Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Dil Ah Ku Riday 8 Nin Oo Ku Eedaysnaa Dilkii Taliyaha Booliska Gobolka Saaxil

download

Hargeysa (SLpost) Maxamadda Ciidammadda qalabka sida ee Somaliland,  ayaa 8 eedaysane oo oo ka mid ahaa Dablayadii u xidhnaa dilkii Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) ku xukuntay dil toogasho ah sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee derejada kowaad Yuusuf Faarax Sharma’arke

 

Siddeed Nin ee ay Maxkamadda Ciidamadu waxa lagu helay in ay rasaas kuwada rideen oo ay dileen Taliyihii qaybta Booliiska Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf labadii bishii saddexaad ee sannadkan, waxaanu dilkaasi ka dhacay bariga Magaalada Berbera.

Guddoomiyaha Maxkamadu waxa kale oo uu sheegay in siddeed Nin oo kale oo isla Kiiskan u xidhnaa  lagu Xukumay midkiiba todoba sanno oo xadhig Ciidan ah, iyagoo weeraray tuulada Ceel-garde sannadkan horaantiisii.

 

Qareenka Difaacayay eedaysanayaashan xukunka lagu diray Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi, ayaa xukunkan ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog oo siyaasadaysan.

 

 

Somalilandpost. Hargeysa