Meelaha haweenku ragga ka qiimeeyaan – W/Q: Cali Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Haweenku sidey u kala duwan yihiin ayey u kala duwan yihiin dookh ahaan. Taasina waxay keenaysaa inay kala aragti ka noqdaan markay qiimaynayaan ragga. Qaarba meelaha ay doorbidaan ayey ku soo qadimayaan, balse waxaynu falanqayn doonaa dhinacyada loo badan yahay.

Goobaha ugu caansan.

1)      Wajiga: waa goobta ugu horaysa ee ay gabadhu ka eegto ninka markay kulmaan, tani waxay sawir buuxa ka siinaysaa muuqaalka iyo qacda hore ee kulanka, ka dib maskaxdii gabadha ayaa isku noqonaysa, oo ka doodaysa shakhsiyadan ay kulmeen iyo bal inay xidhiidh la samayn doonto iyo in kale. Aakhirkana waxa ka soo bixi doonta natiijo ay gabadhu isku qancisay, oo u cuntanta.

2)      Gadhka iyo shaarubaha: waa goob ka mid ah wajiga, balse muujisa aragti culus amma qurux iyo soo jiidasho. Gadhka iyo shaarubo gaaban oo si qurux badan loo habeeyey, ayaa ah calaamad fiican oo ay qiimeeyaan haweenku. Gadhka iyo shaarubaha oo la qurxiyaa waxay wajiga siisaa muuqaal dabiici ah. Madama dumarku qiimeeyaan quruxda waxay jecel yihiin inay arkaan waji, gadh iyo shaarubo qurxoon.

3)      Quruxda jidhka:  ninka jidh ahaan u qurux badan wuxuu soo jiitaa dumarka, waana meelaha ugu caansan ee ay dumarku ka eegaan ragga. Gaar ahaan jooga dhererka wata. Mararka qaarkood markay habluhu tilmaamayaan nin waxay odhanaysaa “waa ninka dheer ee lafta leh”. Waad garan kartaa farriinta ay sido tilmaamtaasi.

4)      Lebiska ( dhar-xidhasho): calaamadani waa mid ay ka siman yihiin inay eegaan waayo sidaynu hore u soo sheegnay dumarku waxyaabaha ugu weyn ee ay qiimeeyaan waa quruxda. Waxay markaaba idhaha la raacaan habka iyo dhar-xidhashada ninka. Siday gabadhu u jeceshahay inay lebisato markasta oo ay guriga ka baxayso, ayey jeceshahay nin isna sidaasi yeela. Waxyaabaha ay si fiican u eegaan waxa ka mid ah, dharka isku soo baxaya marka la xidho amma isku qurux badan marka la xidho.

5)      Socodka: haddii gabadhu u bogto socdka ninka waxay tani noqonaysaa inay qiimaysa. Dumarku waxay aad ula socdaan habka iyo tallaabada ninka, ka dib waxay dib u faallaysaa socdka iyo hanaanka. Socdka laga hadlayaa maaha mid istusnimo ah, balse waa mid dabiici ah, oo aanu qofku iska samaysan karin. Iska jir haddii aad isku daydid socd khiyaali ah, in lagu naco.

6)      Furfurnaanta: waa goob kale oo aad qiimo iyo qaayo u leh dumarka. Furfurnaanta raggu waxay u saamaxaysaa inay cid kasta la hadlaan una sheekeeyaan. Dumarku waxay aad u neceb yihiin ragga aamusan ee hadalka gaaban. Horaa loo yidhi” dumar waa sheeko”. Mid ka mid ah daraasad aan soo akhriyey waxay sheegaysaa dumarku ma aamusnaan karaan muddo toban daqiiqo wax ka badan. Intaasi wixii ka badan waxay bilaabaan sheeko. Markaa qodobkan furfurnaantu waa mid miisaan weyn ku leh dhinacadumarka.

7)      Qosolka iyo dhoola-cadaynta: waa albaabka kale oo ay dumarka ka galaan maskhsinada ragga. Waa mid ka mid ah goobaha ay eegaan dumarkau, guud ahaan dadku ma jecla xidh-xidhan ee afka aan kala qaadin. Haweenkunu way ka sii xag- jiraan , oo waxay jecel yihiin qof dhoola-cadaynta ka soo horaysa oo qosol ku qaabila, haddii gabadhu wax ka sheekayso oo aad markaba ku qososhid, waxay gabadhi aaminaysaa inaad xiisaynayso sheekadeeda, oo qalbiga ayey kuu furaysaa.

8)      Sheeko-badni: ragga qaarkii wuxuu ilaahay hibo u siiyey inay sheekooyin badan ka sheekeeyaan, oo aanay kala joojin . haweenku way xiiseeyaan sheekooyinka, waa haddii ay la dhacaan nooca sheekada. Laakiin sii baadh nooca sheeko ee ay gabadhu jeceshahay, ileyn gabdhuhu waa kala dookhe. Gabadhu siday u eegayso sheekada ninka ayey is iloobaysaa meel ay joogtaba, marka dambe ayey xusuusta hawlihii kale ee ay ku socotay.

9)      Afmiishaarnimo: waa calaamad kale oo ay eegaan haweenku marka ninku sheekaynayo, hadduu afmiishaar yahay wuxuu isticmaalaa hadallo iyo erayo macaan oo isku toosan, taasina waxay dhexqaadaa qalbiga gabadha, waxaynu ku beertaa xiiso gaar ah, oo ay ninkaasi u hayso. Horaa loo yidhi” afmiishaarnimadu waa musixirnimo”.

Ragga afmiishaarinta ahi waxay sameeyaan dhacdooyin iyo sheekooyin been iyo khiyaali ku dhisan, oo ay ku soo jiitaanhaweenka, way adag tahay in sheekadiisa been la moodo, waayo qaabka iyo siduu u dhigay ayaa heer sare ah. Dumarka meelo badan ayey dalooshadaan raggani oo ay gabadha ku khasbadaan. Gabadhii waxay macaansanysaa hadalada, erayada iyo qaabka sheekadu u dhacayso, ka dibna isma kala garanayso meel ay joogto, taasina waxay ninkii siinaysaa fursad uu ku fushado dantiisii.

Waxba yaanan hadal kugu daaline, waa inay dareensanaadaan haweenku arrintaasi.

10)  Hab-dhaqanka: dumarka qaarkood waxay markaba eegaan hab-dhaqanka ninka ee bulshada ka dhaxaysa, ka dib markay ku qancaan ayey istusaan inay mudan tahay la xidhiidhaan. Meelaha ay haweenku hab-dhaqanka ka eegaan waxa ka mid ah: qaabilada, salaanta, ixtiraamka, dabeecada wanaagga, dulqaadka, hadalada wanaagsan, qadarinta, dhawrsanaanta, balan ilaalinta, deganaanta iyo sifooyinka wanaagsan ee uu muujiyo ninku.

11)  Hadallada dabacsan: waa goob ay dumarka qaarkii xooga saaraan.ragga hadalada dabacsan leh dumarka qaarkood way ka helaan, ka dibna waxay aaminaan inuu nin fiican yahay oo aanu hadal xumi ka soo bixin. Ragga hadallada qalafsan dumarku ma jecla, waxay taa bedelkeeda waxay soo dhaweeyaan ragga hadallada dabacsan ee aan lahayn jikaar, cay,ad-adkaan iyo hadal-gaabni. Sidey gabadhaha badankoodu u hadal dabacsan yihiin ayey doonayaan ragga hadalka dabacsan, oo aan shoodkh ku soo celin.

* shood= waa suuqdi la micno ah jikaar.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, somaliland