Natiijada Ciyaarihii Galabta Ee Koobka Gobolada iyo Ciyaarta Adag Ah Ee Berri

 

Hargeysa(SLpost) – Ciyaaraha gobolada Somaliland oo maalmihii u dambeeyay wajigooda koobaad ka socday magaalooyinka Boorama iyo Burco ayay maanta isku haleeleen xulalka gobolada Awdal iyo Buuhoodle oo kuwada ciyaaray magaalada Boorama iyo xulalka Daadmadheed iyo Xaysimo oo kuwada ciyaaray Burco.

 

Ciyaar xiiso badan oo Boorama ku dhex martay xulalka Awdal iyo Buuhoodle ayaa xulka Buuhoodle oo ciyaartiisii hore Xulka Maroodijeex ka badiyay wuxuu dadaal ugu jiray sidii saddex dhibcood u qaadan lahaa ciyaartan wuxuuna qaybta hore ee ciyaarta keensaday hal gool, balse Awdal oo dedaal badan keentay ayaa iska soo badday goolkaasi, waxaanay ciyaartu ku dhammaatay bar-bar dhac gool iyo gool ah.

 

Gobolada Daadmadheedh iyo Xaysimmo oo mid walba lugtiisii hore soo badiyay ayaa iyaguna isaga horyimid Burco, waxaana ciyaaro xirfadaysan oo xamaasad leh kadib labada kooxood mid walba keensaday hal gool, aakhirkiina waxay ciyaartu ku dhammaatay bar-bar dhac gool iyo gool ah.

 

Geesta kale Maalinta berri ah waxaa magaalada Boorama isku haleelaya gobolada Hawd iyo Hargeysa. Waxaa ciyaartaasi xiiso gaar ah u yeelaya labada kooxood ee mid labadii sanno ee u dambeeyay koobka qaaday, Ka kalena faynalka yimid ayaa yeelanaya ciyaar qolo walba ka warwarsan tahay inay koobka ka hadho.

 

Xulka Hawd ayaa ciyaartiisa hore laga badiyay, waxaannu dedaal ugu jiraa sidii uu ciyaarta bari u badin lahaa si uu uga sii mid ahaado ciyaaraha gobolada, halka gobolka Maroodijeex oo saddex dhibcood wataa ku dedaalayo sii dheeraysashada dhibcaha maadaama xulka marti galiyay koobka ee Awdal uu la leeyahay ciyaartiisa dambe, iyadoo dadka ciyaaraha faaleeya ay sheegayaan inaan la saadaalin Karin guusha ciyaartaas.