Salaadiinta Somaliland Oo Horfadhiisisay Muuse Biixi Iyo Cabdiraxman-Cirro

(SL.Post) Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Somaliland ayaa shalay kulan isku horfadhiisiyay labada murashax ee xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Sidoo kale waxa iyaguna kulanka joogay xisbiga UCID.

15822949_378694232477257_5662711207992327301_n

Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay koox salaadiin ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Cisman Suldaan Cali Madar, Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow),  Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Aadan Faarax iyo salaadiin kale, waxa markii u horaysay la isugu geeyay kulan qado ah oo ka dhacay hoteelka Maansoor, iyadoo markii dambe kulan fadhi ah la isugu tagay guriga Suldaan Ismaaciil.

Qodobkan ayay siyaasiyiintii ka socotay Waddani iyo KULMIYE oo ay kala horkacayeen Cabdiraxmaan-Cirro iyo Muuse Biixi, balan qaadeen inay joojinayaan islamarkaana bilaabayaan wada shaqayn cusub.

Qodobka labaad ayaa isna ahaa in la isla garto in doorashadu dib uga dhacdo wakhtigii loo qorsheeyay maadaama oo ay abaar adagi dalka ka taagantahay.

Qodobkan ayay saddexda xisbi kaga jawaabeen in loo daayo hay’adaha qaranka ee ku shaqada lihi inay go’aan ka gaadhaan arrimaha doorashada.

Salaadiinta ayaa aad ugu dheeraaday ka warbixinta xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sida ay u adagtahay in doorasho qabsoonto March 2017, waxaanay xisbiyada u soo jeediyeen inay joojiyaan ololaha oo ay u gurmadaan dadkooda baahan ee abaartu heshay.

Dhinaca xisbiga KULMIYE, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

 

  1. Muuse Biixi Cabdi

 

  1. Maxamed Kaahin Axmed

 

  1. Cabdicasiis Maxamed Samaale

 

Waddani

 

Xisbiga Waddani, waxa ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

 

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

 

  1. Xirsi Cali Xaaji Xasan

 

  1. Xuseen Axmed Caydiid

 

UCID

 

Waxa xisbiga UCID ka socday saddex xubnood oo kala ahaa

  1. Maxamed Cali Madoobe (Jiir)

 

  1. Cabdinaasir Yuusuf Qodax

 

  1. Maxamed Xasan Khayre

Kulankan ayaa waxa qalbi furan ku soo dhaweeyay shacabka Somaliland oo ku dhego barjoobay hadalada taag-taagan ee ay labadan xisbi ee Waddani iyo KULMIYE hawada isu marinayeen maalmihii u dambeeyay, kuwaas oo walaac ku abuuray shacabka Somaliland.

 

Somalilandpost.net