SADDEX NABARREY! – Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

Nasser  qalin jabin“Dheeman sidii ay iigu sheegtay, goor ay ku male-weynayd laba-kun-guuradii, tirsiga Miilaadiga (2000) ayuu nin ganacsade ahi meel faras-magaalaha Qardho ah ku weydiistay aabbaheed,                                             “Inantayda waad geydaa, waanan ku siiyay ee marin- keeda soo mar.” Ayuu Dheeman aabbaheed yidhi.

Goortaa Dheeman da’ ahaan waa 17-gu’ jir, markii aabbeheed uu u sheegay in uu nin ganacsade ah siiyay; Odaygu markii uu arkay in gabadhiisu ka biyo-diidday, ayuu ugu daba-karay murti-maahmaaheedda aalaa ba guurka labada qof ee kala ayniga weyn guurkooda dhiiri-gelin ahaanta luugu adeegsado, waa; NINKII KU DHALI KARA, AYAA KU DHIQI KARA! Hasa-yeeshee, Dheeman ma rabto in ay ammintan guursato’e waxa ay calool doonaysaa in ay woxogaa iskaga damaanshaaddo nolosha dahabiga ah ee gaashitinimo. Walaw, degmada ay ku dhalatay kuna barbaartay gabdhaha hore luugu guursado.

Dheeman waxa ay u war doontay gabdho ay isku fac ahaayeen oo da’ aad u yar lagu soo doonay, bal si ay ugu kuur-gasho is-beddelka noloshooda ku dhacay. Iyo bal in ay ka wax ka ogaato noloshu kalinimo iyo lammaane midka ay ku dhadhan wanaagsan tahay! Hablihii ay sahanka ugu tagtay, waxa ay ku booriyeen in qoysnimadu hodannimo iyo barwaaqo tahay,

Isla markaa, aan la barbar dhigi karin iskaabulonimo. Dheeman oo aan xidhiidh hore oo hasaawe ha ba yaraatee, soo samayn, intaa na ay u dheer tahay in sheekooyinka dhagteeda debedda kaga imanaya ee ku saabsan ninka soo dooni raba ay ugu shilis tahay in ninku lacag leeyahay oo ganacsade yahay; ayaa u soo janjeedhsantay in arrinta guurka ay ogolaato.

Warka raali-ahaanshaha guurka ninka soo doonaya, gaadhsiisay aabbeheed iyada oo aad u xishoonaysa oo baqdintii ugubnimo na korka uga soo baxday. “Waan kaa filayay aabbo duco qabto ayaad tahay” ayuu Odaygii ku hal celiyay.

Dheeman markii dhakhtarka laga soo celiyay Saalax oo nuurad ku duubantahay, loo na sheegay in furaash gaar ah loo soo iibinayo oo guriga uu makhsin kale ka seexanayo, aad iyo aad bay uga xumaatay.

Muddo ku dhow saddex bilood ayay Dheeman hannaanka lammaanaha qolalka kala geddisan seexday ku jirtay. Goortaa waxa ay u waraysi doonan jirtay, gabdho habeen wacan oo aroos ah hore u soo qaatay, maadaama oo ay gabadh ugub ahayd, warkaasi mid aad u xiiso badan ayuu agteeda ka ahaa.

Saddex bilood kaddib, markii laga furay nuuraddii, ayuu dhakhtarkii dib u sawiray, waxa aanu ogaaday in aanu wali kabmin oo bilo la gelin doono; sidaa ayaa biro lagu galiyay oo dhakhtarkii haddana u yidhi:” Bal haddana saddex bilood oo kale aynu eegno.”

Saddexdii bilood ee hore, daqiiqad-daqiiqad, saacad-saacad, maalin-maalin, habeen-habeen iyo bil-bil ayay u tirinaysay. Imikana waxa luugu daray muddo kale oo Iyana saddex bilood ah. Niyad-jab weyn baa ku dhacay Dheeman. Waxa aanay nafteeda ku canaantay in ay tahay gabadh nasiib xun.

Saalax oo nin adduun rabbi ku galaday ahaa, wuxuu damcay in uu guriga nooc kasta oo khudaar ah iyo wax kasta oo Aadmi cuno oo geyiga laga helo guriga keeno, isla markaa iyada hadyado badan oo uu ugu mudnaa dahab hareerkasta ka dhigo. Haddana waxa aad moodaysay in aanay waxaas oo dhan wali indho-buuxinnayn Dheeman.

