Si Aanay U Soo Noqon Dhacdadii Gaashaamo – Qalinkii Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

XamdiMarka hore tacsi iyo duco waajib ah, marka xigta waxa maqaalkaygani u qaybsan yahay saddex farriimood oo ku kala wajahan, Xukuumada Somaliland, Warbaahinta iyo Shacabka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Inta aanan farriimahaasi dirin waxaan ka horraysiinayaa soo bandhig kooban xaqaa’iq aan la iska indho tiri karin, waana kuwan:

  1. Mushkilada hadda taagan waa mid u dhaxaysa dawlad deegaanka Soomaalida iyo beelaha asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee halkaasi daga, mana aha arrin ay taladeeda u dhan tahay dawlada federaalka ee Itoobiya guud ahaan inay wax yeelayso dadka shacabka ah ee Somaliland ee aagaasi dagan, wax tilmaan ah oo arrintaasi muujinaysa ilaa hadda ma jirto, caddayna waxa u ah doodan tix-raaca tafaasiisha dhacdadan, iyadoo sababata keenaysa in dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay beegsi gaar ah u beegsato shacabka Somaliland ay ka dambayso arrimo qabiil oo ah mushkilada ballaadhan ee haysata Soomaali guud ahaan, iyadoo xukuumada Somaliland ay aad ugu amaanan tahay inay si toos ah ula xidhiidhay dawlada federaalka oo aanay sii marin Dawlad Deegaanka Soomaalida.
  2. Nidaamka Dawladeed ee itoobiya ka jira iyo kan Somaliland ka jira gabi ahaan way kala duwan yihiin, iyadoo nidaamka Itoobiya ka jira uu ku salaysan yahay cabsi galin iyo cabudhin u dhigma ama ka sii xeel dheer kii Siyaad Barre ku hayay shacabka Somaliland, sidaa awgeed kama filan karno dawlada aagaasi ka jirta inay u dhaqanto sida dawladeena oo kale.
  3. Sharciga caalamiga ah hortiisa, dhacdadaasi ka dhacday itoobiya dhexdeeda waxay la mid tahay mid ka dhacda Maraykan ama Ingiriis oo lagu wax yeeleeyo shacab Somaliland u dhashay.

Haddaba baaqyadayda:

  1. Shacabka Somaliland ka soo jeeda ee u dhashay Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya:

Waa iyaga cida ugu horraysa ee arrintani khusayso, sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa inay ku milmaan dawlada aagaasi ka dhisan iyagoo aan ka tagayn asalkooda, oo khasaare wayn ayaa ka soo gaadhaaya shacabkaasi haddii muuqaalkoodu u eekaado inay ka soo horjeedaan dawlada dhulkaasi ka dhisan, taasoo yeelanaysa waji fool xun oo qiil u samaynaaya tacadi kasta oo loo gaysto shacabka, iyadoo aanay maanka ka maqnayn Jabhadii ONLF iyo qaabka loola dhaqmay.

Sidaa awgeed shacabkaasi waa inay dhex galaan dawladaasi oo ay ku dadaalaan inay gacanta ku dhigaan xilalka waawayn ee dalkaasi si ay u noqdaan kuwo saamayn ku leh bulshadooda dhexdeeda, oo ay ka gudbaan inay noqdaan kuwo intooda badan xoolo-raacato ah oo aan wax miisaan ah lahayn, isla markaana  aanay isku hallayn xukuumada Somaliland ee Hargeysa joogta.

Arrinta kale ee ugu muhiimsan ee la gudboon shacabkaasi waxay tahay, inay daba-galaan dhacdadan dhacday oo ay gaadhsiiyaan ilaa heerka ugu sarraysa si waafaqsan sharciga dalka itoobiya, taasoo eeda dusha loo saaraayo tiro yar oo ka tirsan maamulka killilka 5aad, iyadoo arrintaasi aanay soo noolaynayn dadkii dhintay balse ay yaraynayso soo noqoshada dhacdadan.

Sidaa daraadeed shacabkeena aagaasi dagan waa inay ka baxaan ayaan-darrada haysata oo ah kala qaybsanaantooda qabyaaladeed, oo ka dhigtay kuwo iyagu inta badan wax is-gaadhsiiya oo kaba badan waxa ay cid kale gaadhsiiso, iyadoo xaqiiqadu tahay in midawgoodaa la’aantii aanay waxbaba u suuragalayn.

  1. Xukuumada Somaliland:

Xukuumada waxa la gudboon inay siyaasadeeda ku salayso taageerida shacabkeena halkaasi degan inay door wax ku ool ah ku yeeshaan maamulka dhulkaasi ku yaalla itoobiya dhexdeeda, iyadoo Itoobiya ay Somaliland ku qabto faa’iido badan sida dakada iyo iibsiga badeecadaha qaadka iyo khudradaba.

Xukuumadu waa inay kaadhadhkaasi adeegsato iyadoo marnaba aan u muuqanayn mid faragalin ku samaynaysa dalka itoobiya, iyadoo ay laga maarmaan tahay in aad loo sii xoojiyo xidhiidhka ay xukuumadeenu la leedahay dawlada federaalka ee itoobiya.

Xukuumadu waxa muhiim ah inay adeegsato madax-dhaqameedka dalka si ay jawi nabadeed oo aan muuqaal rasmi ah lahayn ay uga hirgaliyaan dhulkaasi oo shacabkeena u furaaya albaabo badan.

  1. Warbaahinta

Waxa runtii aad ii damqay oo iguba kalifay in aan maqaalkan qoro warbixino aan ka arkay warbaahinta qaarkood, taasoo aanay wax masuuliyad ahiba ka muuqan oo dareenkoodu u dhawaa mid aan qaan gaadh ahayn oo aan u qalmin masuuliyada saxaafadeed ee ay hayaan, iyadoo arrintaasi ay raacday khudbado aan ka maqlay qaar ka mid ah culim’aau-diinka Somaliland oo xiisada aad u sii kiciyay si aan sinnaba u adeegayn danta dalka ee hadda iyo barriba, dadkaasi waxaan odhan lahaa arrintani waa arrin xasaasiyadeeda leh ee dadka aqoonta leh wax ka waydiiya inta aydaan dhamaanteen ina galin mushkilad aan la mahadin oo si fudud looga baaqsan karo  haddii caqligiina saliimka ahi shaqayn lahaa oo aad aqoon korodhsi ku samayn lahaydeen arrintan aad ka hadlaysaan.