Natiijooyinka Kulamadii Xiisaha lahaa ee qaar ka mid ah Garoomada Hargeysa

Tartan aad u xiis badan  oo lagu xusayay bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa shalay ka dhacday garoonka 31- May ee magaalada Hargeysa.

 Ciyaartan oo dhex-martay labada kooxood ee kala ah Alpha University iyo Horn University, ciyaartaas oo ay dawaashadeeda ka soo qaybgalay dadweyne tiro-badan, waxaanay ku bilaabantay dardargelin  ay labada kooxoodba garoonka la soo galeen oo ay mid waliba ku  dedaalaysay inay ta kale kaga hormarto dhanka goolasha.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda Horn University la timi  gool aad u qurux badan oo saxeexay laacibka Iid -yare.Ciyaartaasina  waxa qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminayso  kooxda  Horn University.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo noqday oo ay koox waliba tababaraheeda la soo tashatay ayaa koox waliba awoodeed ciyaareed ay muujisay, iyada oo dadweynihii ciyaarta ka soo qaybgalay ay aad u sii jeclaysteen daawashadeed. Ciyaartaasina waxay guud ahaanba ku soo gebogabowday 4-0 ay guushu ku raacday kooxda HornUniversity.

Dhanka kale, waxay ciyaar aad u xiis badani ku dhexmartay kooxoodaha SMG iyo Goud Motors. Labada kooxood oo soo bandhigay ciyaar ay xamaasadi  ku dheehantahay, ayaa waxa ka soo qaybgalay ciyaartaas dawashadeeda dadweyna aad u fara-badan oo dawanaayey ciyaartaas oo aad ugu bogay ciyaarta. Labada kooxoodba waxay  soo bandhigeen ciyaar aad u hufan  oo ah weerar iyo weerar celis . Ciyaartaasina waxay ku soo gebogabowday guud ahaanba 4-2 ay guushu ku raacda kooxda SMG