Maraykanka: Maxkamad Go’aan ka soo saartay Dacwad loo haysto Korneyl TUKE iyo Nooca Dambiga lagu Helay

Tuke oo Maraykan ku sugan

Alexandria (SLpost)- Xeer-beegtida Maxkamad ku taalla magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, ayaa maanta go’aan ka soo saaray Dacwadda kiis Jidh-dil iyo Isku-day dil ah oo loo haysto Korneyl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka tirsanaan jiray Ciidamadii Dowladdii Soomaaliya.

Korneyl TUKE

Korneyl Tuke oo xilligaas ahaa sarkaal ka tirsan Ciidammadii dowladdii Siyaad Barre ee Xasuuqa ka geystay Deegaamada Somaliland, waxa uu gabbood-fallo ka dhan bani’aadamnimada ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Gabiley, halkaas oo ammarro uu bixiyey lagu laayey dad shacab ah halka isaga laftiisuna uu gacantiisa ku fuliyey Garaacista iyo Dilalka Dad shacab ah.

 

Tuke oo Maraykan ku sugan

Haddaba, Dhegaysida dacwadda Kiiskan oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey ka socotay maxkamadda, waxa ay xeer-beegtidu ku heleen Korneyd Tuke inuu 30-sanno ka hor Jidh-dil u geystay Farxan Maxamed Tani Warfaa oo todobaadkii hore Maxkamadda u gudbiyey Dacwadda.

 

Sida ay aanu ka soo xigannay warbaahinta Maraykanka, Maxkamaddu waxa ay go’aamisay inuu Korneyl Tuke bixiyo Lacag mag-dhow ah oo dhan $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Dollar) inuu siiyo dhibbane Farxan Maxamed Taani oo sheegay in da’diisu ahayd 17-sanno jir markii isaga iyo dad kale shacab ah ciqaab-wadareed u geysteen ciidamo uu watay Korneyl Tuke oo uu sheegay inuu dhowr xabbaadood ku dhuftay ka hor intii aan meyd ahaan looga tagin balse nasiib-wanaag uu ka badbaaday.

Dhibbane Farhan iyo Garyaqaanadii u doodayey oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda

Warku waxa uu intaas ku daray in Korneyl Tuke Maxkamadda horteeda ka sheegay inuu ahaa Sarkaal Ciidan oo ka tirsanaa ciidamadii Soomaaliya, balse waxa uu beeniyey inuu Jidh-dil u geystay dhibbane Farxaan maxamed Taani.