Somalilandpost | News and Analysis

Qiso iga ilmaysiisay! – W/Q: Akram Cabdalla

akramSamiir 19 jir ayuu ahaa markuu ka tahriibay wadankiisa, oo uu kaga tagay hooyadii aamina iyo gabadh isaga la dhalatay oo lagu magacaabo xamda, waxay ahaayeen qoys danyar ah, labada ubad ah markuu aabohood geeryooday waxa dhexda u xidhatay hooyo aamina, duruuf adag oo ay lasoo martay hooyadu hadana waxay ku guulaysatay inay ubadkeeda la tartansiiso dhiggooga ama facooga.

Samiir wuxu ku suganyahay wadan ka mid ah qaarada yurub, 9 sannadood ayaa kasoo wareegay maalintii uu sida qarsoodiga ah kaga baxay wadankiisa, samiir wuxu cagta saaray dariiq xun, wuxu ka shaqeeyaa goob daroogada iyo khamriga lagu iibiyo, waa (clup) ay ku tuntaan dadka magaaladaa dagani, samiir shaqadiisan wuu ku faraxsanyahay wuxuna u arkaa inuu ka raystay noloshii qoxoontiga iyo tii uu kaga yimid wadankiisa, wuxu weheshadaa asxaab uu kula bahoobay goobtan fusuqa iyo macsidu ka dhacdo, oo isaga laftiisu wuu ku dhex milmay dhaqanka meeshaa ka jira.

Labadii sanno ee u horeeyey oo uu kaamka qoxoontiga ku jiray way iska warhayeen isaga iyo hooyo aamina, balse xidhiidhkaasi wuxu go’ay maalintii uu raacay dhalinta dhaqan xumada ku caan baxday, wuxu u muuqdaa qof aan ehel iyo cid toona lahayn, xusuustiisaba kuma jirto waalid iyo walaal toona, sababtoo ah qalbigaa dhagaxoobay oo wakhtigiisuba waa mar uu sikhraansanyahay iyo mar uu la tumanayo dad aan diin iyo dhaqan toona lahayn.

Goor subax ah ayey ahayd markii uu telefoonku huradada ka kiciyey samiir, isagoo aad u karahsanaya, islamarkaa u malaynaya in ay soo weceen qoladii uu u shaqayn jiray ayuu qabtay telkii !
“Salaamu calaykum”
“Wacalaykuma salaam”
“Walaal ma samiirbaa?”
“Haa, ee waa kuma”
“Waa saaxiibkaa cumar”
“Cumarkee?”
“Waa ninkii aad soo wada tahriibteen”
Samiir wuuba ka diiqadooday lahadalka qof ay bari fog magaalo wada joogeen, isagoo hadalka u soo gaabinaya wuxu yidhi:
“Maxaan kuu qabtaa?”
Cumar oo dareensan inuu samiir isdiidsiinayo garashadiisa aadna ula yaaban ayaa yidhi:
“Waxba aniga ha ii qabane waxaan kuu hayaa fariimo dhawr sanadood igu soo dhacayey oo ka socda hooyadaa”
Samiir waxa hoos jiifta gabadh ay ku saaxiibeen dhaqanka reer galbeedka, way ka hoos hadlaysaa iyadoo leh:
“Xabiibi xalay oo dhan ayeynu soo jeednee telka inaga jar”
Samiir isaga oo aan wax wayn u arag hadalqaadka hooyadii ayuu yidhi:
“Markaan haleelo ayaan fariimaha kaasoo doonan”
“Intaanad fariimaha igasoo doonan lambarkan qoro oo hooyadaa aadbay kuu rabtaaye la hadal”
“Waan hurdaaye waa inoo mar kale” 
Qab, telkiiba wuu jaray.
Samiir mudo dheer ayaa la raadinayey, qofka samri wayday ee habeen iyo maalin baadi doonkiisa ku jirtay waa hooyo aamina, oo baadidoon dheer kadib loo sheegay inuu ku suganyahay wadankaas.

Xamda oo dhankeega ka raadinaysa walaalkeed, waxay soo heshay meel lagala xidhiidho cumar oo ahaa wiilka kaliya ee og halkuu samiir joogo, cumar wuxu xamda u sheegay telka samiir, judhiiba way wacday iyadoo ku faraxsan helitaanka walaalkeed, waa goor casar gaab ah !
“Walaal samiir walaal samiir”
“Hee, ma xamdaa?”
“Haa samiir waa walaashaa”
Markiiba xamdi waxay samiir u qadintay hadal canaan iyo calaacal iskugu jira, iyadoo u faahfaahinaysa dhibka kasoo maray raadintiisa, xamdi farxadbay la ilmaynaysaa oo hadalkuba dirqibuu kaga soo baxayaa !
“Walaakay samiirow maxaa ku helay toddoba sanadood war kaamaanu helin, walaal ii jawaab miyaanad i maqlayn?”
Nasiib darro Samiir wuu sikhraansanyahay, jawaabtiisu waxay ahayd:
“Naa yaa awood kuu siiyey inaad i canaanato? Waa bilaa samiire, samiir wuu dhintaye na dhaaf” telkiina wuu jaray, xamdi hadalkiisa ayey ka dareentay inaanuu caadi ahayn, islamarkaa waxay wacday cumar iyadoo codsi naxariis leh kaga dalbatay inuu cumar u tago samiir, si mar kaliya hooyo aamina u maqasho codka wiilkeeda.

Cumar oo u adkaysan waayey xaaladda taagan ayaa si dagdaga safar ugu baxay si uu ula kulmo samiir, wuxuu raadiyaba waxa loogu tilmaamay mukhbaarad xumaan oo dhan koobsatay, wuxu ugu galay meel baas oo ay ka buuxaan dad dadnimadii ka tagay oo nolol waalan ku jira, markiiba wuxu isha ku dhuftay samiir oo kursi ku fadhiya oo dhabta ku haysta naag kamid ah dadkaa dulaysan, Wuu soo dul istaagay isagoo u qaadan la’ xaaladda noocan ah!
“Waar samiir iska waran waa cumare”
Samiir kor ayuu usoo fiiriyey, marku hubsaday in ninkani cumar yahay ayuu yidhi
“Haa ma cumarbaa soo dhawoow saaxiib oo kursigan ku fadhiiso”
Cumar markuu fadhiistay wuxu samiir ku war galiyey inuu si gaar ah u rabo, isagoo doonaya in naagtan qalaad ka dhex baxdo, hayeeshee samiir isagoo aad moodo inuu ku faanayo naagtan cadaanka ah ee dhabtiisa ku fadhida ayuu yidhi:
“Aan ku baro saaxiibaday rosi, cabitaan nooceebaan kuu dalbaa?”
“May cabitaan ma rabo ee adaan dan kuu leeyahay ee fadlan dibada aynu u baxno”
Way bexeen, cabaar markay is waraysteen ayuu cumar su’aal waydiiyey samiir !
“Samiir hooyadaa goormaa kuugu dambaysay?”
Intu yara aamusay oo uu foorarsaday ayuu yidhi:
“Maalin dhaweyd ayey tii aanu walaalaha ahayn isoo wacday” cumar markuu arkay inuu dhibsanayo waydiimahan ayuu ku celiyey “saaxiib hooyadaa ayaan ku waydiiyey?”
Samiir intu giir iska kiciyey ayuu yidhi:
“Ma rabash baad ila soo doonatay? Maxaase kaa galay hooyaday?”
Cumar oo aad uga yaaban hadalada qalafsan ee samiir kasoo baxaya, ayaa su’aal kale waydiiyey:
“Samiir miyaan lagu waydiin karin xaalada hooyadaa?”
“Maxaad iga waydiin xaaladeeda iyo warkeegaba bari fogbaa iigu dambaysee”
“samiirow ma ii sheegi kartaa sababta hooyadaa idin kala fogaysay?”
Samiir isagoo dhibsanaya su’aalahan, wuxu yidhi:
“Cumarow inaad arrin muhiim ah iigu timidbaan ku moodayee anigu maanta ehel iyo hooyo midna wax kama rabo, ee nolol macaan oo raaxo leh ayaan ku jiraa, dadkan aad i waydiinayso xusuustayda way ka bexeen, oo rafaadkii iyo noloshii adkayd waan ka gudbay, hooyo iyo arimaheega haygu wareerine ma muraad kale ayaad leedahay?”
“Maya ee muraad kale maan lahayn ee hooyadaa ayaa isoo dirtay, si ay codkaaga u maqasho”
” oo hooyaday maxay codkayga ku falaysaa? Ma maantay isoo xasuusatay? Kolayba soo lacag ima waydiinayso?”
Cumar isagoo su’aalahaa ka cadhaysan ayuu yidhi:
“Waar hooyadaa sariirbay saarantahay oo geeribay qarka u saarantahay xanuunka hayaana waa adiga” 
“Yaa! Ma anigaa?”
“Haa adiga”
Samiir marku intaa maqlay wuu aamusay, isla markiiba cumar telefonkii ayuu jeebka kala soo baxay wuxuuna dagdag u wacay xamda oo dul fadhida hooyadeed, xamda oo telka gaadh ka haysa ayaa dagdag u qabatay, wuxuna yidhi:
“Walaal xamdaay hooyadaa u dhiib telefonka, hala hadasho samiire”
Way u dhiibtay, cumarna telkii wuxu u dhiibay samiir, inankii samiir dhagta ayuu saaray telefonka, hooyo aamina oo hadalkuba dirqi ku yahay ayaa hadashay, waxayna ku bilowday sidan:
“Hello hooyo ma samiirbaa?”
“Haa waa samiir”
“Curradkii ALLE isiiyoow hooyo ma ii nooshahay?” Hooyo samiir ma ii caafimaad qabtaa?
Samiir marku maqlay codka tacbaanka ah iyo hadalka naxariista leh ee kasoo yeedhaya hooyadii, ayuu si argagax leh u qalbiga uga damqaday, isagoo leh:
“Hooyo haa hooyo”
Hooyo aamina markay maqashay codka wiilkay daraadii sariirta u saarantahay, waa cod aanay dhageheegu maqal mudo 7 sanadoode qalbigaa u qaboobay, waxayna tidhi:
“Hooyo wiilkaygoow waxa farxad iigu filan caafimaad qabkaaga iyo noloshaada, hooyo hadaad i hilmaanto iyo hadii kalaba, anigu ku hilmaami maayo intay naftu igu jirto, hooyo anaa ku dhalay oo hooyadaa ah, si walbana anaa kugu jecel”
Hooyo aamina farxadbay indheheega ilmadu uga qubanaysaa, xamdi markay aragtay hooyadeed oo farxad la ilmaynaysa ayey oohin qabsatay, hooyo aamina markay intaa tidhi ayuu khadku go’ay, maamo aamina way miir doorsoontay oo dib ayey sariirta ugu dhacday.

Samiir naxdin iyo argagax ayaa qalbigiisa ku abuurmay, khadkii oo mar hore go’ay ayuu sii qaylinayaa isagoo ku dhawaaqaya “HOOYO HOOYO HOOYO”
Cumar intuu telkii xoog uga dhuftay, ayuu ku yidhi hoo warqadan akhriso hooyadaa ayaa kuu soo dirtaye, waanuu ka dhaqaaqay isagoo halkii taagan, samiir isagoo naxdin la anfariirsan ayuu qol isku soo xidhay, si uu u akhriyo warqadan, waxana ku qornayd sidan:

Samiirow hooyo habeen saqbadh ah ayey i qabatay fooshu markaad dhalanaysay, ILAAHAY mooyee cid iyo ciirsi maan haysan, wadankana dagaalbaa ka socday oo dadku way qaxeen, balse anigu awood iyo itaal aan ku dhaqaaqo maan haysan, xanuunkii foosha ayaa igu sii batay, waxaan u baxay dibadda roob ayaa da’aya, ismaan ogayn goor layga soo qaaday shaaraca iyo goor layga umuliyey ee waxaan miirsaday markaad ifka usoo baxday, waagii markuu baryey intaan maradayda kugu duubay ayaan u dhaqaaqay halkii dadku u yaacayeen, tamar la’aan iyo dhiig la’aan baan la socon kari waayey oo waxa isoo gaadhay cadawgii dadka laynayey, markay i jiidanayeen waxaan ku dhawaaqayey ala wiilka hayga dilina, 2 habeen anoon waxba cunin oo cunuhu haraad ila engegay ayaa la isii daayey.

