Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Ansixisay Natiijada Doorashada Madaxtooyada iyo Qodobbada loo Cuskaday

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa maanta ansixisay natiijada doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13-kii November ee bishan, taas oo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku guuulaystay.

maxkamadda sareGuddiga Doorashooyinka Qaranka oo 21-kii bishan ku dhawaaqay natiijada ku-meel-gaadhka ah ee doorashada, waxa codadkii la dhibtay 55% ku guulaystay Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi iyo madax-weyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maxkamadda horteeda kaga dhawaaqay ansixinta natiijada Doorashada iyo Qodobbada Dastuuriga ah ee tilmaamay gudashada waajibaadka loo igmaday ee khusaysa Doorashooyinka.

HOOS KA DAAWO WARKAN

Guddiga Doorashooyinka, ayaa todobaadkan u gudbiyey natiijada doorashada ee ay hor-dhaceeda shaaciyeen, waxaanu go’aanka ay maxkamadda sare maanta ku shaaciyey natiijada doorashada ka dhigaysa mid Sharciyaysan oo xalaaleynaysa Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo muddo-xileedkooda 5ta sanno ka bilaabmayso maanta.