Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo dood dheer kaddib ku kala kacay Ansixinta Xeerka Ismaamulka Degmooyinka iyo Gobollada dalka

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland oo fadhi ay maanta isugu yimaaddeen u ballan-sanaa ansixinta Xeerka Ismaamulka Degmooyina iyo Gobollada, ayaa gebi ahaanba baajiyey meelmarinta xeerkaas oo qayb ka ah doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Baarlamaanka ee dalka.

 

Dib-u-dhaca ku yimi ansixinta Xeerka Ismaamulka gobollada iyo Degmooyinka Dalka ee maanta la filayey meel-marintiisa, waxa sababay kaddib markii ay mudaneyaasha Goluhu ku kala kaceen dood dheer oo laysku mari waayey.

 

Faahfaahinta warkan ka daawo Muuqaalkan