Yaraantaadii bukaan ayaad ahayd oo habeen kaliya si fiican umaan seexan labadii sanno ee aad xooga u xanuusatay, 6 jir ayaad ahayd markii la iisoo sheegay dhimashada aabahaa, islamarkaa xamdina hal sanno ayey jirtay, markii aabahaa geeryooday maan haysan cid i caawisa ALLE mooyaane, xaalad duruufeed oo xanuun badan baa isoo waajahday, anoo gabadh yar ah ayey dadku ii malayn jireen islaan wayn, oo waxa badalmay gabi ahaan jidhkayga, inaan naftayda daryeelo waxa iigu dambaysay intaanad dhalan.

Samiir oo warqadan akhriyaya waxa isbadalay dareenkiisa, qalbiga oo dhaqaaqay dartii ayey indhihiisu la ilmaynayaan, isagoon dhamayn ayuu kor u kacay hadana dib ayuu u fadhiistay, akhriskii warqada ayuu sii wadaa:
Hooyo samiirow inkastoon dhibaato iyo silic kula soo maray, hadana farxad baan dareemay markaan ku geeyey iskuulka waxbarashada, habeen kaliya maad gaajoon ee intaan waxaan soo helo idin siiyo adiga iyo xamda ayaan anoo qatan idin seexin jiray, hebeen walba in ka badan tobon jeer ayaan toosi jiray si aan xaaladiina ula socdo, ugu dambayn waad kortay oo nin gaashaan qaad ah ayaad noqotay, maalin madow ayey ii ahayd markii la ii sheegay inaad tahriib u baxday, aduun igumaad ogayn ee waxaad i badday inaan dawarsado dadka, xamda mooyaane ILAAHAY ayaa i ogaa wixii i gaadhay habeenkaad doonta fuushay ee aad badda ka talaabaysay, ilayn waxaan ku talo jiray inaad aqoontaada iyo muruqaaga maali doontee marnaba ismaan lahayn wiilkaagu tahriib halaag ah ayuu ku dhaqaaqi doonaa, naxdintii aan qaaday maalintaa xanuunkeegu igamuu hadhin.

Samiir markuu inyar akhriyo warqada ilmada ayuu iska tirayaa, wadnuhuna aad ayuu u garaacmayaa.

Hooyo aamina habeenkay wax ku dheceen waxay ahayd habeen war dhiilo leh loo sheegay, waa markii uu tahriibka ku jiray inankeedu, oo lagu yidhi doontii inankaagu saarnaa way dagtay, naxdin ayey dhaqaaqday, isma oga oo way ordaysaa hayeeshee shil ayey gashay oo baabuur ayaa jiidhay, way suuxday dhaawac culusina wuu soo gaadhay, markay koomada kasoo baxdayna waxay ku dhawaaqaysay hoogay oo hoogaye wiilkaygii ma sidaasan ku waayey, kadib markii loo sheegay in wiilkeegu noolyahay, waxay go’aan ku gaadhay in aanuu wiilkeegu ogaan shilka ku dhacay, waayo waxayba ka ilaalinaysey inuu naxdin dareemo.

Hooyo samiirow todobada sanadood ee aan ku waayey, gabalkii dhacaaba wuxu ii ahaa gabal baas, werwer iyo walaacbaan hadalkiiba uga soomay, xusuustaadu ilbidhiqsi walba way i hor taagnayd, farxadu bari hore ayey iga guurtay, hooyo manaan waalan manaan miyir qabin, hurdana hadalkeeda daa, hayeeshee wixii aniga igu dhacayaaba haygu dhacaane wiilkaygow ku habaari maayee sidaan kuugu ducayn jiray ayuumbaan kuugu ducayn.

Samiir warqadii wuu wada akhriyey, markiiba wuxu telka ka wacay xamda, balse lagama qaban, hadana cumarbuu wacay kamuu qaban waayo waa saqbadh habeenimo, isagoo sugaya in waagu baryo oo dadku toosaan ayey fariin usoo dhacday, waxayna ahayd, samiir hooyadaa ALLE ha u naxariisto.

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE