MUQDISHO: Wasiirkii Labaad oo muddo dhowr usbuuc ah Iska casilay Xukuumadda Farmaajo iyo Sababaha Keenay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Soomaaliya Dr Maryan Qaasim, ayaa goor-dhawayd shaacisay inay iska casishay xilkii ay ka haysay Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo, waxaanay noqonaysaa Wasiirkii labaad ee is casila muddo labo bilood gudahood ah.

Dr Maryan Qaasim oo la hadashay Telefishanka Goobjoog, waxa ay sheegtay inay shaqada uga tagtay sababo la xidhiidha baaxadda hawsha loo igmaday iyo masuuliyadda wasaaradda oo ku cuslaatay, iyadoo sidoo kale xustay isku-dhex yaac ka dhashay maamul-xumo oo wasaaraddeeda ka jira.

In kasta oo wasiirku sidaas sheegtay, haddana sida aanu ka soo xigannay HOL, warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii ugu danbeeyay uu jiray khilaaf ka dhashay Maareynta Masiibadii ka dhalatay Qaraxii Zoobe ee bishii hore ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 400 qof.

HOOS KA DAAWO DR MARYAN OO KA HADLAYSA IS-CASILAADDEEDA