 

Dheeman ceeb ayaad reerkiina u soo jiiday oo kaliya ayay kula joogtay Saalax, hasa yeeshee, habeen kuma niyad-samayn cidlo-jiifka nolosha lammaane.

Khilaafkoodu aad ayuu u batay, sidaas oo ay tahay na, waxa inta badan socon jiray oo tanaasuli jiray Saalax, xataa haddii ay ka gar-daran tahay Dheeman. Sababtuna waxa ay ahayd in uu ogaa barta ladhka khilaafka abuurayaa ka soo kacayo oo ah “cadho dhinaca gogasha ah!”

Saddexdii bilood ee kale na sidii ayay ku dhammaadeen. Saalax laga saar birihii, gacantiina way kabantey. Muddo labaataneeye maalmood ah oo kale na baxnaano ayaa lagu jiray, intaa kaddib ayuu Saalax maalin soo iibiyay laba neef oo arooskan muddo dhaafay luugu duceeyo. Halkii tol iyo xiddid ba lagu casuum, luuga na ducee reerka in Alle barakeeyo.

Goor Saq-dhexe oo habeennimo ah xili-tirsiga Soomaalida, kuna aaddan 11:30kii ayuu reerkii Arooska ahaa wakhti isku helay, macnaha; Dheeman iyo Saalax loo kala bax.  Caawa waa aroos cusube cabbaar la sheekaysay. Haddii ka meeraysto in aan hadalka qaawiyo. Habeenkiina DIIRI WAA MATOORKII! Waa se dhibaato cusub, Dheeman waxa ay u qaadatay in Saalax aanu dareen ba dhiniciisa jirin, goor barto-yar ah na way ka soo dudday gurigii. Waxa aanay soo timid gurigoodii, waa gabadh aad da’ yar xataa, awood iyo waayo aragnimo ay ku sheegto dhibta haysta ma leh.

Dheeman aabbeheed oo guurti ahaa yaab ayaa ka soo hadhay, waxa aanu xaaskiisii si hoose ugu sheegay in arrin dumar ay arrintu tahaye bal ay gabadheeda hoos u waraysato.

 

Sidoo kale, ayuu Saalax na ugu jarmaaday dhakhtar, baadhitaanno caafimaad si uu u maro, wax na uga ogaado xaalka cusub ee la soo dersay.

 

Saalax dhakhtarkii uu ku jarmaaday waxa uu ku sameeyay badhitaan caafimaad oo guud,  natiijadii ka soo baxday na waxa ay noqotay, mid aan dhakhtarku aqoon ahaan gaadhsiis nayn ama wax b aka qaban Karin, macnaha xaalad caafimaad oo dhakhtarka ku cusub ayay noqotay. Hasa yeeshee, talo ayuu dhakhtarku siiyay, taas oo ahayd in uu magaalada uu deggan yahay ka digo-rogto oo magaalo kale tago, bal si haddii uu jawiga beddelo ay u suurto-geli karto in dareenkiisu is-beddelo.

Saalax si uu u soo ceshado xaaskiisii dudmada kaga maqnayd ayuu hawsheed ku dhaqaaqay, ku soo guulaysay oo lagu soo dar xaaskiisii. Markii ay guriga yimaaddeen ayuu uga warramay in uu dhakhtar la xidhiidhay dhakhtiirkiina kuyihi: “Hawo beddelo” Sidaa darteed, uu u doonayo in ay muddo laba bilood u soo joogaan magaalada Garoowe.  Imaatinkoodii Garoowe wax is-beddel ah ma dhalin, wakhtiguna hadda waxa uu ku sii siqayaa ba ku dhawaad sannad. Xaraaradda cadho ee Dheeman circa ayay ku sii shareereysaa, noloshii oo dhanna qabyo ayay ka noqotay.

Baabuur gaar gaar ah oo uu lahaa Saalax ayuu galabihii ku tamashle geeyaa Dheeman, habeenkii Rabbi keenana wuxuu u soo iibiyaa alaab cusub. Wuxu geed gaaban iyo mid dheer ba u fuulay sidii uu si ugu heli lahaa, farxad ku meel gaadh ah bal inta xaalkiisa caafimaad dhinac uun u dhacayo.

 

Wakhtigii labada bilood ahaa markii uu dhammaaday ayuu dhakhtarkii Qardho dib ula soo xidhiidhay, waxa aanu siiyay talo kale oo ah in uu Nairobi-Kenya dhakhtar caafimaad u tago. Sharci-Baasboor  ayuu u sameeyay Dheeman

Muddo shan bilood ah markii ay Saalax iyo Dheeman joogeen Nairobi-Kenya, hasa yeeshee, aan caafimaadka Saalax ka soo reynayn, ayuu Saalax go’aan ku gaadhay in ay dib ugu noqdaan Qardho, warqaddii furriinkeeda u diyaariyo, isla markaa waalidkeed na uu sharaf badan ugu wareejiyo mas’uuliyaddii iyo xilkii Dheeman.

Waxa aanu Dheeman ku yidhi: “In qof loo samro waad ii samirtay, gabadhaha da’daa ahi wax aanay samayn Karin oo mucjiso ah baad samaysay; waad samirtay ilaa samirka laftiisu daalay! Intaa ka badan xaqa aad leedahay kaama duudsiyi karo, waan ka xishoonayaa intaa ka badan in aan ku dulmo, waan samrayaa anuu, adigana madax-bannaanidaadii ayaan ku siinayaa, wali ba marka aan ku furo waxa aan kaala hawl galayaa sidii ninka aad ku qanacsan tahay aan kuugu dhisi lahaa. Anigoo ku jecel , ayuu wakhtigu igu qasbayaa in aan ku sagootiyo oo wali baa an cid kale kuu guuriyo.

Ma filayo in ay adduunyada joogto gabadh gobonnimo iyo dun-wanaagga ku soo haybsataa. Gaadhi aad ku xaragooto ayaan kuu iibinayaa, dahab iyo shar badanna waan kuu iibinayaa, lacag caddaan ahna 6000$ ayaan ku siinayaa. Aabbahaa waxa aan gaadhsiinayaa meherkaagii iyo warqaddaadii. Waxkasta haddii aan ku siiyo, habeen kaliya oo aad seexatay adigoo ii baahan ma uma dhigmi karaan. In aad Dar Alle ii saamaxdo ayaan kaa codsanayaa.”

 

Qardho markii ay nabad yimaaddeen, Saalax iyo Dheeman ee dhammaan ballamihii uu qaadayna uu oofiyay Saalax, ayuu Dheeman gurigoodii u wareejiyay.

Muddo afar sanno ah ayay Dheeman ka xishoonaysay in ay guursato iyada oo dhawraysa qalbiga Saalax. Goortaa waxa jiray rag aad u badan oo guur u soo bandhigay, hasa yeeshee, dheg-jalaq uma siin.

Gaygiga Soomaalida waxa ammintaa hormuud ka ahaa Qurbe joog, waxa laga aaminsanaa wax badan oo wanaagsan, gabadhaha ugu badan iyagaa guursan jiray,  gabadha nin qurbe ka yimid guursadaa waxa ay ahayd gabadh nimcaysatay. Sidaa awgeed, ayay Dheeman u door-bidday in ay la haasawdo wiil Dalka Ingiriiska deggan.

Dheeman oo aad u qurux badnayd dhowr sawir oo dhinaca khadka ay ugu dirtay ayuu la akhqaraaray Xaamud oo carriga Ingiriiska markaas uun qoxoonti ahaan ku galay. Wuxu filayay in uu sharciga ku heli doono muddo laba sanno ah, waxa aanu ku fikiray in uu Dheeman mehersado isagoo halkaa jooga, si uu isla marka uu sharciga u hela ba ugu yimaaddo.

In uu Xaamud sharciga helaa, waxa ay qaadatay 5 sanno oo gow ah, wakhtiga ay hadda Saalax iyo Dheeman sii kala maqan yihiinna waaa; Sagaal sanno.

 

Dheeman iyo Xaamud muddo dheer ayay iyagoo isku mehersan, khadka uun ka haasaawi jireen, waagaana wax ba iska bilow ahaa adeegsiga khadka Internerka oo dad sidaa u sii u badan oo Soomaali ah ma isticmaali jirin. Sidoo kale, goobaha Internerku aad bay u koobnaayeen, inta badanna safaf dhaadheer baa luugu jiri jiray; khadkuna aad buu u cuslaa.

 

Dheeman wiil meherad Internet haysta ayay muddo macmiil u ahayd, waxa ay ahayd macaamiisha qofka ugu adeegsiga badan khadka, habeenka ay ugu yartahay na waxa ay ku jiri jirtay laba saac. Dheeman wiilka internet ka hayaa 10:00 habeennimo marka ay gaadho, intuu dusha kaga sii xidho ayuu hudheel aan meheradda sidaa uga sii dheerayn ka soo cashayn jiray, kaddibna gurigiisa oo isna meheradda dhabarkeeda ku yaal ayuu qaddar ku soo yar nafisi jiray, halkaas oo uu macawis iyo sandal ka soo xidhan jiray, waxa aanu  ugu soo noqon jiray 11:00 habeennimo. Guriga ayuu sii gaadhsiin jiray.

 

Dheeman isku diyaarisay in ay u ambabaxdo magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Addis oo lacag ka sugaysa odaygeeda Xaamud ayaa subaxnimo Khamiiseed tagtay xawaaladda si ay lacagtii noolka iyo sahayda uga soo qaadato. Waxa ay xawaaladda ugu tagtay lacag 2000$ ah, hortii ba way ka shakiday xaddiga lacagtan oo aad u badnaa. Warwar ayaa ku bilaabmay Dheeman, lacagtiina haba yaraatee, wax ba kama isticmaalin,  maalinkii oo dhan waxa ku farto batay wakhtigii, maalintu marka aad wax sugayso ma dhammaato, habeenkuna dheeraa. Sidii Caadada u ahayd Xaamud in uu khadka u soo galo 9:00 caweysnimo ayuu ka raagay habeenkaa. Goor qiyaastii 10:35 habeennimo ah ayuu soo galay khadka. Su’aashii ugu horreysay ee ay weydiisaa waxa ay ahayd; Lacagta intan leeg maxaad uga jeeddaa?

“ Waadigii ogaa in sharciga dhawaan la I siiyay, noloshii Inigiiska ayaa adkaatay, dadkii halkan degganaa Maraykan ayay uga sii baxeen, anna waan baxayaa walaal, markaa sidaa darteed, ayaan u jeclaystay inaanan wakhti badan kaa sii lumen Maraykan marka aan tagana garan maayo sida ay xaaladdu noqon, marka lacagta aan kuu soo diray waa Meherkaagii, warqaddiina aroorta ayaan adeerkay kuugu soo dhiibayaa.” Ayuu Xaamud yidhi.

 

Qoraalkaa markii ay Dheeman akhriday, kabaha oo ay iska bixin jirtay inta ay ka dhaqaaqday ayay cago caddaanku baxday, meheraddii Internetka oo kaligeed hoosta uga xidhnayd na inta ay iska furtay ayay albaabkii oo furan ka baxday. Isma oga, magaalada Geeskeeda marka ay marayso ayay Laydh qabow badan dareentay, Mise magaaladii ba way ka soo dheeraatay, waa saq dhexe, waa cagaagan tahay, wax alla wixii quruurad iyo dhagax yaal magaalada way ku soo istaagtay, lugaheeda dhiigga ka socda lama qiyaasi karo. Sharmaddu meeldhexdaa ah ayay ka soo luntay.

 

Timaheeda oo dhaadheeraa, dhumuc weynnaanna saaxiib u ahaa, aflaaqada timaha bilic tirtana ay kala abaajiyeen oo furfurnaa, goor aan dhaweyna dabayshii sabada magaalada Qardho ka dhacaysay ay ka xoortay. Ayaa hadba dhinac dabayshu kaga keenaysaa, wey u taag la’dahay; geesta kale, waxa hafeefanaya nabarro addimada ka gaadhay, haba ugu darnaadaan, biro kala wadhay xiddidleyda baabacada; waxa aad mooddaa lugaha boqnaha wixii ka hooseeya in biyo kulul loo galiyay. Shaki kuma jiro in xiddida qaarkood go’an yihiin oo ay dhiigga habayaan.

 

Waxa Dheeman warwar iyo cabsi dabarka goosatay ku haysa cidlada jaaq la’da ah, laba arrimood oo ay aad uga baqato ayaa kaskeeda didsan ee maskaxduna ku soo qarqinayso dheecaannada cabsida xambaara; waa na ‘nin –waalan iyo Ay.’ Waxa ay isku dayday in ay oroddo xagga iftiinka magaaladu ka jiro. Hasa yeeshee, ma dhaqaaqi karto laba jeer ay is tidhi, orod, way turunturootay.

Oohin iyo barroor ay u hollatay baa waxa ay soo saareen in aanay carrabka dhaqaajin Karin oo carrabkeedu weynaaday, taas oo daarnayd in Dhiig-kar ku dhuftay.

