Sheekh Dirir Oo Si Adag uga Hadlay Dhaqanka Ku Cusub Hargeysa Ee Fashion-ka Ragga & Dumarka

sheekh dirirHargeysa (SLpost)- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ayaa si adag uga hadlay dhaqan aan hore uga jirin Somaliland oo markii u horeysay todobaadkii hore lagu soo bandhigay caasimadda wiilal xayaysiinaya dhar iyada oo ay u daawasho yimaaddeen haween tiro badan.

Arrintan ayaa hadal-haynteedu si weyn ugu batay bulshada dhexdeeda, gaar ahaan baraha Internetka bulshadu ku kulanto, sida Facebook, iyadoo dadku si weyn uga biyo-diideen, waxaana ka hadlay wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo arrinkan dhalleeceeyey. Haseyeeshee, waxa ay dadweynuhu markii dambe layaab iyo fejeciso ku noqotay markii la arkay Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo la sawiran wiilasha falkan sameeyey oo uu ka guddoomay lacag ay ku magacaabeen inay ka qayb-qaadanayaan gurmadka Abaaraha, lacagtaas oo ahayd kharashkii uga soo xerooday bandhiggii ay qabteen.

HOOS KA DHEGAYSO