Sixir Bararka Iyo Dhaqaalaha Somaliland – WQ: Muuse Cabdi

eeeMarka hore alle ayaa mahad oo dhani usugnaatay allaha manta ii ogolaaday inaan wax ka qoro mid ka mid ah dhibaatooyinka ka jira dalkeena kaas oo ah sixir bararka
Waxaaan manta xagan kusoo gudbinayaa bal aragtidayda sixir bararka waxa keena, iyo sida loo hakin karo mustaqbalka danbena looga hortagi karo insha alah.
Waa maxay sixir barar?
Sixir bararku waa sare ukac ku yimaada qiimaha lagu iibinayo maceeshada iyo adeegyada ay dadku ubaahan yihiin taas oo ay keentay qiimo dhaca lacagta wax lagu iibsanayo.
Qiimaha shilinka aynu wax ku iibsano waxa loo tiirinayaa oo lagu cabirayaa awoodeena wax iibsi taas oo xadiga alaabaha iyo adeega uu inoo goyn karo shilinku isla wakhtigaas. Imikana dhibaatada taagan ayaa ah qiimaha shilinkeena iyo waxa uu inoo goynayo ayaan is lahayn. Tusaale ahaan 1000 shilin xadi ahaan waa lacag badan balse waxaynu ku iibsan karaa xabad roodhi ah kaliyaata, waana waxyaabaha aasaasiga ah ee aynaan ka maarmayn.
Sixir bararku wuxuu inaga wada qaadaya ama waxa aynu wada isticmaalaynaa dakhliga lacagta ina soo gasha oo ma samaynayno wax kayd ah oo lacagta mushaharaadka marka aynu helno laba siyood uun baa loo isticmaalaa in lagu iibsado alaabaha iyo adeegyada aynu u baahanahay iyo qaybta inoo soo hadha oo aynu kaydsano, kayd kaasina dhaqaalaheena aad buu muhiim ugu yahay waayo kaydka dhaqaale wuxuu keena waxa loo yaqaano maalgalinta oo hadhaw ama aqal baad ku dhisi ama meherad ayaad ku furan taasina waxay keeni uun il dhaqaale oo cusub iyo koboc dhaqaale oo uu qofku isagu dareemo hadhawna guud ahaan dalku kobiciisaas dhaqaale uu kor ukaco. Waana sababta ay badanaa ushaqeeyaan baananku oo qofna lacag uun bay ukaydiyaan qofna lacag ayey amaahiyaan, sidaas kuu muuqatana kaydka ay dadku lacagaha kaydsanayaan ayaa ah sababta ugu wayn ee jiritaanka baananka suurtagalisa.
Maxaa sababa sixir bararka
Sixir bararka dhawr waxyaabood ayaa keena guud ahaan balse qaar badan oo waxyaabahaas sababa kamid ahi waxa laga yaabaa inaanay dhaqaalaheena saamayn kulahayn. Mana jirto saamayn kaliya oo la isku raacsan yahay oo keenta sixir bararka balse dhaqaale yahanadu midba meel ayuu ka eegay saamaynta, qododbadiina waa kuwan:
Xadiga lacagta suuqa taala: (money supply)
Sixir bararka waxa sababa korodhka xadiga lacagta ee suuqa taala waxa meesha imanaya qiimo dhac ku yimaada lacagta taasina awooda wax iibsi ayey hoos udhigtaa iyo wixii ay goynaysey lacagtu.
Inta badan wadamada dunidu waxay joojiyeen isticmaalkii lacagta dahabka ka samaysnayd ee wax lagu iibsan jiray. Wakhtigan la joogana lacagta qiimaheeda waxa go’aamiya xadiga lacagta ee suuq ku jirta iyo waliba fikirka ay dadku ka haystaan lacagta.
Hadii hadaba baanka dhexe ee dawladu uu suuqa soo galiyo lacag ka badan intii suuqa looga baahnaa waxa isla markaaba hoos udhacaya qiimaha lacagtawaayo waxa hoos udhacay fikirka ay dadku ka haysteen lacagta oo waxay ogaanayaan in lacagtu aanay waxba goynaynin, taasina sababta aynaan lacagteena wakhtigan la joogo qiimaha ulajayn.
