Somalilandpost | News and Analysis

Qorshaha Dhabta ah ee ka Dambeeya Mashruuc Safaaradda Jabuuti ku diiwaangelinayso Dadka Hawl-gabka ah ee ku nool Somaliland

Hargeysa/Djibouti (SLpost)- Baadhis ay samaysay Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa daboolka ka qaadday ujeeddada dhabta ah qorshe qarsoodi ah oo dowladda Jabuuti ka leedahay mashruuc lagu tira-koobayo muwaadiniinteeda lacagaha hawl-gabka ah ka qaata ee ku dhaqan dalka, kaas oo dhawaan laga bilaabay magaalada Hargeysa.

XUSEEN KAWAALIYEMashruucan oo hirgelintiisa uu hormood ka yahay safiirka Jabuuti u fadhiya Hargeysa, Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa xambaarsan qorshe markii u horeysay lagu diiwaangelinayo muwaadiniintooda ku nool Somaliland iyo kuwa ku dhaqan meelaha ka baxsan dalka Jabuuti, gaar ahaan kuwooda qaata lacagaha hawl-gabka ah.

Safaaradda Jabuuti ee Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socda Xafiiska qaabilsan Shaqaalaha iyo Dadka Hawl-gabka ah, ayaa dhawaan bilaabay barnaamij wacyi-gelin ah oo qaybo ka mid ah warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka loo mariyey muwadiniinta reer Jabuuti ee ku nool Somaliland, gaar ahaan kuwooda hawl-gabka ah.

Mashruucan ayaa sida ku xusan qoraal wargelin ah oo Safaaradda Jabuuti u kala dirtay warbaahinta Hargeysa qaarkood, waxa ujeeddadiisa lagu sifeeyey inuu dadkaas u fududaynayo helitaanka mushaharkooda iyadoo loogu keenayo meesha uu ku nool yahay, halka markii hore ay dadkaasi helitaanka lacagahooda ugu safri jireen dalka Jabuuti.

Masuuliyiinta safaaradda Jabuuti ee magaalada Hargeysa si cad ugama hadal sababaha dhabta ah ee xilligan ku soo beegtay hirgelinta mashruucan, isla markaana Qoraalka wargelinta ah ee warbaahinta laga faafiyey laguma xusin. Haseyeeshee sarkaal ka tirsan dowladda Jabuuti oo ka tirsan hay’ad maamul ahaan hoostagto Wasaaradda Shaqada iyo Qoyska ee Dowladda Jabuuti, ayaa sheegay in hindisaha qorshahan uu iska leeyahay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle oo sida uu sheegay ka war-helay dhibatooyin iyo caddibaad ay dadku kala kulmaan helitaanka lacagahooda hawl-gabka ah.

“Waxa jira dad waayeel ah oo safar dheer soo mara, gaadhi ama tareen ha soo raacaane, dhibaatooyinna way kala kulmaan intay jidka ku soo jiraan maadaama oo ay waayeel yihiin. Markaa iyadoo arrintaas tixgelinaysa dowladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxa la go’aansaday sidii dadkaas dhibaatada looga dul-qaadi lahaa, looguna fududayn lahaa, halka ay ku nool yihiinna lacagta loogu geyn lahaa, iyadoo loogu soo shubayo xawaaladaha ama bangiyada,” Sidaas waxa yidhi Sarkaal ka tirsan hay’adda mashruucan hirgelinaysa oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Waxa kale oo uu intaas ku daray, “Meelaha ugu badan ee laga fulinayo diiwaangelintan oo dadka hawl-gabka ahi ku nool yihiin waxa ugu badan magaalooyinka Hargeysa iyo Diridhaba. Sidoo kale waxa laga samaynayaa dalalka adduunka oo dhan.”

“Dhibaatooyinka uu mashruucani fududaynayo kuma koobna oo kaliya dadka lacagta qaadanaya ee waxay culays wayn ku haysaa bangiga iyo hay’adaha ku shaqada leh. Waayo qofku intuu iska maqnaado oo mushaharkiisa is-gaadhsiiyo ayuu soo doonanayaa hal mar lama laba jeer sannadkii, taasina dhib kale ayay keentay,” Sidaas ayuu yidhi sarkaalkan oo isagoo ku sugan magaalada Hargeysa la hadlay wariye ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka oo arrintan wax ka weydiiyey.

In kasta oo sidaas lagu sheegay ujeeddada mashruucan, haddana waxa jira qorshe qarshoon oo ay damacsan tahay dowladda Jabuuti kaas oo meel-ka-dhac iyo dulmi ku ah Xuquuqda muwaadiniinteeda hawl-gabka. Sida ka soo baxday baadhis iyo daba-gal ay samaysay warbaahinta ee Somaliland oo arrintan daba-gal ku samaysay, qorshahan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dowladda dalkaasi ku yaranayso kharashaadka kaga baxa dadka hawl-gabka ah, gaar ahaan kuwa nool meelaha ka baxsan gudaha dalka Jabuuti.

Xogta ay xambaarsan tahay baadhitaanka ay warbaahintu samaysay oo laga helay ilo-wareedyo isugu jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti iyo qaar ka mid ah dadka Hawl-gabka ah ee arrintani saamaynayso, waxa lagu sheegay in qorshaha ugu weyn ee dowladda Jabuuti ka duullayso yahay qorshe dib loogu habaynayo dhaqaalaha dalkaas isla markaana lagu yaraynayo kharashaadka ka baxa dowladda.

“Dadka la tirakoobayaa waxay ku nool yihiin meel ka baxsan Jabuuti, lacagtana waxay la tagaan meeshay ku nool yihiin. Markaa lacagtoodii waxay noqonaysaa dhaqaale dibadda uga baxday, dhaawacna ku keenaysa Jabuuti. Sidaas awgeed, waxa la doonayaa in la soo koobo dadka hawl-gabka ah ee lacagaha la siiyo oo meesha laga saaro kuwa ku dhaqan dalka dibaddiisa,” sidaas waxa yidhi sarkaal codsaday inaan magaciisa la xusin oo warbaahintu wax ka weydiisay arrintan.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa la doonayaa in dadkaas la siiyo wixii xuquuq ah ee ay leeyihiin, halkaas lagu soo afjaro lacagta ay bil walba qaataan. Arrintaas waxaan u malaynayaa inay tahay mid qayb ka ah qorshe dhawaan ay isla qaateen haya’daha miisaaniyadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waana mid dhaqaalaha lagu xoojinayo,” ayuu yidhi sarkaalkani.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka lacagaha hawl-gabka ah ka qaata Dowladda Jabuuti oo wax laga weydiiyey jiritaanka qorshahan, ayaa iftiimiyey suurta-galnimada qorshahan iyagoo sheegay in inkastoo aanay maqal haddana ay suurtagal tahay, waxaanay walaac ka muujiyeen sii socoshada xuquuqaha muwaadinimo ee ay leeyihiin.

Sidoo kale, intii lagu gudo-jiray baadhista arrintan, suxufiyiinta isu-xil-qaamay wax ka ogaanshiyaha qorshaha qarsoon ee dowladda Jabuuti, waxa ay xidhiidh la sameeyeen masuulka ugu sarreeya wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas u qaabilsan Somaliland oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa. Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Hargeysa Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye oo wax laga weydiiyey faahfaahinta ujeeddada mashruucan iyo qorshaha qarsoon ee la sheegay in dowladda dalkaasi ka leedahay, waxa uu gebi ahaanba diiday inuu la hadlo suxufiyiinta ka dalbaday xog-waraysiga.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan oo hirgelintiisa uu hormood ka yahay Safiirka Jabuuti Xuseen Cumar Kawaaliye, waxa ay meel-ka-dhac iyo dulmi ku tahay xuquuqda ay leeyihiin muwaadiniin badan oo Reer Jabuuti ah oo ku nool lacagaha hawl-gabka ah ee ay dowladdoodu siiyo maadaama ay ahaan jireen shaqaale dowladood, iyadoo qaarkood qaybo laxaad leh ka soo qaateen halgankii xoreynta iyo guumaysi-diidka ee sababay barwaaqada iyo nolosha ay maanta ku nool yihiin shacabka Jabuuti.

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE