Mashruuca Dib U Ballaadhinta Dekedda Berbera Oo Si Rasmi  Ah Loogu Daah-Furay Munaasabad Ballaadhan Oo Madaxtooyada Lagu Qabtay

Hargeysa (SLpost)-Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey bilowga dib-u-ballaadhinta dekedda Berbera  oo ay hoggaaminayso shirkadda DP World.

 Munaasabaddan oo si rasmi ah loogu kala saxeexday qandaraaska dhismaha ballaadhinta dekedda Berbera, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Madaxweyne ku xigeenadii hore, guddoomiyaha shirkadda maal-gelinaysa dekedda Berbera ee Dp World, Mudane Suldan Axmed Bin Sulayem, guddoomiyaha maxkamadda Sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, diblomaasiyiin ka socday dalal kala duwan oo adduunka ah, hoggaanka axsaabta qaranka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya waxtarka heshiiska lagu ballaadhinayo dekedda Berbera iyo dedaalka ay shirkadda DP World sidii heshiiskaasi u hirgeli lahaa.

dp world Somaliland (3)Guddoomiyaha shirkadda  DP World, Suldaan Axmed Bin Sulayem oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey in la gaadhay  waqtigii la bilaabi lahaa ballaadhinta dekedda Berbera, isaga oo ku dheeraaday taariikhda guunka ah ee marsada Berbera iyo sida ay abidkeedba halbowlaha ugu ahayd ganacsiga geeska, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Tani waa maalin gaar ah, waa maalintii aynu shaqada bilaabi lahayn, waana maalintii aynnu sugaynay, shalayna waxa ay ahayd maalintii dhagax-dhigga, dekedda Berbera. Marsada Berbera waxa ay muhiim u ahaan jirtey isu socodka badaha qarniyo badan, maantana waxa aynnu si rasmi ah u saxeexaynaa qandaraaskii, qandaraasluhuna waxa uu bilaabi doonaa shaqadii.”

Guddoomiyaha shirkadda DP World oo hadalkiisa wata, ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin sidii ay Berbera u noqon lahayd marso caalami ah oo wax weyn ka tarta isu socodka ganacsi ee Geeska Afrika, “Aad iyo aad baannu ugu faraxsannahay oo aannu ugu niyadsannahay inay Berbera kusoo biirto dhawr iyo toddobaatanka dekedood  ee aannu maalgelinno oo aannu marag ka noqonno inay shaqadu bilaabanto, mar haddii shaqadii bilaabantayna joogsan mayso, ujeeddadayaduna waa inaannu abuurno mashruuc ganacsiyeed badeed oo muhiim ah oo geeska Afrika ah,” ayuu yidhi guddoomiyaha shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Sulayem.

 dp world Somaliland (1)

Guddoomiyuhu waxa uu si weyn u ammaanay ammaanka iyo nabadda ka hirgashay geyiga Somaliland oo ku tilmaamay tallaabo soo jiidatay bulshada caalamka, isaga oo shacabka reer Somaliland-na ugu baaqay inay u midoobaan horumarkooda iyo midnimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hor intii aannu saxeexa qandaraaska Marsada Berbera dhicin hadal kooban jeediyey, ayaa tilmaamay inuu heshiiskani bar bilow u yahay hayaanka dheer ee ay dekedda Berberi ugu jirto sidii u quudin lahad dalalka aan dekedaha lahayn ee qaaradda Afrika ku yaalla, waxana uu yidhi, “Berbera maanta waxa laga qabtay iyo DP World aannu iska kaashannay iyo dawladda Imaaraadka Carabtu, waxa ay noqonaysaa halka aynnu ka duulaynno iyo bar-bilowga aynnu ka bilaabaynno inaynnu noqonno Al-baabka laga gelayo Afrikada aan dekedaha lahayn.”

 dp world Somaliland (2)

Madaxweynuhu waxa uu mahadnaq ballaadhan u jeediyey dalka Imaraadka carabta iyo shirkadda DP World oo sheegay inay ka dhego adaygeen baaqyadii runta ka fogaa ee ay Soomaaliya ku hor istaagtay tallaabooyinka horumarineed ee Somaliland kula macaamilayso beesha caalamka “Waannu uga mahadnaqaynaa dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World inay noqdaan  dalkii iyo shirkaddii ugu horraysay ee kusoo dhiirrada inay maalkooda geliyaan Somaliland oo aan la ictiraafsanayn oo cadow badan leh, waxa aan uga mahadnaqayaa inaanay ka baqanin oo aanay dheg jalaq u siinin markii ay dawladda Soomaaliya tidhi lama tegi karo meel horumar samaynayso oo ay tidhi lama samayn karo, iyada oo taasina ay gardarro cad ay tahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 dp world Somaliland (4)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si cad u sheegay inuu socon doono horumarka Somaliland, dunida lasii macaamili doonto, isaga oo Soomaaliya-na ugu baaqay inay ka dheeraadaan hadallada  colaadda iyo kala fogaanshaha tarminaya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan leeyahay Berberi way koraysaa, Somaliland-na hore ayey u maraysaa, aduunkana wax bay la qaybsanaysaa, idinkana (Soomaaliya) waa idiin diyaar, cadaawad iyo nacna uma haynno Soomaaliya, dadna waannu isu xignaa, waxana aannu usoo jeedinaynaa nabad iyo wax wada-qabsi iyo inaynnu noqonno laba dal ah oo walaalo ah.”

 8B7A1167

Bilowga ballaadhinta dekedda Berbera iyo saxeexa qandaraaska bilowga hawsha, ayaa daba socda heshiis ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland laba sano ka hor la gashay shirkadda DP World, taas wejigeeda koowaad noqon doonaa 400M (Afar boqol oo mitir), waxana munaasabaddan  shirkadda DP World, Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda Shafa Al Nahda ee qandaraaska Ballaadhinta dekedda Berbera ku guulaysatay kala saxeexdeen qandaraaskii dhismaha ballaadhinta dekedda Berbera.

 https://youtu.be/AmqFMAzIgE4

https://youtu.be/lROg-vXjmqY