Hadii lacagta suuqa ku jirtaa ay yaraatana qiimaheedu kor ayuu ukacaa wax badana way goyn kartaa markaas. Awoodaasna waxa iska leh baanka dhexe kolba inuu ka war hayo xaalada xadiga lacagta inuu yar yahay iyo inuu badan yahay maadaama badnaanteedu ay sixir barar sababi karto.
Dawlada oo dayn gasha: (national debt)
Marka ay dawladu dayn gasho tani waxay sababi kartaa sixir barar bal aynu fasirno siday ukeenayso inagu dawlad ahaan wali la inama aqoonsan markaa dayn ma gali karno balse wadamada la aqoonsan yahay markay daymaha galaan sixir barar ayay ku keentaa markaa daynta wadankaasi haday badato dawladu laba talaabo ayuun baa ubanaan inay qaado kuwaas oo kale ah :
Inay dawladu cashuuraha ay kordhiso si uu dakhli badani usoo galo iyada iyo inay lacag badan daabacdo si ay xagaas dakhliga uga hesho , labadaas wado ee meesha yaalaana labadooduba sixir bararka way keenayaan.
Haday dawladu cashuurta kordhiso ganacsataduna qiimaha cashuurta eek u kordhay qiimaha ay alaabada ku iibiyaan ayuun bay ku darayaan xagaasna alaabtii ayaa qaaliyoobaysa sidaasuuna sixir barar ku dhashaa,
Hadii ay lacag badan daabacdana lacagtii suuqa ku jirtay ayuun baa korodha taasina sidaasay sixir bararka ku keentaa.
Korodhka Doonista alaabta: (demand pull)
Aragtidani waxay sheegaysaa korodhka ku yimaada mushaharaadka shaqaalaha waliba wadamada soo koraya ee fursadaha shaqana ay aadka ugu yar yihiin, dadku waxay heli doonaan lacag badan si ay ugu iibsadaan alaabaha ay ubaahan yihiin, tanina waxay kordhinaysaa baaahida loo qabo alaabaha ay dadwaynuhu isticmaalaan markaas ganacsataduna maadaama baahidii alaabtoodu korodhay waxay isku dayayaan inay kordhiyaan qiimihii alaabtooda si ay suuqa lacagta taala iyo baahida alaabtooda ay iskugu miisaamaan xagaasna ay qiimihii alaabta ku kordhiyaan sixir bararna sidaas ku dhasho.
Korodhka qiimaha alaabada: ( cost push)
Shay kale oo kor uqaada qiimaha alaabadu waxa weeye qiimaha aashyaada ay shirkaduhu ubaahan yihiin si ay inoogu soo saran alaabo iyo adeegyo kala duwan oo korodh ku yimaado kuwaas oo noqon kara mushaharaadka shaqaalaha, iyo alaabaha ay isticmaalaan oo korodh ku yimaado, iyaguna si ay ubadbaadsadaan faaidadooda waa inay kor uqaadan alaabaha ay iibin doonaan qiim ahooda si aanay faaidadoodu isu dhimin sidaasna uu sixir barar ku yimaado.
Sarifka lacagaha: (exchange rate)
Tani waa samayn kale taas oo isku badalashada lacagaha dhexdooda uu ka yimaado sixit bararku taas oo inta badana ku timaada qiimaha lacageheena oo hoos udhac ku yimaado lacagtii qalaadna uu kor ukaco tani waxay keentaa in alaabtii qalaad uu qiimahoodii kor ukac uu ku yimaado ay qaalina ku noqdaan dadkeena sidaasna uu sixir bara inoogu yimaado

Qaybta 1aad
Qaybaha danbe ee soo socdana ayaynu waxyaabaha dhiman ku dhamaystiri doona inagoo bal sixir barakeenana soo qaadan doona insha alah
Allaa mahad leh.
WQ: Muuse Cabdi