Somalilandpost | News and Analysis

SABABAHA IYO SAAMEYNTA: QIIMA KORODHKA SHILLINKA

HORDHAC

Xasilloonida iyo saldhigashada lacagta maxalliga ah marka loo eego qiimaha ay ku leedahay halbeegyada ama minqiyaaska lacagta adag waxa ay aasaas muhiim ah u tahay dhaqaalaha. Haddaba Inta aynaan u gelin dulucda qormaddeenan wax ayynu wax yar ka iftiimin doonaa laba qodob oo badanaa bulshadeennu ay isku khaldaan labadaas qodob oo ah Sicir Bararka iyo Sarrif Bararka. Sarrifka Barrarku waa issir kamida issiradda sababa Sicir bararka waxaannu la xidhiidhaa heerka isku bedelka lacagaha ama sarrifka. Sicir bararku waa kor u kaca qiimaha badeecadaha iyo adeegyada. Waana wax guud ahaan lagu yaqaan dhammaan dhaqaalaha, hadii u jiro koboc dhaqaale, wax cawaaqib xumo ah maleh lakiin haddii koboca Sicir bararku ka talaabo dheereeyo ka dhaqaalaha, badanaa wax ay hoos u dhigtaa awoodda iibsiga iyo heerka nolosha bulshada.

MAXAA KEENAY QIIMA KORODHKA SHILLINKA?

Issirada aynnu u aaneyn karno in ay keeneen qiime korodhka shillinka maxalliga ah ku yimi marka loo eego lacagaha qalaad, gaar ahaan Doollarka oo ah minqiyaaska ugu weyn ee Sarrifka lacagta, waxaa kamid ah:

  • Isbedelkii Ethiopia ka dhacey oo keenay in lacago badan oo dollar ahi si dadban iyo sitoosaba inoo soo galaan gaar ahaan suuqyada Wajaale.

  • Dhoofka xoolaha ee dalka Yaman aynu geyn jirney oo beryahan bilaabmey lacag adagna inaga soo gahsey.

  • Mashaaricii Hayaddaha Caalamiga ahaa dalka ka wadeen oo muddadii jahwareerka doorashada iyo muddo kordhinta ayynu ku jirney hakad ku yimi oo qaar kood dib u bilaabmeen lacag adag oo badana dalka soo geliyay.

  • Dhaqdhaqaaqa ganacsiga oo kor u kacey maadaama lagaley bisha Ramadaan

  • Waxa iyana xusid muddan talaabooyinka baanka dhexe qaadey si shillinka maxaliga ah loo awoodeeyo, sida

  • In Baan ka dhexe dib suuqa uga saaray shilling kii xadhaafka ahaa ee xukuumaddii hore soo daabacdey.

  • Sidoo kale Baanka dhexe isaga oo fulinya taladdii aynnu qormaddii hore ugu soo jeediney ee ahayd “ In baanka dhexe faragelin ku sameeyo sarriflayaasha sarifka lacagaha qalaad iyo shirkadaha Waaweyn ee saffrika ka shaqeeya taas oo ah talaabada ugu haboon ee maareynta lacagta”. Baanka Dhexe ee Soomaaliland waxa uu bilaabey faragelinta sarifka lacagaha qalaad iyo diwaangelinta sariflayaasha. Faragelintaasi wax ay meesha ka saartey dheelistii lagu dheelayay sarrifka Cumladda Qaranka iyo tartankii hawaawiga ahaa ee lacagta (Currency Speculation). Wax kale oo awood siisay baanka dhexe in uu xakameeyo qiime dhacii shillinka ee joogtada ahaa iyo korjoogeynta Sarriflayaasha. 

  • Hirgelinta in adeegyada iswaydaarka Lacagta moobilka ee ZAAD iyo E-DAHAB system koodu $100 wixii ka yar uu ku shaqeeyo shilinka maxaliga oo kaliya, taasina wax ay kor u qaadey isticmaalka shillinka, Baanka dhexena wax ay u sahashey in uu maamulikaro, korjoogeyn karo, lana socon karo iswaydaarka lacagta maalinlaha ah ee shirkadaha adeega lacagaha moobilka.

  • Intaa waxa soo raaca xukuumadda oo hoos u dhigtey kharashaadkii badnaa ee Hayaddaha Dawladda.

SAAMEYNTA

Heerka Isku badalka ama sarrifku si joogta ah ayuu isu badlaa mar kor buu u kici karaa marna hoos, taasina wax ay ku xidhantahay isirro guddeed iyo kuwo heer caalami ah, sida koboca dhaqaalaha, shaqola’aanta daymaha iyo xataa xasilooni daro siyaasadeed haday jirto.

Heerka Isku bedelka lacagtu wuxuu si toosa u saameeyaa Sicir bararka maxaayeelay waxa uu si toosa u ugu lugleeyahay badeecadaha iyo agabka dibada laga keeno. Haddii dhaqaaluhu uu si xawli ah u korayo, lacagta maxaliga ahina awoodeysato wax ay innaga caawin kartaa hoos u dhigidda Sicir Bararka, hasayeeshee haddii dhaqaaluhu aanu koreyn ama si qunyara u kobcayo, qiime korodhaka lacagta maxalliga ah waxay xaaladda ka dhigi kartaa mid cakiran.

Qiime korodhka lacagta maxalliga ah badanaa waxa ay hoos u dhigtaa Sicir Bararka sababtuna wax weeyi baddeecadaha dibada laga keeno oo qiimahoodu jabo, qiimahaas jabeyna wuxuu keenayaa in sicir bararku hoos u dhaco. Hasayeeshee dalkeenna marka aad eegto qiimaha maciishadu waa sideedii haddii shilling maxaliga ahi qiimayeesho, dollarkuna qiime dhaco.

Haddaba su’aasha isweidiinta leh wax ay tahay salaaddu halkey ka xidhmi laa’dahay. Tolow waa maxay waxa khaldani? Ma habacsanaanta Wasaaaradda Ganacsiga iyo jiritaan la’aanta Istaraatijiyada, siyaasadda Suuqa ganacsiga iyo korjoogeyn la’aantaa Ganacsatada Mise filashada iyo tarisaada Ganacsatada ee ah in qiime korodhka shillinka aanu weli sal dhigan oo aan la isku halayn karin oo wakhtiguu doono isbedili karo sarrifku sidaa daraadeed iyaga oo khasaare Ka cararaya ay ugu dhici laayihiin in ay hoos u dhigaan qiimaha badeecaddaha ay debadda ka keenaan. Mise nidaamka iyo qaab dhismeedka dhaqaaleheena ayaa ah mid aan u hogaansaneyn qawaaniinta aasaaska u ah aragtiyaha dhaqaalaha

Yaa ka dheefaya qiime korodhka shillinka maxalliga ah?

Marka shillinka maxalliga ah qiimihiisu kordho, waxaa ka dheefaya shaqalaaha mushaharka ku qaata shllinka maxalliga ah iyo Ganacsata hoose dhexe ee shillinka wax ku iibiya.

Yaan ka dheefeyn qiime korodhka Shillinka maxalliga ah?

Sida ku xusan warbixinta Baanka Adduunku soo saareey ee “Somaliland’s private sector at a Crossroads” qoysaska Somaliland qaar kamida dakhligooda 80% wuxuu ku tiirsan yahay lacagta xawalaadaha ay ka helaan. Sidaa daraadeed qiime korodhka shillinka maxalliga ah wax uu si taban u saameynayaa dhamaan qoysaska dibada lacagaha looga soo diro, shaqaalaha Shirkadaha iyo Haayaddaha u shaqeeya ee mushaharka ku qaata Doolarka. Hasayeeshee dheefla’aantaas waxa maaro u noqon karta marka shillinku qiima yeesho in qiimaha maciishadu uu hoos u dhaco oo aanay halkoodiii hore taagnaan sida imika dhacdey oo kale.

GUNAANAD

Guntii iyo Gabagabadii, wax aynnu ku talineynaa maadaama dhaqaaleheennu yahay mid wax soo dhoofsada (Net Importer) oo waxa uu debadda u dhoofiyaa aad u kooban yahay, wax ay inoogu badinaysaa shillinkeenna maxalliga ah oo qiima yeesha lakiin waa haddii baddeecadaha debadda laga keeno qiimahoodu jabo marka shillinka awoodaysto. Sidaa daraadeed siyaasadkasta oo ay xukuumaddu doonayso in ay ku xaliso dhibaatada Sicir Bararka waxaa daruuri ah in sidoo kale ay ku xaliso Sarrif Bararka si isku mar ah iyo in ay maanka ku hayso sidii ay isugu dheeli tiri kari laheyd dhib iyo dheefba maadaama bulshada soomaaliland qaybo badan oo kamidi ku tiirsanyihiin lacagta adag ee debadda looga soo diro. Aragtida odhanaysa “qiime dhaca shillinka maxalliga ah ayay inoogu badinaysaa” ee ay soo jeediyeen qaar kamida dhaqaalayahanada reer soomaalilaan anigu aragtidaa ma qabo waayo ma jirto wax aynnu ka dheefi karno lacagta maxalligaha oo qiima dhacda taa badalkeeda dhacdadani waxa ay dabka ku sii hurinkartaa Sicir Bararka ama wax ay inoo horseedikartaa wax afka qalaad loogu yeedhyo (Imported inflation). lagacta maxalliga ah oo la qiima ridaa wax ay u fiicantahay dalalka qaar kood sida China Iyo Jaban kuwaas oo dhaqaalahoodu yahay mid wax dhoofiya (Net Exporter).

Axmed Cabdilaahi Cumar (Ahmed Diini)

Senior Economist

Hargiesa Somaliland

diini129@gmail.com

063-3030031

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

Loading…