Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?

????????????????????????????????????

Sheekh Cabdicasiis Muxumed Samaale waxa uu Siyaasadda kasoo fantay oo uu ka mid ahaa raggii ku ababay Xisbiga Kulmiye wakhtiyaddii uu Mucaaridka weyn ahaa ee uu dalka ka talinayay Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale kaahin, waxaana lagu xasuustaa weedho aan laaqi ahayn oo uu si Jar-Iska-Xoornimo kujirto ugu miisi jiray Daahir Riyaale kaahin kuwaasi oo illaa imika ka dhex guuxa Dad weynaha ku dhaqan Gobolka Awdal oo uu Deegaan ahaa Kasoo jeeday Riyaale.

Cabdicasiis Samaale iyo Madaxweyne Muuse Biixi

 

Waxa uu soo noqday Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiiladda Isagoo ku matalayay Xisbiga Kulmiye, waxaanu si weyn uga dhex muuqan jiray Golaha isagoo ay caawisay Culimanimadda iyo goobaha diiniga ah ee uu kusoo hanaqaaday. Waxa uu door weyn ku lahaa duufsigii Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ay wakhtigaasi u shirabnaayeen Xisbiga Kulmiye waxaanu ahaa shaqsi uu Siilaanyo wakhtigaasi oo uu kursiga madaxtinimadda u ordayay oo uu mucaarid ahaa  uu aad ugu kalsoonaa, Isna (Samaale) dhinaciisa waxa uu daacad u ahaa Kulmiye iyo inuu Siilaanyo Kursiga ku guulaysto. Markii Siilaanyo Talada Dalka ku guulaystay waxa uu Siilaanyo u magacaabay Xil Wasiir, waxaanu u dhiibay Wasaaraddii ugu miisaanka Cuslayd ee Maaliyadda isagoo markii uu shan sanno ku dhawaad hayay Xilkaasi iskii iskaga casilay, isalmarkaana  banaanka uga Baxay Xukuumaddii Siilaanyo.

 

 Waxa Samaale ku abuurmay wakhtigaasi Han Musharax Madaxweyne waxaanu dagaal culus u galay sidii uu u banaysan lahaa Musharaxnimadda Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadii, iyagoo Geesaha isgaliyay Muuse Biixi Cabdi oo isna hanka Madaxweynenimadu mar kuwad abuurantay. Iyadoo ay halkasi marayso ayaa waxa uu Muuse Hiil ka helay Qoyskii madaxweyne Siilaanyo sidaasi ayaanu ku hantay inuu noqdo Musharax aan lagula tartamin Booska kal  dambe ee Musharaxnimadda Madaxweynenimada ee Xisbiga Kulmiye Gudihiisa Siilaanyo dabadii. Samaale waxa uu isku dayay inuu dibadda kala dagaalamo Muuse balse Waxa u laqimay oo cagta u dhigay Kooxo jibo Qabiil olole ugu jiray oo ka koobnayd ganacsato kuwaasi oo la sheego inay woxogaa lacag u duuduubeen Samaale. Wixii intaasi ka dambaysay waxa uu muxaafid u noqday Muuse balse dareen gaar ah ayay kuwada socdeen.

 

Muddo ayuu Samaale saaxadda kabaxay markii uu Muuse Talada dalka ku guulaystay balse haddana dhawaan ayuu ku soo noqday Xayndaabka. Waxaana lagu dhex ararkayay Kulamada Xisbiga Kulmiye yeelanayo ama Xisbiyadda kale la yeelanayo.

Arinta layaabka ku noqotay Taageerayaashii Sheekh Samaale iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waxay tahay, waxa uu maalin dhawayd kasoo muuqday Shaashada isagoo uu barbar taagan yahay  Ku xigeenka Xoghayaha Xisbiga UCID, Arintaasi oo ay saluugeen taageerayaashiisu islamarkaana la iswaydiiyay Xilka uu Samaale ka hayo Xisbiga Kulmiye ee aan muuqan iyo bahdilaada muuqaalkaasi iyo halka uu taagnaa oo aad loola yaabay?.

 

Haddaba Waxay Iswadiintu Tahay Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?.

Dad badan ayaa aaminsan inuu Samaale Lacag jecel yahay oo uu hoosta ugaga jiro Muuse islamarkaana waxa bahdilay ee meeqaamkiisii hoos u celiyay ay tahay Danno Dhaqaale, walaw warar hoose sheegayaan inuu bil walba masaariif ahaan u qoray shan kun oo dollar.

 

Dad kale ayaa aaminsan inuu dano qabiil u gardadaduuban yahay balse arintani waxay ku tiirsanayd wakhtigii ololaha oo waa laga soo gudbay, waxaanay wax waliba iskugu aroorayaan Dano Dhaqaale. Sidoo kale danihii siyaasiga ahaa hadda ma shaqaynayo oo majoogto wax shax siyaasadeed ah oo la ciyaarayaa. Sheekh Samaale waxaa gardaduub u xidhay dano dhaqaale waxaanu ka mid yahay dadka lacagta jecel ee mar walba ka agdhawaada dhariga, sida hadda ka muuqata, waana dadka  sharaftooda iyo kartidooda waydaarsada haddii ay meesha taalo lacagi waana tii uu Wasaaradda maalliyadda diiday in laga badelo ee uu iskaga casilay Wasaaradda Waxbarashada.

W/Q: Diblomaasi Khadar Muxumed Karaash.

 

Qormadani waxay xambaarsan tahay Fekerka gaarka ah ee Qoraaga Magaciisu ku xusan yahay, kamana tarjumayso Aragtida Warbaahinta Somalilandpost.net