Premier Bank oo soo gebo-gebeeyey Mashruuc Dhalinyarada Fekerkooda & Maskaxdooda lagu Dhuuqay iyo Qaabka loo maamulay

Hargeysa (SLpost)- Baanka Premier Bank oo ka mid ah Bangiyada Madaxa-bannaan ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa caawa soo geba-gebeeyay mawduuc loo bixiyay ‘Hal-abuurka Ganacsiga ee Ardayda Jaamacaddaha Somaliland’, kaasoo ay ka qaybgaleen Tobanaan dhalinyaro ah oo danaynayey barnaamijkaa.

In ka badan 40 dhalinyarada Jaamacddaha dalka waxa ka qaybgalay tartankaa oo lagu bixinayay maalgelin dhan $ 10,000 (Toban kun oo dollar), lacagtaa oo ay sheegeen in la siinayo qofka ku guulaysta fekreda ganacsi ee ay ku qancaan dadka barnaamijkan daadihinayay.

 

 

Barnaamijkan, ayaa u muuqday mid feker ahaan aad loo soo dhoweeyay, balse waxa markiiba ka dhashay doodo iyo su’aalo la xidhiidha sababta intaas oo dhalinyaro ah oo dabacan shaqo la’aanta ka taagan dalka iyo duruufaha dhaqaale loogaga faa’idaysanayo fekerkooda iyo maskaxahooda ee loo soo dhexdhigay dhalinyarada intaa leeg qadar lacag ah oo aan ka badnayn toban kun oo dollar.

Waxayna dadka inta badan la socday barnaamijka ee dusha kala socday is weydiinayeen sababta marka horeba si furan loogu shaacin waayay tartanka Barnaamijka iyo shuruudaha lagu soo xulayay ka qaybgalayaasha oo aan cidna ka war qabin.

 

Sidoo kale waxa shaki iyo dareen dhalisay mudadii socday Barnaamijku oo ahayd xogtiisa looga dhigay mid qarsoodi ah oo aan daah-furnayn maadaama ay tahay tartan iyo sababta warbaahinta looga mamnucay, taas oo abuurtay shaki iyo dareen kale oo ay ka qabeen ka qaybgalayaasha iyo dad ka indhah ku hayay ku dhowaad saddex todobaad oo uu socday.

Arrimaha kale ee lays weydiiyay, ayaa ahaa sababta ay uga badatay kharashka ku baxay qadarka lacagta yar ee la siinayo qofka guulaystay.

 

Labada dhalinyarada ah ee ku guulaystay maalgelinta $ 10,000 dollar,ayaa wadaagaya mashruuca maalgelinta qadarkaa lacageed, taas oo saluug weyn laga muujiyay markii lasoo gebagebeeyay munaasibada tartankaa oo caawa xaflad loogu qabtay magaalada hargeysa, balse waxa intii munaasibada lagu jiray soo baxday in barnaamijkan kusoo gebageboobay tuhun iyo wax isdaba marin in ay jiraan, iyadoo masraxa laga soo hadal qaaday in guulaystayaasha ay ka mid tahay gabadh, balse lama xaadirin magaca gabadhaa.

LA SOCO Qormo taxane ah oo xambaarsan Baadhitaano la xidhiidha Barmaamijkaa oo u muuqday mid dhalinyarada shaqo la’aanta iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta looga faa;idaystay maskaxahooda iyo ujeedad ka danbaysa xogo dheeraad ah iyo baadhitaano la sameeyay oo wax badan daaha ka faydaya.