Mudaharaad xubno Baarlamaanka Baxrayn ka tirsani ka qayb galeen oo lagu canbaareeyay hoggaanka Suuriya

Manama  (SLpost): Xarunta dalka Baxrayn waxa maalintii shalay ka dhacay Mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo siyaasadaha iyo xooga dawladda Suuriya ku muqiininayso dadka ka soo horjeeeda maamulka dalkaas. Mudaharaadkan oo ahaa mid si wayn loogu soo baxay waxa ka qayb galay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaas, masuuliyiin sar sare oo boqortooyada ka mid ah, jaaliyadda reer Suuriya ee ku dhaqan dalkaas iyo shicib fara badan oo u dhashay dalka Boqortooyadda Baxrayn.

Dadka mudaharaadayay oo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo ka dhan ah Madaxweynaha dalka Suuriya iyo qoraalo ugu baaqaya caalamka iyo dawladdaha carabta inay talaabo adag ka qaataan hogaanka dalka Suuriya, isla markaana mawqif adag iska taagto dunidu, si loo yareeyo cadaadiska iyo gumaad ba’an ee xukuumadda Dimishiq ay ku hayso shacbigeeda. Markii Mudaharaadayaashu gaadheen fagaaraha Lu’lu’a loo yaqaano ee badhtamaha caasimada dalkaas waxa la hadlay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo xubno baarlamaanka dalkaas ka mid ah, kuwaas oo dhamaantood si caadifadi ku jirto uga hadlay dhibaatadda shacbiga Suuriya lagu hayo, waxa kale oo dhamaan xubnahani ay ka hadleen iska indho tirka dalalka carabta iyo caalamka intiisa kale.

Qaar ka mid ah shacbiga reer Suuriya ee ku dhaqan dalkaas oo iyagana ay xubno halkaas uga hadleen ayaa ka codsaday shacbiga reer Baxrayn inay is garab taagaan sidii xukunka ay uga tuuri lahaayeen Madaxweyne Bashaar Al-Asad oo ay ku tilmaameen dhiigyo cab shacbigiisa ugu abaal guday dil, kufsi iyo qaxooti.

Waxa kale oo xubnihii u hadlay jaaliyadda reer Suuriya ay ka warameen heerka xasuuqu ka marayo dalkooda oo ay sheegeen in duniddu ku daawanayso oo aanay dan ka lahayn, laakiin uu Alle la jiro waa sida ay hadalka u dhigeene. Mudaharaadkan dalka Baxrayn ka dhacay ee lagu taageerayo kooxaha kacdoonka wada ee dalka Suuriya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee si heerkiisu sareeyo looga sameeyo dal carbeed.

Si kastaba ha ahaatee mudaharaadkan lagu taageerayo shacbiga Suuriya ayay dadka siyaasada ka faaloodaa ku tilmaameen mid muujinaya in samirkii iyo taxadirkii dalalka carabtu dhamaaday oo la gaadhay wakhti aan waxba loola hadhayn Madaxweyne Bashaar Al-Asad. Boqortooyadda Baxrayn waxay ka mid tahay sadex dal oo carab ah oo laba todobaad ka hor dalka Suuriya kala baxay Safiiradoodi si ay u muujiyaan ashkato ay ka qabaan gumaadka milatariga Suuriya ku hayaan shacbiga dalkaas iyo is dhega marka uu madaxweyne Asad ku diidan yahay talooyinkii dunidu siisay ee lagaga dalbanayay inuu is badal sameeyo, dilka iyo xadhigana ka daayo dadka mudaharaadaya.