Natiijada Kulan dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiyeyaasha WADDANI iyo UCID

Hargeysa (SLpost)-Shir ballaadhan oo ay wada yeesheen xukuumadda Somaliland iyo axsaabta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la iskula gartay in wada-jir iyo iskuduubni looga wada shaqeeyo sidii meesha looga saari  lahaa hubsiimo la’aanta ka jirta inay doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoomaan waqtigii loo asteeyey, iyaga oo sidoo kalena isla gartay in xukuumadda iyo axsaabta qaranku talo ay  u wada dhan yihiin ka yeeshaan arrimaha kale ee mandaqadda iyo dalkaba kusoo kordhay.

1Shirkan oo uu guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), saraakiisha ugu sarraysa xisbiga talada KULMIYE iyo xubno wasiirr ah, ayaa sidoo kale lagu cambaareeyey gardarrada iyo daan-daansiga ay dawladda Soomaaliya ka waddo xuduudaha gobolka Sanaag, waxana ay caddeeyeen inay qaran ahaan isku-duubni ku difaacayaan dalka Somaliland.

8B7A0021Ugu horrayn guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe,  ka hadlay hadhimo-sharafeed shirkaas kaddib uu madaxweyne Muuse Biixi u sameeyey hogggaanka axsaabta qaranka, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay leedahay inay bulshada reer Somaliland isku duubni iyo wada-tashi kaga gudubto wax kasta oo ka hor yimaadda, waxana uu hoosta ka xarriiqay in caqabad kasta oo timaadda wada jir lagaga bixi karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Dalkeenna wada-jir baynnu ku dhisnay, waxana aan aaminsanahay inaynu ka gudbi karno wax kasta oo inaga hor yimaadda, si aynu wada-jirkaas ugu guulaysannona waxa uu xilku saaran yahay  kolba qofka hoggaanka haya, inagana waxa uu xil inaga saaran yahay inaynu gacan ku siinno, xalkeedana waa la helayaa, haddii dadku isku tashado oo gacmaha is qabsado oo uu is aaminona wax waliba way fududaanayaan.”

IMG_0435Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shaaciyey in hoggaanka axsaabta qaranka iyo madaxweynuhu isla garteen inay wada-jir iyo wada-tashi ku wajahanaan dhammaystirka qabyo kasta oo ku jirta qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo dawladaha hoose oo horraanta sanadka soo socda ee 2019-ka dalka ka qorshaysan, isla markaan talo loo wada dhan yahay lagu wajaho arrimaha mandaqadda iyo dalkaba kasoo kordha.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna hadallo uu ku faahfaahinayo maxsuulka kulankaas jeediyey, ayaa caddeeyey in xisbiyada qaranka guddiyo u saari doonaan  arrinta la xidhiidha doorashooyinka wakiillada iyo dawladaha hoose, isla markaana ay madaxweynaha iyo hoggaanka axsaabtu yeelan doonaan kulamo ay arrimaha muhiimka ah kaga tashan doonaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Sidii Somaliland dhaqanka u ahayd ee mar walba oo arrini soo korodhaba lagaga gudbi jirey wada-tashi 27-sano ee Somaliland jirtey waxa la isla gartay in dib loo hawlgeliyo saddexdii guddi ee saddexda xisbi qaran ka kala socday oo dib u bilaabi doona inay ka wada-hadlaan wixii caqabado ah ee ku gedaaman doorashooyinka dawladaha Hoose iyo golaha wakiillada, qodobka kale ee arrimaha siyaasadda dalka iyo kuwa mandaqadda kusoo kordhayna waxa uu Axadda soo socota u ballamay madaxweynaha iyo labada guddoomiye xisbi, si loo lafo-guro.”

IMG_0431Dhinaca kale waxa kulankan lagu cambaareeyey socdaal daandaansi ah oo uu madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku tegay gobolka Badhan, waxana madaxda xukuumadda iyo axsaabta qaranka metelaysay ay si wada jir ah u sheegeen inay isku meel uga soo wada jeedaan difaaca qaranka, “Haddaannu Somaliland nahay far qudha ayaannu nahay, militeri  ahaan iyo siyaasad ahaanna waannu difaaci karnaa dalkeenna,Badhinina guuri mayso, dawladdana waannu ku garab taaganahay wixii dan guud ah iyo difaaca qarankaba oo waa loo siman yahay,” sidaa waxa warbaahinta u sheegay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa isaguna dhinaciisa  shaaciyey inay qaranka Somaliland ka siman yahay difaaca dalkiisa mucaarid iyo muxaafidba, waxana uu yidhi,“Imaatinka madaxweynaha Puntland ee Badhani waxa ay muujinaysaa Daan-daansi, in iyada oo markii horeba laga wada-hadlayey in la nabadeeyo Tuka-rag in doc kale uu muran ka bilaabmaa waa daan-daansi, nabadduna cid walba waa dan, cid kasta oo abuuraysa xaalad ammaan-darro waxanu u sheegaynaa in qaranka waajibkiisu yahay inuu iska difaaco wixii gardarro ah.”

IMG_0431Ugu dambayntii madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay inay xukuumad ahaan ay waajibkeeda ka gudan doontaan gardarrada maamulka Muqdisho ka wado xuduudaha Bari ee dalka oo uu ku sifeeyey qaar looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo nabadda iyo deggenaanshaha ka hanaqaaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland, “Waxannu halkan ka cambaaraynaynaa madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo kusoo xad-gudbay xuduudda Somaliland, gaar ahaan gobolka Badhan, waxana aannu arrintaas u aragnaa xad-gudub qaran, iyada oo caalamku la socdo dhibaatada maanta Tuka-raq ka taagani ay ka timi gardarradii hore ee dawladda Soomaaliya wasiirkeeda qorshayntu ku yimi Badhan, iyada oo taas hawsheedii lagu jiro oo aan waxba la isla meel dhigin inuu mar labaad dagaal meel kale ka furo, waxannu leenahay ka xukuumad ahaan waajibka nagaga beegan baannu ka qaadan doonnaa, waana arrin aannu u aragno in dawladda Federalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland ka midaysan yihiin, si ay u carqaladeeyaan deggenaanshaha iyo nabadda ka jirta Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici.