Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo la shaaciyey iyo Waxyaabaha ku cusub sannadkan

Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka ee Somaliland, ayaa Maanta ku dhawaaqay Natiijada imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiga sare ee sannad-dugsiyeedka 2018/2019-ka.

 

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax oo ay hareero fadhiyaan Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Wasaaraddaasi, ayaa sheegay inay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe ay sannadkan u fadhiisteen, 19,874 Arday isla-markaana ay gudbeen 17,038 Arday, halka ay ka dhaceen, 2,562 Arday, waxaanu sheegay inay Imtixaanka aanay gelin 274 Arday oo ka habsaamay.

 

Dhanka kale, Imtixaannaadka Fasallada 4-aad ee Dugsiyada Sare ayuu Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax uu sheegay inay u fadhiisteen Arday Tiradoodu gaadhayso 9,691, waxaana gudbay 8,787 Arday, halka ka dhaceen 723 Arday, taasina waxay ka dhigan tahay ayuu sheegay Daa’uud Axmed Faarax inay sannadkan gudbeen dalka oo dhan 92% tirada ardayda u fadhiistay imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka.

 

Sida uu sheegay Gudoomiyaha Imtaxaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax. Gudoomiye Daa’uud ayaa sheegay in ay joojiyeen sannadkan shaacinta 10 ka Arday (Top Ten) ee dalka oo dhan u sarreeya imtixaanaadka balse taas beddelkeeda dugsiyadu dhexdooda is qiimaynayaan.

Gudoomiye Daa’uud ayaa xusay tirada Arday laga masaxay maaddooyin qaar kuwaasi oo ku kacay falal Eegasho (Qish). Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Ardayda u sarraysa dugsiyada dhexe u sheegay in Dugsiga SOS uu sanadkan qaadanayo 343 Arday kuwaas oo loo qaybinayo gobollada dalka.