Seexashada sagaal saacadood ka badan oo laga deyriyay

Cilmi baadhis cusub oo la sameeyay ayaa tilmaamaysa in qofka qaangaarka ah ee billaaba in uu seexdo in kabadan sagaal saacadood habeenkii uu qatar ugu jiro cudurka Alzheimers.

Cilmi baarista waxaa lagu xusay in qofka horay ay ugu filnaan jirtay hurdo yar, haddana aysan ku filneyn hurdo badan, in ay taasi noqon karto calaamado horudhac u ah xanuunka Alzheimers.

Alzheimer waa xanuun ku dhaca dadka da’ dhexaadka ah iyo waaweyn

Cudurkan waxaa sababa shaqada maskaxda oo hoos u dhacda. Waxaana aalaaba ka dhasha isku dhexyaac iyo maskaxda oo howsheeda gabta.Waxaa baaritaanka lagu ogaaday in dadka 60-ka sano ka weyn ee waqtiga badan hurda ay halis ugu jiraan in xanuunkaas laga helo.

Waxay cilmi baarayaasha sheegayaan in la ogaan karo in qofka uu cudurka qabo.

“Weydii inta saacadood ee uu hurdo iyo inuu weli hurdo u baahan yahay. Waa tallaabada ugu fiican ee lagu ogaan karo in qofka uu ku soo socdo cudurka Alzheimer”, ayey sheegeen dhaqaatiirta.

Cudurkan wuxuu sababi karaa xanuunka asaasaqa.

Cilmi baarista waxaa soo saaray dhaqaatiir ka socotay jaamacadda Boston ee dalka Maraykanka.