Shirka Sannadlaha ah ee Saxaafadda Iyo Abaalmarinta Cawke Awards oo Hargeysa ka furmay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigeinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) ayaa furay shirweynaha Saxaafadda Somaliland oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa sannad kasta la qabtaa 9-ka November.

XUSKA SAXAAFADDA SOMALILAND 2018

XUSKA SAXAAFADDA SOMALILAND 2018

Shirkan waxa soo qaban qaabiyey ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa kaloo ka soo qaybgalay wasiirro ka tirsan xukuumadda, bahda saxaafadda Somaliland iyo marti sharaf kale.

Waxa ugu horeyn munaasibadaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) , waxaanu ka warbixiyey kiisaskii sannadkan la diwaan geliyey iyo inta xukun maxakamadeed gashay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame ayaa sheegay inay ururka suxufiyiinta iyo wasaaraddu ay iska kaashanayaan qabyo-tirka xeerka saxaafadda Somaliland.

Dhankiisa waxa isna goobta ka hadlay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta  iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, waxaanu sheegay in saxaafadda Somaliland tahay tiirka Afraad ee Dawladnimada, ayna door ku lee yihiin isla xisaabtanka marka xog sugan la helo.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) oo madashaasi isagu daah furay ayaa sheegay inuu isagu  amar ku bixiyey in aan layska xidhin suxufiyiinta , balse dacwadda lagu haysto la qaado iyaga oo xor ah oo aan xidhnayn.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland aanay xidhaynin warbaahinta, waxaanu suxufiyiinta u soo jeediyey inay dhowraan sharciga dalka u yaal.