Murashaxiinta Kulmiye oo si Rasmi ah ugu Guulaystay Doorashada Madaxtooyada iyo Tirada Codadka la kala helay

Hargeysa (SLpost)- Murashaxiinta Madxweynaha ee Ku-xigeenka iyo ee Xisbiga Kulmiye, ayaa si rasmi ah ugu guulaystay Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee 13-kii bishan ku qabsoontay dalka, iyagoo ku guulaystay codadkii shacabku dhiibteen 55.19 boqolkiiba.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta Guddiga Doorashooyinka, ayaa lagu shaaciyey natiijada codbixinta, ayaa waxa halkaas kaga dhawaaqay Guusha Murashaxiinta Kulmiye, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

9972Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in 555,142 cod oo ansaxay codadkii la dhiibtay, ay xisbiyadu u kala heleen sidan:

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo kaalinta 3aad galay, ayaa helay 23,141 cod oo u dhiganta 4.2 boqolkiiba, halka Xisbiga WADDANI uu ka keensaday 226,092 cod oo u dhiganta 40.72 boqolkiiba Xisbiga Guulaystay ee KULMIYE, ayaa helay codad gaadhaya 305,909 oo u dhiganta 55.19 boqolkiiba.
Xisbiga Kulmiye, ayaa sida ka muuqata natiijada codbixinta ku guulaystay in ka badan kala badh codadka la dhiibtay, waxaanu guusha ku hantay codad gaadhaya 79,817 oo cod.