Maxaad Ka Taqaan Mahadhadii Taariikheed Ee General Maxamed Xasan Cabdilaahi (JIDHIF)? “Halyeey Libintiisa ay qireen cadawgii ay is hayeen” – Qaybta 4aad

Waxay inoo joogtay hadalkii cabdi casiis ka yidhi dagaalka haatana bal dhankiisa isna maxuu ka yidhi Maxamed xassan Cabdilaahi(JIDHIF):  “Cabdicasiis Cali Barre waxuu watay ciidan xoog leh markii u horeysay  waxaa ii muuqatay inaanan marnaba caabin karayn sidaas awgeed waan u wada baneeyay dhulkii oo dhan oo jabuuti  ayaa xoog ku jiidhay oo halkaasaan itoobiyo ka galnay Kadib wuu  is balaaadhiyay  oo waxuu dagay tobon meelood oo kala ahaa: GEERISA, CEEL-GAAL, AYSHA-CADO, GARGAARA, XARIIRAD, CABDIQAADIR, LUGHAYA, SAYLAC,T OKOSHI, LAWYACADO.

Markuu sidaa isku balaadhiyay ee uu is dhigtay ayaanu ku  soo rogaal celiney.oo aniga iyo ciidankaygu waxaanu  socon jirney habeenkii marka waagu dilaaco ee la kala garto qof iyo geedna waaanu ku bilaabi jirnay taasi  oo sas iyo jaahwareer ku ridi jirtay ciidankooda oo meel kasta intaan arbushno ayaanu ku wareegi jirnay.markaan geerisa ku weerarnay hadana aysha cada hadana lughaya hadana xariirad .waxaa ku dhacay anfariir oo waxay u qaateen inaanu meel kasta joogno taasina waa taatiko dagaal. Ta ugu muhiimsan ee markasta noo sahli jirtay guushu waxay ahayd,fasiraada afgarashada iyo  baaqa ciidankooda oo aanu dhegaysan jirnay waxaanan hawlgali jirnay anagoo xogtooda wada hayna.tusaale ahaan   hawlgalkii dooxa bariisle waxaanu dhegaysanay sirtoodii waxaanu Ka war helnay Cabdi casiis cali barre oo lawyacado kula kulmay General Sakariye oo ahaa janankii ciidamada jabuuti waxayna ka wada hadlayeen inay ku martiqaadaan ciidanka jabuuti xuska 21 Octobar oo ay rabeen inay ku qabtaan Saylac.

 

Kadib jidgooyo ayaanu u sii galnay ciiankii cabdi casiis oo lawyacado ka soo noqday kuna socda saylac waxaanu doonaynay inaanu nolosha ku qabano cabdi casiis laakiin waaa naga badbaaday hasayeeshee saraakiil badan ayaanu ka laynay oo uu ku jiro abaanduulihii ciidankiisu kadib markuu isku habar wacday ee ciidankii meel walba la iskaga keenay ee gurmadkii u yimi waanu u banaynay oo waxaanu jiidhnay Jabuuti.”

 

Sida Cabdicasiis Cali Barre sheegay waxuu janaraal jidhif u qiray inuu kaartooyin milatari u adeegsaday islamarkaana isagoon haysan ciidan ku filan uu libaaxyadii uu watay ku riday sas iyo jaahwareer isagoo u qirey inuu ka gacan sareeyay jidhif markaad eegto xeeladaha dagaalka iyo hubka iyo ciidanka lagu kala dagaalamayay guushana waxaa ugu fiican marka cadawgu kuu qiro. Haduu taa u qiray jidhifna  ma qarin libta cabdi casiis waxaanu yidhi: “Cabdicasiis Cali Barre inkastoo dagaalkii u xumaa na dhex maray hadana si xarago leh ayuu u dagaalamayay  maatida iyo dadka shacabka ah ma layn jirin xataa maxaabiista dagaal ee uu qabto si wacan ayuu ula macaamili jirey waa sababta isagoo ciidankii ugu cududa weynaa la yimi waqooyiga marnaba aan loogu eedayn inuu xasuuq geystay waayo ciidan iyo rag hubaysan ayuun buu cabdi casiis beegsanayay”

 

Siduu Jidhif inoo sheegay Cabdicasiis Cali Barre waxuu dagaalamay dagaal xarago leh inkastoo uu watay ciidankii ugu awooda badnaa ee la keeno gobolada waqooyi hadana marnaba lama sheegin xasuuq u gaystay halka moorgan lagu eedeeyo xasuuq sababtu waxa weeyi cabdi casiis cali barre nin qorri sita iyo ciidan ayuu la dagaalami jirey halka morgan uu ka layn jiray maatida.

 

Intaa kadib Mojar General Maxamed Xassan Cabdilaahi (JIDHIF)  waxuu gacanta ku dhigay gebi ahaan dhulkii xeebaha galbeedka ciidnkii libaaaxyada ahaa ee Cabdi Casiis Cali Barrena waxay ka huleelleen iyagoo dhuumanaya xeebtii iyo goboladii waqooyi.

