Somalilandpost | News and Analysis

Maxaa U Dhaxeeya Baggiyada Islaamiga ah Iyo Banggiyada Ganacisga (Ribawiga ah)

  1. MustafeWaa maxay Banggi Dul-saar leh (Ribo)Conventional Banks?
  2. Waa maxay Banggi islaamiya?
  3. Maxa u dhexeeya Baggi Islaamiya iyo Baggi Ribawi ah?
  4. BanggigaRibada ah (Baggiyadda Ganacsigga) ma kadaloob dhaqaaluu kena mise koboc dhaqaale?
  5. Waa maxay Muraabaxaddu?
  6. Maxaa la gudboon ummada Reer Soomaaliland?

Haddii anu si kooban uga war bixino kalmadda Baggi (Bank) meeshay ay ka timid, 1657kii ayaa magaalo ku taal Talyaanigga (Italy) oo la yidhaa Bunduqiyah, ayaa waxa jiray rag dadka u haya ama u ilaliya lacagaha iyo dahabka, taas oo ay mushqaayad ka qaadan jireen haytaa ama ilaalintaa.

Nimankaasi dadka lacagaha iyo dahabka u hayn jiray, waxay ku shaqayn jireen miis iyo kursi waa qarniggaa 17aade, miiska ayaa affka Talyaaniga loo yaqaan Bonco, muddo ka dib ayaa loo roggay Banque (Bank) oo ah Baggi, sidaa ayay ku timid kalmadsi.

Usoo noqo Baggiyadda Dul-saarka leh iyo Baggiyadda Islaamiga ah, oo ay geedi socodka qormadeenan ay tahay; ma jecli inan taariikhdooda kusii dheeraado, kaliya inan is bar-bar dhigo ayaan jeclaystay labada Baggi.

  1. Waa maxay BanggigaDul-saar ka leh (Ribo)Conventional Banks?

Uma baahnin maanta in aynu sii faah-faahino waxa uu yahay Baggi (Bank) waayo, waa shay la iska yaqaan amintan ama xiligan aynu joogno.

Baggi waa haayad maaliyadeed, oo lacagaha la dhigto, u maal-galisana macaamiishooda, maal-galintaas oo noqon karta mid shareecaadu ogoshaya (Banggiyada Islaakma), Iyo tu xaaraan ah oo aan shareecadu ogolayn (Baggiyadda Ribada ah).

Banggiga Dul-saar ka leh, waaBaggi ku shaqeeya inuu Ribo ama Dul-saar ku shaqaysto, isla markaana ay Ribaddu u tahay laf-dhabartiisa dhaqaale, lana odhan karo, Ribadda la’aanteed ma shaqayn karo Banggiga Dul-saarka ahi (Conventional Banks).

  1. Waa maxay Banggiga Islaamiga ahi?

Banggiga Islaamiga ah (Islamic Banks) si kooban aynu u tilmaamno; waa Banggi ku dhisan ama ku qotoma shareecada Diinta Islaamka, kana reeban dhamaan wixii kasoo horjeeda Diinta Islaamka, ama ay xaaratimaysay Diinta Islaamku sidda:

  • Ribadda
  • Khamaarka
  • Khiyaamada
  • Qararka (Kadsiimadda)
  • Maalka kaso baxa wixii ay diiday diintu sida Khamriga, Hilibka doofaarka, Sinada IWM.

 

Haddii labada Baggi, waa Banggiga Islaamiga ah iyo Banggiga Dul-saarka leh(Islamic Banking iyo Conventional Banking), ay kala yihin Baggi Diinta islaamka ku salaysan(Sharia Compliant), iyo Baggi Ribo ku salaysan (Interest Based), sida guud, halkaa ayad ka garan kartaa faraqa u dhexeeya, hasae ahaatee waxaynu isku dayi doonaa, si faah-faahsan inaynu usii sheegno farqadooda ladabaa Baggi.

 

  1. Maxa u dhexeeya BaggiIslaamiga ah iyo Baggi ribo ah?

Marka horeba, si kooban hadaynu u sheegno, waxay wadaagaan uun magaca loo yaqan Baggi (Bank), waayo farqa u dhexeeya waa sidda dulka iyo cirrka.

Maxaa ka mid ah faraqa ku dhexeeya labda Baggi?

  1. Banggiga Islaamigga ah waxa ugaara:
    1. Shareecadda Islaamka ayaa u mus-dambeed ah (loo noqdaa):dhamaan wixii kasoo hor jeeda diinta Islaamka waa mamnuuc, ama lama ogola in lagu shaqeeyo, iyadoo ay hagayaa culimo dinta ku xeel dheer iyocilmiga dhaqaalaha ee Fiqiga, oo Guddi u ah Banggiga (Sharia Board), una dhabo-gala dhamaan dhaq-dhaqaaqa ka socda Baanku in uu waafaqsan yahay shareecadda Islaamka.
    2. Khasaaraha iyo fa’iidada wa la qaybsadaa wa marka shuraako jirto:Banggiga aya maamiishiisa la shuraakooba, faa’iidada waxa loo qaybsanayaa sidii lagu heshiiyo, khasaarahana waxa logu qaysanayaa qofba raasa-maalkiisu inta uu leeg yahay (waa sida Madahabuhu isku raaceen). Iyado laga soo dheegtay qaacidada fiqiga ah ee الغنم بالغرم, mudaarabadda oo kale qofna maalkisi ayu khasaaraya, qofna xoogiisii iyo wakhtigiisi.
    3. BanggigaIslaamka hantidiisu waxay ku fadhidaa ama ku qotontaa hanti dhab ah, oo la taaban karo: hadii macamiilkiisu hanti lumiyo, waxa laga hayayaa hanti kale oo damaanad u ah, waa siyaabihii ay uga badbaadeen Banggiyada islaamku bur-burkii dhaqaale ee 2008kii dhacay.
    4. Banggiga Islaamku wuxu lee yahay wax loo yaqaan Qardul Xasan, oo ah dayn lagu amaahinayo oo aan wax siyaado ah laga rabin, waana maslaxadiii ay diinteenu sheegtay.

Waxaa xasuusin iga muddan, inta badan dadka aan aqoonta u lahayn cilimiga Banggiyada Islaamka, ayaa waxa iskaga ekaada Banka Islaamka ah iyo Banggiga Ribada ah, marka la joogo Muraabaxadda, oo ah hab maal-galineed, oo Banggiga Islaamku bixiyaan, ama isticmaalo.

Iska ilaali hana ku dhicin odhaahdii ay hore u yidhaahdeen Gaaladu, ee ilaahay quraankisa ku shegay.)قَالُواْ إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا)275سورة البقرة، الآيتان:

(….  Waxay yidhaadeen Ribadduba waa iibka oo kale….)

 

  1. Waa maxay Muraabaxadu?

Kalmadda Muraabaxo waxay ka timid kalmada carabigga ah ee Ribix (الربح), oo ah Halabsi, Ribix way ka duwan tahay kalmada Faa’idah luuqad ahan (الفائدة).

Ribix (الربح) waxay ka dhalataa isku badalka lacag iyo walax kale, sida ganacsiga, waana raasa-maalka oo kordha iyadoo Ganacsi ama isku badal meesha yimaado.

Laakin Faa’iido (الفائدة) way ka duwan tahay Ribix, waayo, faa’iido waxay ka dhalataa raasa-maalka oo siyaada , kuna kordha wakhtiga uu ka maqan yahay, oo ay saami-quman la tahay korodhka wakhtiga, (markasta oo uu wakhtigu kordho, lacagta dulsaaka ahi ama faa’iidadu way kordhaysa).

 

Muraabaxadu waa qaab uu Banggiga Islaamku uu kaa iibanayo Alaab, isla markaana uu Halabsi (profit) uu saaranayo, sidii uu qofka Ganacsatadda ahiba uu halabsi u saaran jiray alaabta uu iibanayo, mana aha lacag ama dayn lagu siinayo, laakin waa alaab lagaa iibinayo.

Muraabaxadu waa shay banaan diinteena Islamka, culimadduna Ijmaac ay isku raaceen,  kullanka culimadda Fiqigga go’aankii tirsigiisu ahaa 46 (5/8), ayay ku cadeeyeen in muraabxaadu sida iibka tahay, iibkana qof wali uu xor u yahay, waxaa kale oo aad ka eegi kartaa Kitaabka Muqinigga Ibu Qudaama, Majaladda 4aad bogga 102., Sheekh xasan Al-barsi oo isna sheegay inay banan tahay muraabaxadu.

Muraabaxadu waa iib, waayo shuruudaha muraabaxada waxa weeyi:

  • In baanku gacanta ku dhigo ama mulkiyo hantidii, ka hor inta uuna macmiilkisa ka iibin.
  • In baanku qaado masuuliyada hanitidaa, inta ay gacantiisa ku jirto haday wax noqoto.
  • In baanku celiyo alaabta, haddii ceebi kusoo baxdo hantidii, ama heshiiskii wax iska badalaan.
  • Macmiilku inuu ogyahay qiimaha laga siinayo alaabta, iyo qiimaha uu soo siistay Baanku alaabta, mad-madawga laga saaro.
  • In lagu heshiiyo (Banggiga iyo Macmiilka) sida lacagta loo bixinayo iyo muddada uu lacagta ku bixinayo.
  • In la cadeeyo habka Iibiyuhu (Banggiga), iyo Iibsaduhu (Macmiilkii) ay wax u kala iibsanayaan.

Tusaale:

Haddii aad Baggi aad ka dalbato inuu Muraabaxo kaga iibiyo Gaadhi, gaadhigaa qiimaha uu macradka ku yaal waa $9000, baankii wuxuu tagayaa marcaradkii waxanu soo iibsanaya gaadhigii, isagoo boonada ama Invoice lagu qorayo macaga Banggiga, isla markaan uu yahay Gaadhigii uu macmiilku ka dalbaday Banggiga, kadib marka uu Baanku gaadhigii la wareego, ayuu macmiilkiisi kasii iibinayaa gaadhigii baanku, iyadoo Ribix saaraya baanku gadhgii (maha ribo waa sidi alaabta ganacsiga loo saari jiray Ribix).

Ka dib waxay ku heshiinayaan macmiilka iyo baanku mudada uu ku bixinayo alaabta uu sii daymiyay (waayo qofku iibkisaa wa u xor hadii cash kaga qado iyo hadu ku amaahiyo ba).

Hadhawna macmiilk dayntii u iska soo bixinaya isagoo soo dhamays tiriya lacagtii, kuna bixinaya muddadii la isku ogaa.

 

Banggiga Ribidda ah (Conventional Banks): baankani waxaa si wayn, ama si cad ugu tiirsan yahay Ribadda, dhamaan adeegiisa uu qabto waxaa uu saaraa ama uu ka doonaa macmiilkisa Ribo, ama Dul-saar, ribadaa oo Islaamal gabi ahaanba ka xaaraan ah, ha yaraato ama ha badnaatee.,

Haddiiba, faraqa u dhexeeya labada Baggi uu yahay Midi inu uku qotomo Diingta Islaamka, dhamaan waxay diidayna, uu diidan yahay, halka mid ka kalena uu ku tiirsan yahya ama uu kuma dhisan yahay Ribo, oo ah wax si cad ilahay inooga digay, qofkii cuna ama ku dhaqmaana uu ilahay Dagaal cad la galayo sida ku cad ayada quraanka ah ee suuradda Baqarah aayadda 279.

 

Intaa kusoo koob faraqa u dhexeeya labada Baggi, inagoo aan maqaalkan kuso wada koobi karin, waayo, waxan jeclaysatay in aanu ad u dheeraan maqaalkani.

 

  1. Banggiga Ribada ah, ma kadaloob dhaqaaluu kena mise koboc dhaqaale?

Marka lasoo hadal qaado Baggi rabo ah, waxaa markiiba maskaxdada kusoo dhacaya Baggi Islaami ah, inta aynan su’aasha ka jawaabin, aynu yara milicsano taariikhada labada Baggi.

Banggiga ribada ahi waxa uu soo bilaabmay ilaa qarnigii 17aad (1657), muddo haatan laga joogo 357 sano, waxaanay ku faafeen dhamaan wadamada caalamka, laga reebo wadanka Somaliland.

Halka, Banggiga Islaamku si cad usoo shaacbaxay qarnigii 20aad (1975), oo baankii ugu horeeyay ee ganacsi laga furay Dubai, hase ahaatee waxa la odhan karaa dhidibada ama mabaadii’da (Principles) uu ku taagan yahay Baanku Islaaku waxay jiraan muddo 1,400 oo sano ah.

Ilaa haddana waxa dhulka guudkiisa ka shaqeeya qiyaastii in ka badan ilaa 500 oo Baggi Islaami ah. Hantidda ay ku sheqeeyana waxaa lagu qiyaasay ilaa $1.7 trillion, siday ay sheegtay daraasad ay samaysay World Islamic Banking Competitiveness sannadkii 2013, iyadoo wadamada islaamku dhaqaalahoodu yahay 1% ila 5% dhaqaalaha caalamka.

Halka daraasado kale sheegayaa in Banggiyada Ribadu ay leeyihin haniti lagu qiyaaso $17 trillion, aad bay uga hanti badan yihin marka loo eego Banggiyada Islaamiga ah.

Hase ahaatee nasiib wanaag, Banggiyada Islaamiga ah waxay hantidoodu sanad walba sare ugu kacdaa qiyaastii 15% ilaa 25% sanad walba, waa kor u kac aad iyo aad u wayn.

Tusaale ahaan, sanadkii 2008-2009 ayaa 43 Baggi oo ku yaal waddamada Khaliijka mar laga qaaday daraasad xaga koboca ah, oo 17 ka mid ah ahaayenBaggiyadda Islaamiga ah, ayaa kobocoodu ahaa sidan:

  • Banggiyada Islaamigu 2008-2009 waxay sare u keceen 17.4%
  • Banggiyada Ribada 2008-2009 waxat sare u keceen 1%

Ogow wadamadani waa meelaha ay ku cuddoon yihiin ama ay ku xooggan yihiin  Banggiyada Islaamku, isla markaana dhaqaalaha ugu badan ee Islaamku yaalo.

Waliba waxaynu odhan karnaa Banggiyada islaamku maha tijaabo, waa Baggiyo hir galay lagana dheehan karo kobocooda dhaqaale ee xooggan (double digit), inay ay yihiin Banggiyada kaliya ee caalamka badbaadin kara, laguna tiirsan karo.

Tulsaale labaad, haddii aynu eegno masiibadii dhaqalaha ee ku habstay caalamka sanadkii 2008kii, haayada lacagta aduunka ee IMF (International Monetary Fund), ayaa waxay ku qiyaastay in Maraykanka (USA) iyo Yurub (Europe) ay khasaareen $2.8 tirillion sanadaha 2007-2010, hadii la kala saarana USA ay khasaartay 60% Baanankoodii, halka Yurubna 40% khasaareen Banankoodii.

Haddaba waxa xasuus iyo dheehasho muddan, halkay marayeen wakhtigaa Banggiyada Islaamku; mar hadii Banggiyadii Ribadu (Conventional Banks) hoos u dhacaasi ku yimid?

Nasiib wanaag, koboca dhaqale ee Banggiyada Islaamku marna hoos umuu soo dhicin xiligaa bur-bruku ku dhacay Banggiyada Ribada, 15% – 20% ayuu sare u kacayay, taas oo ay aad iyo aad ulla yaabeen rer galbeedku, dad badan oo aan muslim ah na ku dhalisay inay usoo wareegaan ama la macaamiilaan Banggiyada Islaamka.

 

Ilaa hadda Banggiyada Islaamku kuma koobna oo kaliya wadama Islaamka, laakin waxa ay ku faafeen wadamada Yururb, kuwas oo soo dhaweeyey Bannaka Islaamka:

  • Ingiriiska (UK)
  • Faransiisk (France)
  • Jarmalka (Germany)

 

Afirca wadamada aan Muslimka ahayn ee ay Bananku Islaamku gaadheen waxa ka mid ah:

  • Koonfur Afrika (South Africa)
  • Bootuswaana (Botswana)
  • Kenya
  • Ugaandha (Uganda)
  • Tansaaniya (Tanzania)

Aasiya na waxa ka mid ah:

  • Jabaan (Japan)
  • Shiinaha (China)
  • Singabuur (Singapore)
  • Honk Kong

Sidaa daraadeed waxay inoo cad, ama aynu odhan karnaa Banggiyada Ribaddu waxay dhabarka jabinayaan ama kadloobinayaa dhaqaalaha caalamka, sidii dhacaday 2008dii, nasiib wanagna waxa badali kara oo lagaga maarmi karaa in la qaato Banggiyada Islaamka, si looga bad-baado dhibatooyinka dhaqaale ee laga yaabo inay musqbalka dhacaan mar kale.

 

  1. Maxaa la gudboon ummada Reer Soomaaliland?

Dhamaan ummadda Islaamka ah, gaar ahaan Ummadda affa soomaaliga ku hadashay, gaar ahaan Ummadda reer soomaliland hadday tahhay:

  • Madax-wayne
  • Wasiir
  • Xildhibaan
  • Suldaan ama Caaqil
  • Culimo iyo Aqoon yahan

Dhamaanteen waxaa inla la gudboon, in aynu u hiilino diinteena muslimka ah, isla markaana ka dheeraano cadhadda alle iyo caddaabtiisa.

Waay, waxaynu odhan karnaa qofka u doodaya Banggiyada Ribawiga ah (Conventional Banks), ama taageeraya, waa qof dagaal kula jira ilahay, kana soo horjeeda diinta Islaamka si toos, ama badheedh ah,

Maahaweedh ama hadal aan iska idhi, ama an iska caadifad hadlay, ee waa hadal alle si cad ku yidhi Kitaabka Quraanka ah,

3ـ وقال عز وجل: {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اتَّقُواْ اللَّهَ وَذَرُواْ مَا بَقِيَ مِنَ الرِّبا إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ، فَإِنْ لَمْ تَفْعَلُواْ فَأْذَنُواْ بِحَرْبٍ مِنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ وَإِنْ تُبْتُمْ فَلَكُمْ رُؤُوسُ أَمْوَالِكُمْ لا تَظْلِمُونَ وَلا تُظْلَمُونَ}سورة البقرة، الآيتان: 278، 279.

(Dadka illaahay rumeeyaw, alle ka baqa, ka taga wixii hadhay ee Riba ah, haddad tihiin kuwa alleh rumaysan, Hadaydaan sidaa yeelin, ogaada daagaal ka yimaada xagga alle iyo rasuulkiisa SC, hadii aad toobada keetaan (Ribada qaadashadedi iska daysaan), raasal-maalkiinii uunbad leedihiin (bila Ribo), dulmiyi maysaan, idinkana la idin (gardaroon mayo) dulmiyi maayo).

Hore waxyanu usoo aragnay, in Banankii Ribada ahaa bur-bur badan ay ku keeneen dhaqaalihii caalamka, inagana Somaaliland ahaan nasiib waxaynu u yeelanay, ina aynu dhaqaalaheena ku unugno ama ku bilawno Dhaqale ku dhisan Ribo la’aan, waana fursad anay helin wadamada islaamku.

Waayo, ilaa hadda waxay wadamadu islaaklu la ciir-ciirayaan sidii ay uga hoos bixi lahaayeen Banggiyadan Ribadda ah, oo ay si dhamays tiran u qaadan lahaayeen Banggiyada Islaamka, wadamadaa waxa ka mid ah:

  • Malesia
  • Paksitan
  • Medil east dhamaantood.
  • Indonosia

Haddadba inaga qofka doonaya, in la keeno Baggi ribo ah, wadanka ma baaba’a ayuu la doonaya mise barbaarin? Ma cadho Alle ayuu la doonayaa mise caado isga u gaara? Waa labaade Distoorkeena ayuuba kasoo hor jeedaa xeerka Banggiyadda Ribawiga ahi. Magaran karno xiligan waxa lagu fali karo Baggi Rabowi ah.

 

Guntii iyo gunaanadd kii

Soomaliland waa dal Muslim ah 100%, isla markaana suni ah 100%, ku darsoo waa dal aynu odhan karno waa dal soo koraya, oo imika hana-qaad u bilaambay, waa dal u dhexeeya laba dhinac oo ay ka jiraan dagaalo, bur-bur dhaqan dhaqaale, iyo dhinaca kale oo koboc dhaqaale oo la daa-dihinayo ku socda.

Waxaan maddaxda dalka, culimada, Aqoon yahanka kaleba u soo jeedinayaa, in laga faa’iidaysto fursadan dahabiga ah, ee Ina hortaa, lana owdo ama fureeyo, Bulaacadda dhaqale xumo ee uu wato Banggiyada Ribaddu.

Qofkii difaaca Banggiyada Ribada magaca uu doono ha ku sheegee, waxaan lee yahay u diyaar garaw dagaal aad ilahay iyo diintiisa la gashay, cigqaab alle oo aan waligaa ka hadhin, waayo, qofkasta oo Ribada aad u dooday wax ka cuna, dambigeeda waad lee dahay, xitaa haaddad dhimato way ku soconaysaa dambigaasi, waayo, seddex camal ma go’aan ayuu yidhi nabigeenii suubanaaa Muxamed (CWS),

 

Diyaarintii iyo Qalinkii: Mustafe Abib Maxamed

Email: mustafeabib@hotmail.com

Tel: 252-63-4426103

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE