Somalia Oo Turkiga U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah In Baasaaboorka Somaliland Lagu Tago Dalka Turkiga

Hargeysa  (SL.Post) Dawladda Somaliya ayaa warqad diblomaasiyadeed oo dacwad ah u dirtay dawladda Turkiga, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda.

 

 

Hadliye_Shirka_Midowga_Afrika-2

 

 

Ilo xogogogaala ayaa Geeska Afrika  oo aanu warkan ka soo xiganay ugu waramay in wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Dr. Cabdisalaan  X.  Cumar Hadliye uu wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga u diray warqad uu ku dacweynayo Qunsulka Turkiga u jooga Hargeysa Danjire Muzaffer Yuksel, isagoo wasiir hadliye daba socda hadal uu qunsulku ku sheegay in qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa ay dal ku galka Turkiga ku bixin doonto Baasaaboorka Somaliland, iyadoo hore Baasaaboorka Somaliland dal ku galka Turkiga ku siisay Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

Sida ay ilahan xogogaalka ahi sheegeen Wasiir Hadliye oo qoraalkiisa ay ka muuqato cadho ay dawladda Somaliya ka qaaday in Baasaaboorka Somaliland lagu tago Turkiga, wuxuu hal ku dheg qoraalkiisa uga dhigay “In dawladoodu ay dagaal ku qaaday kuwii inqilaabka Turkiga isku dayay”,  balse haddana ay dacwad ka qabaan hadalka danjiraha Turkiga u fadhiya Hargeysa, si gaar ahna wuxuu ugu celceliyay in Basaborka Somaliland oo Turkiga lagu tagaa uu dhaawacayo wax uu ugu yeedhay midnimadii Somaliya oo 25 sannadood ka hor burburtay.

 

 

Wargeyska Geeska Afrika umay suurtogelin inuu helo jawaabta ay dawladda Turkigu ka bixisay dacwada dawladda Somaliya ay kaga cabanayso in Baasaaboorka Somaliland lagu tagi karo dalka Turkiga.

 

 

Sidoo kale lama oga in dawladda Somaliland ka war qabto dacwadaas ay dawladda Somaliya ka gudbisay danjiraha Hargeysa u jooga Turkiga oo lagu haysto dan Somaliland iyo shacabkeedu leeyihiin oo ah in Baasaaboorka Somaliland lagu tago dalka Turkiga.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa