxbarashada, hase ahaatee ay u waayeen dhaqaale ay kaga bixiyaan waxbarashada, sidaas awgeedna ay uga hadheen waxbarashadii. Arrinta nasiib darrada ah ayaa ah, in ardayda ka hadhay waxbarashadu inay u badan yihiin hablo, maadaama ay qoysaska qaarkood ay doorbidaan haddii ay dhaqaale helaan inay wiilasha waxbarashada ka bixiyaan hablahana guriga ku reebaan, si ay xaafadda uga shaqayso.”

 

GUJI SAWIRKAN HOOSE SI AAD ULA SOO DEGTO CILMI-BAADHISTA AY SOO SAARTAY XARUNTA DARAASAADKA EE CPA

 

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

Loading…