Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Wareega 2-aad Ee Tartanka Ciyaaraha Gobolada (SAWIRRO)

Hargeysa (SL.Post) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayso Marwada koowaad ee qaranka Somaliland, Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo xubno ka mida golaha wasiirada, gudoomiyaha gobolka maroodijeex, maayarka caasimada, salaadiin, xildhibaano, iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa Madaxweynughu waxa uu si rasmi ah u furay wareega labaad ee tartanka gobolada dalka Somaliland.

Waxaana galabta lagu furay labada gobol ee Saaxil iyo Xaysimo oo soo bandhigay ciyaar ciyaar dhaaftay oo aad u heersaraysa kana muuqatay waayo aragnimo iyo degenaan ay muujiyeen ciyaar yahanadii ku sugnaa garoonku, waxaana ciyaarta qaybtii hore lagu kala nastay 3:0 ay ku hoggaaminaysay Saaxil halka xaysimona aanay waxba keensan, waxa iyana xusid mudan in ciyaar yahanka numberka shanaad ama daafaca uga ciyaara gobolka saaxil uu qaatay kaadhka cas dibedana looga saaray ciyaarta, balse aanay u dhitin xulka gobolkiisa saaxil ciyaarta oo 1:0 ahna ay ka dhigeen 3:0, markii lagu soo noqday qaybtii labaadna waxa ciyaarta halkeeda ka sii watay gobolka saaxil oo gool afraadna u raaciyey ciyaar yahanadii ku ciyaarayey magaca gobolka xaysimo sidaasina wax ku soo dhamaatay guud ahaan ciyaartii lagu furay wareega labaad ee ciyaaraha gobolada Dalka Somaliland.

14590343_1091830377597481_3533704687219907921_n 14595805_1091829740930878_5739217885665797323_n 14633054_1091831567597362_8166589165860388931_n 14642523_1091829860930866_241758759345510962_n 14666260_1091832337597285_5339009070554269545_n 14720371_1091830787597440_8047523310654136161_n 14720582_1091830040930848_6352134451486580740_n 14721448_1091830294264156_4018828799010365783_n 14721549_1091832257597293_3828355196199559212_n 14724395_1091829627597556_7586053950429800312_n 14724481_1091830320930820_7874894644819252964_n 14724636_1091832220930630_1526141747191010340_n 14731209_1091830427597476_5651993851997181978_n 14732320_1091830124264173_4925414284095695419_n

Xulalka Gobolada ku tartami doona wareegan labaad ayaa kala ah sidan:-

  1. Gobolka Sool
  2. Gobolka Saaxil
  3. Gobolka Xaysimo
  4. Gobolka Sanaag
  5. Gobolka Awdal
  6. Gobolka Hawd
  7. Gobolka Daadmadheedh
  8. Gobolka Gabiley

 

 

Somalilandpost.net