Qisaastu waa sharci allah jideeyay oo ay Somaliland ku guulaysatay fulintiisa

Qisaas, oo ah erey asala ahaan carabi ah oo micnahiisu yahay in qofka danbiilaha ah laga gooyo danbiga uu galya mid la mid ah hadii uu dil yahay in isna la dilo hadii dhaawac yahay in isna sidoo kale la dhaawaco hadii ruux uu dhag ka jaray in isna dhag laga jaro ayaa ah sharci allah-swuu u dejiyay aadamaha si ay ugu wada noolaadaan sinaan iyo nabad galyo.

Fulinta xukunka allah-swjideeyay ayaa ah mid laga dhaxlaayo raali ahaanshaha allah iyo naxariistiisa faraha badan ee aadamahu u qabo baahida balaadhan eenu ka maarmi Karin, sida uu allah-swquraanka ku sheegay in qisaasta ay ugu sugantahay aadamaha nolol raaxo badan.

Nabi muxammed-NNKH- ayaa ahaa hogaamiyihii dhabta ahaa iyo macalinkii bulshadan nool qarniyadan danbe, islamarkaas an ruuxa ugu khayrka badan aadamaha dhamaantii intuu allah abuuray, intii nabigu-nnkhuu noolaa ayaa waxa bulshada wada gaadhay cadaalad iyo nabad galyo balaadhan oo laga wada dareemay dhamaan daafaha dunida, nabiga-nnkhayaa ahaa mid fulin jiray amarada allah-swsida loogu waajibyeelay aan marnaba ka gaabin jirin.

Ruux kaste oo nabiga dabadii nool oo aan gafayn ma jiro lkn caano daatay dabadood la qabay, xukunkii dilalka ahaa ee lagu riday dadkii danbiilayaasha ahaa ee gaystay falalka arxan darada ah ee dilalka ahaa ayaa noqday mid maanta lagu fuliyay lix ka mid ah danbiilayaashaas oo lagu dilay degmada mandheera .

Somaliland oo mudo dheer ka dib ku dhiiratay inay fuliso xukun allah-swamray in la fuliyo una samaysay sidii loo baahnaa ayaa ah mid u baahan amaan iyo bogaadin ay xaq u leedahay dawlada fulisay xukunka allah-swjideeyay.

Maanta oo ay bishu tahay 14/04/2015, waxa si balaadhan looga dareemayaa dhamaan dhulka Somaliland gaar ahaan goobtan aan haatan ku suganahay ee hargeysa qabow, naxariis, degenaansho, iyo waliba farxad ay ku naaloonayaan dadka ku dhaqan dalkan.

Waxaan saaka subaxii ku waa bariistay cir ku shaqlan kuna hadoodilan caad iyo daruuro ay indhuhu u basaaseen aragooda iyadoo jimcihii u danbeeyay laga aqriyay ducada roob doonta inta badan masaajida dalka, tan ayaa ku tusaysa in allah-swloosoo noqdo ay ku jirto danbi dhaaf naxariiska in allah-swrisiq qaboow oo degan ugu deeqo bulshada kuna galado nabd galyo iyo degenaansho.

Somaliland amaan iyo sharaf ayay kuu tahay fulinta xukumada allah-swjideeyay, waxa ku yaraan doona dilal danbe oo dhaca, waxa ku waantoobi doona daalinkii ku dhiiran jiray dilka, waxa badbaadi doona madluumkii la dulmiyi jiray loogu hanjabi jiray waan ku dili, waxaa waara doona amaanka aynu ku faano kuna dhisanahay ee aan qayrkeen haysan, waan leeyahay talaabo fiican ayaad qaadeen anan garabkiina ayaanu taaganahay hayaanka halkaa kasii wada harumarkiinuna ma hungoobo mana hantaaqdo.

Qalikii: Hassan Ahmed
xasan10001@gmail.com