Madaxweyne Muuse Biixi oo Isku beddel iyo Magacaabis cusub ku sameeyey Xukuumaddiisa

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku-beddel iyo Magacaabis cusub ku sameeyey qaar ka tirsan masuuliyiinta Xukumaddiisa.

Wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka Imaaraadka Baashe Cawil,  ayaa loo beddelay inuu noqdo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya. Halka beddelkiisa uu u magacaabay masuul cusub.  Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu masuul cusub u magacaabay Wakiilka Dalka Maraykanka,  isagoo wakiilkii hore ee dalkaas Rashiid Garuf uga mahadceliyey muddadii uu xilkaas hayay.

Sidoo kale,  waxa uu Md Biixi magacaabay Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka oo uu u magacaabay Agaasimihii hay’adda Waxbarashada Afrika ee AET (Africa Educational Trust) Hassan Embassy.

Warsaxaafadeed lagu shaaciyey digreetada madaxweynaha,  ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Shirkii Soomaaliya loogu qabtay Brussels iyo Kulankii Farmaajo & FaysalMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

Markaan Arkay:         Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:         Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi:

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

 

Tir Magaca Xilka
1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya
2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
3. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka
4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC)
5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka

 

 

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

[

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland