Raysal-wasaaraha Cusub ee Finland oo hambalyeeyay Somaliland, Aqoonsina u ballan-qaaday

Helsinki (SLpost)- Ra’iisal-wasaaraha dhawaan la doortay ee dalka Finland Antti Rinnye, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dowladda iyo Shacabka Somaliland 28-guurada ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May oo shalay oo ay ku beegnayd dalka laga xusay.

 

Wakiilka Somaliland u fadhida dalka Finland Saamiya Muuse, ayaa la kulantay Ra’iisal-wasaaraha Finland Antti Rinnye, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo khuseeya Xisbiga uu ka soo baxay Ra’iisal-wasaaruhu ee SDP oo ay Saamiya Xubin ka tahay iyo arrimaha la xidhiidha wada-shaqaynta iyo sidii ay Xukuumadda uu soo dhisi doonaa u aqoonsan lahayd Somaliland.

Sidaa waxay Safiir Saamiya Muuse ku sheegtay Qoraal ay la soo wadaagtay Warbaahinta aftahannews.com oo ay kaga warrantay waxyaabaha ay Ra’iisal-wasaaraha ka wadahadleen iyo hawlo la xidhiidha doorashada Baarlamaanka Yurub ee dhawaan dhici doonta oo ay door ka qaadanaysaba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee akhris wacan oo wanaagsan:-

“Maanta waxaa sharaf weyn noo ahayed inaan xuskii 18 May la qaadanay prime ministerka (Ra’iisal-wasaaraha) cusub ee Finland Mudane Antti Rinne iyo olalaha doorashada Barlamaanka Europe o dhici doonta inshaa Allah 26 May 2019.  

 

Waxaan maanta si gaar ah aniga u ka faa’iidasanayey munaasibadda xuska 18 May iyo codeynti iyo olalihii  kaampeenka  doorashada Barlamaanka Europe, inaan la wadaagno farxadda xuska 18 May Ra’iisal wasaare Antti Rinne uu waliba noogu hambalyeeyay maalintaas qarannimada Somaliland, isaga u farsad wayne iyo ixtiraam iyo qaddarin leh ku yidhi; ‘Hambalyo Somaliland’ ayaan anigu si gaar ah oo xushmad leh u xasuusiyay inaan in badan xisbiga SDP la soo shaqeeyay marna San musharax golaha deegan ka noqday, marna xubin ku xiigeen, marna xubinta guddiga Komishinka doorashooyinka Barlamaanka Finland, taas oo xisbiga SDP ku guulaystay oo aan ka mid ahaa guulaha Xisbiga u soo hoyatay, taas oo ku noqday mudane Antti Rinne Prime ministerka Finland ee cusub, horena aan ka mid ahaa ergooyinki shirweynaha 45aad ee xisbiga SDP isaga loogu doortay inuu noqdo Goddomiyaha xisbiga SDP aan codkayga ku siiyay, maantana aan xubin ka ahay guddiga doorashada Barlamaanka Europe ee  26 May inaan diyaar u ahay guul saddexaad inaan xisbiga la soo Hooyo, aniga o taageero iyo kaampeyn iyo codba ku deeqi doona si mar saddexaad u xisbiga SDP ugu guulaysto kursiga Barlamaanka Europe. 

Waxaan idhi; ‘Haddaba Mudane Rine codsigaygu waxa weeyaan oo waliba aan xaq weyn ugu leeyahay anigu maanta maaddaama aan ahay marna xisbiga SDP marna ahay wakiilka Somaliland ee Finland, waa inaad markaad bishan May 31 aad ku dhawaaqdo Xukuumadda cusub ee aad dhisays nagala shaqayso sidii Somaliland ay Xukuumaddaadu o aqoonsan lahayd inshaa Allah.  wuxuu iigu jawaabay Ra’iisal-wasaaruhu isaga o faraxsan oo waliba si xushmad iyo qadarin leh u hadlaya; ‘Waayahay Saamiya..’ Waxaanu Somaliland ku hambalyeey 18-ka May. Arrintaas oo runtii qalbigayga farxad iyo kalsooni weyn I gelisay.

 

Waxaan waliba ku kalsoonahay wada shaqyenta xukuumadda cusub ee Finland iyo Somaliland. Waxaanan leeyahay samara sadkiisa hela Somaliland. Waxaanan leenahay dhamaan xukuumadda iyo shacabka Somaliland Hambalyo 18 May iyo Guul iyo Gobonimo dhamaan.”