Saq-dhexe habeennimo cabbaara 12:40 ayay ehel, asaxaab iyo jaar Dheeman baadidoonkaada u soo baxay oo gaadiid iyo lug ba ku raadinayay isla markaa tooshash iyo nalka baabuurta ku hadba jaho ku ifinaya ayaa la kulmay Dheeman oo cidla’ ciirsi la’ kambadhuudha oo barta ay fadhidaa dhiig ku wareegsan yahay.

 

Gagadii duleedka magaalada Qardho laga soo qaad Dheeman, guriga markii la keenay, ee wiil Farmasii ka shaqeeya saacaddii loo soo kiciyay, ayaa dhaymo loo bilaabay, wiilku wax badan uu u qaban kari waayay, kaliya wuxuu ku muday dhiig joojin, hasa yeeshee, dhiiggii ma istaagin sababtuna waxa ay ahayd in xiddido go’naayeen.

Waaga barigiisii waxa loo la orday dhinacaa iyo dhakhtarka. Illaa hadda dhammaan xaafadda iyo jaarka Dheeman waxa ay rumaysan yihiin in ay uu Jin galay oo uu halkaa geeyay. Sidaa awgeed, ayaa cilaaj loo geeyay oo Quraan badanna luugu akhriyay, dhir badanna waa loo qoro oo qaarkood la shito, kuwana jidhka la marsado iyo qaar la cabbo. Muddo cilaaj lagu la noqnoqay, ma se sibir-saarin Sheekhu in bukaanka Dheeman uu yahay mid qalbiga ka gaadhay.

 

 

 

Dheeman oo xaalkaa adage e caafimaad ku jirta, ayaa warqaddadeediina guriga ugu timid, hore na waxa ay u haystay meherkeedii. Nabarkasta oo ku dhacaa, kii ka horreeyay uu kaga sii xanuun badan yahay, waanay nuglaatay goortan.

 

Dhayme siddeed bilood qaatay oo dhinaca jidhka ah iyo ka soo kabasho laba sanno qaadatay oo dhinaca qalbiga ahayd kaddib, Dheeman waxa ay bartaa ka sii ambaqaadday geeddigeedii nolosha oo aan wali kobta caleenta leh ka soo durdurin.

 

Dhaawacyadaa wakhtigu Dheeman gaadhsiiyay wax ba ma sii hibatayn jirin. Sababtuna waa in xooggana xidhiidhka iyada iyo Rabbigeed ka dhexeeya, qaddarkana si buuxda ayay u rumaysnayd.

Waxa se ay kaska ku haysay in wakhti ka ordayo, oo aan dumarku cimri lahayn. Sidaas awgeed, ayay ugu fikirtay cid kasta oo guur u soo bandhigta in ay gacmo-furan ku soo dhoweyso.

 

Daa’uud oo lagu naanaysi jiray “mara-yare” ayay haasaawe la bilowday sannaddii 20013. Daa’uud laba xaas ayuu lahaa, wuxu ahaa nin ganacsade ah oo bacadleyaal leh, sheekadooduna may sii jiitamine hore ayay uga gun-gaadheen oo guurkoodu wuxu dhacay isla sannadkii 2013.

Daa’uud wuxu noqday, mid ay Dheeman ku illowday wixii dhib soo martay; sannad gow ah markii ay raaxo-dhaadhi ku jireen lammaanuhu ayay laba jilib oo Beesha-dhulbahante ka mid ahi dil kala gaadhay, ninka wax dilay wuxu ahaa, Daa’uud walaalkii, nin ka uu dilayna nin jilibkaa maamuus badan ku dhex leh buu ahaa, nin ganacsade ah, sidaa darteed, ayay jilibkii ninka laga dilay u shaaciyeen in ay ugu soo aari doonaan Daa’uud. Taasina waxa ay keentay in uu Daa’uud hub iibsado oo uu rag ilmaadeeradii ahna kaxaysto sidaa na kaynta ku galo oo uu saddexdiisii guri midna tagi waayo. 2014-2016 markii uu Daa’uud duurka ku jiray, ayay Dheeman ka codsatay in uu laba midkood soo galo.

Waa midda horee, In uu colaadda ka yimaaddo oo uu reerihiisii u soo noqdo, iyo tan kale oo ah; in uu warqaddeedii furriinka u soo diro, waxa aanay arrintaa ku sababaysay in xaasaskiisa kale ay carruur leeyihiin, isla markaa ay sugi karaa wakhti dheer, hasa yeeshee, iyada wakhti ku socdo da’deeduna hadda tahay 36 jir.

Dhambaalkaa markii uu ka helay Daa’uud Dheeman wuxu u soo diray warqaddii furriinka.