 

Hadaba waxaa jirtay deegaankan xeebta ee y ka dagaalamayeen Jidhif iyo ciidankiisu inta badan dadka deegaanku way ka soo horjeedeen jabhada SNM Waxayna taabacsanaayeen ciidamadii taliska Maxamed siyaad barre haatana waxaa gacanta ku dhigay Guutadii 99aad iyo jidhif .tani iyana waxay ahayd waji kale oo laga bartay jidhif iyo shaqsiyadiisa, markuu ii guulaystay ee ay hoos yimaadeen dadkii ka soo horjeeday jabhadiisu jidhif waa uu xakameeyay shacuurtii ciidankiisa, islamarkaana waxuu gogol nabadeed u fidiyay  dhamaan dadkii deegaanka ee ka soo horjeeday  jabhadiisa, ee markii hore  taabacsanaa cadowgiisa waxaanu ula dhaqmay sida gobta.

 

Waa arin adag in jabhad qamaamaysa inaad dabarka u adkayso oo aad ku qanciso inay cafiyaan dad shalay ka soo horjeeday taana waa ku guulaystay jidhif oo waxuu muujiyay inuu marka nabada yahay nabad doon marka colaadana yahay geesi aan golowda aqoon.

 

Hadaynu tusaale taas u soo qaadano,Waxaa xusud mudan in dawladii soomaaliya ee siyaad barre markii ay ku guuldaraysatay dagaalkii ay bilowday dagaal kale oo cusub oo ah dadka deegaanka iska horkeen oo iyaga hubka iskugu dhiib.. Sanadkii 1989 ayaa safaarada soomaaliya ee jabuuti waxay bixisay ogaysiis ah in arday loo qaadayo maraykanka oo deeq waxbarasho siiyay soomaaliya. Sidaas awgeed ay soo xaaraystaan arjiyadooda ardayda soomaaliyeed ee  ku sugan jabuuti. Kadib waxay soo xuleen 100 arday oo ka soo jeeda beesha samaroon, ardaydii halkii ay ka filayeen maraykan ayaa waxaa goor habeena lagu soo daadiyay Geestiir oo jabhadii snm haysato jidhifna ka madax yahay  waxaana la rabay in dhegta dhiiga loo daro kadibna sidaa ay ku bilaabmato colaad sokeeye.hadaba arintaasi oo adkayd oo xataa nin idiris xasan diiriye la yidhaa oo weriye ahaa oo bbc du wax ka waydiisay xaalka dhalinyaradaa uu ku sheegay in ragaa ay u dhamaatay oo jabhadu laysay .jidhif waxuu ahaa ninkii intuu sooryeeyey soo dhaweeyey  islamarkaana boqolkii arday intuu ku daray 27 nin oo bkm layaal ah ku yidhi markaad xaafadahoogii jabuuti ku hubsataan inamadaa ka soo noqda.

 

Ciidankaasi oo markii ay geeyeen inamadii ay eheladii wiilashu sooryo balaadhan u fidiyeen iyagoo faraxsan oo aan marnaba filayn in dib ay u helayaan ubadkooga

 

Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif): waa kaas xaga nabada waxaanu ahaa ninkii u horeeya ee SNM ahaa ee dhulka Somaliland  ka taaga calanka snm islamarkaana qaada cashuur  lagu qaado magaca snm.Halkaasi oo ahayd kastankii Dekada Saylac.

 

Kadib markii dalku xoroobay  janaraal jidhif wuu ka yimid xeebtii oo si milgo leh ayuu u wareejiyey guutadii 99aad iyo  deegaaankii xeebta galbeed ee  uu xukumayay. waxuuna yimi hargaysa islamarkaana waxuu   doorkiisa ka qaatay dib u dhiskii dalka iyo hirgalintii himilada Somaliland .waxaanu jidhif  1991 aasaasay ciidankii nabadgalyada oo ahaa ciidankii u horeeyay  ee ka hawlgala Somaliland oo markii danbe noqday booliska Somaliland isagoo markii dambena Ka mid ahaa asaasayaashii ciidanka booliska Somaliland 1994. Oo noqday taliye ku xigeenkii u horeeyay ee ciidanka booliska Somaliland.

 

Janaraal Maxamed Xasan Cabdilaahi(Jidhif): aqoonta milatariga waxaa u dheer khibrad iyo xirfado kale  oo kuma  koobnayn ciidamada ee waxuu la  soo shaqeeyay hayado caalami ah iyo kuwo maxali ah waxuu aasaasay hayadii miinasaarka u horeysay Somaliland ee la odhan jirey (SMAC) sidoo kale waxuu xilal sarsare ka soo qabtay dawladihii maxamed xaaji ibraahim cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.

 

Markii danbe Maxamed Xasan Cabdilaahi( jidhif)  waxuu noqday taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland. Haatana Waxuu Ku Nool yahay magaalada Hargaysa alla caafimaadka iyo cimrigaba ha u barakeeyee.

 

Qormadan waxaynu diirada ku saaraynay taariikhda iyo tagtadii janaraal jidhif hasayeeshee dagaalka xeebtu wuu ka gun balaadhan yahay jidhif oo waxaa jira rag fara badan oo xus iyo xasuusba mudnaa oo suurta galiyay guulaha jidhif gaadhay markaa waxaynu ku soo qaadan doonaa qormooyin dambe halyeeyadii iyo looma ooyaankii guutadii 99aad oo marnaba ayna taariikhdu iloobi doonin

DHAMAAD

F.G :Cid kastoo xog ka haysa dagaalkaa xeebaha waxaan ka codsanayaa inay ila wadaagto iyagoo iigu soo hagaajin kara cinwaankayga hoos ku xusan

Qalinkii:Cabdikariim Muxumed Cadde(Qaamuus)

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad